Tan iyo intii xariga loo taxaabay fanaaniinta XIDDIGAHA GEESKA markii ay ka soo laabteen MUQDISHO oo ay kaga qeyb galeen damaashaadkii CIIDA ayaa baraha SOCIAL MEDIA waxaa ka socday wada hadalo ay is weydaaarsanayeen qaar ka mid ah asxaabta FACEBOOK,iyadoo ra'yiga mar walba uu kala duwanaa,tabcan xarigan fanaaniinta dad badan ayaa u arkay mid qalad ah,iyadoo dowlada SOMALILAND weli aan ka hadlin sababta loo xiray iyo dembiyada ay galeen,laakiin mar walba waxaa wanaagsan inla xusuusto maahmaahdii Somaliyeed ee "HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA",waxaa la arkay dad qaarkood in cadowtooyo ay SOMALILAND guud ahaan u qabaan ay ku xireen ama LINK uga dhigeen arimahan dhacay,waxaana hubaal ah in dadka qaarkood ay wataan arimo iyaga u gooni ah oo aan shaqo ku lahayn XIDIGAHA ee ay tahay ANTI-SOMALILAND.
Hadii aan ku soo laabto waxa qoraalkan uu ku saabsan yahay – ugu horeyn ABUKAR MAHDI waa shaqsi saaxiibkay ah oo runtii aan qadariyo,waa EDITOR u shaqeeya UNIVERSAL TV oo dhowr sano aan kala shaqeeyay,waxaan ku tilaami karaa in uu yahay shaqsi aad u dabeecad wanaagsan oo la dhaqmi kara qof walba uu barto,laakiin dhanka SOCIAL MEDIAYAHA wuxuu la soo baxaa dabeecad aan ku aqoon,ugi horeyn waxaan idin barayaa ABUKAR MAHDI oo sawirka hoose ila taagan.
ABUKAR MAHDI iyo ABDINASIR ISMAIL " 2009"
Arimaha XIDDIGAHA markii ay dhaceen waxaan FACEBOOK soo geliyay SAWIR qoraal ah oo shabakada HADHWANAAG ay kaga hadashay xabsiga XIDDIGAHA!
Tabcan ra'yiga aan ka dhiibtay wuxuu ahaa mid hadii la tarjumo ah "AFKIIBAA JUUQA GABAY" oo ah hadii ay jirto in FANAAN loo xiro maxaad MUQDISHO u tagtay.
Runtii waxaa qoraalo kala duwan oo COMMENTS ah ka kala bixiyay asxaabta FACEBOOK oo ra'yigooda uu kala duwanaa,qaar wey ka soo horjeedeen kuwa kalena waxay difaaceen SOMALILAND,laakiin waxaan marnaba la yeeli karin in arimahan dhacay awgood dhamaan SOMALILAND lagu af-xumeeyo oo waxyaabo ka baxsan arimaha dhacay la soo qoro.
Waan ognahay in ay jiraan dad mar walba doonaya dhibka SOMALILAND oo markii ay arkaan arimo siyaasi ama dowlada ay ku kacday mas'uul uga dhiga dadka ku nool Wadankaas,laakiin siyaasi ama dowlad keliya ma ahan SOMALILAND,falkii ay sameeyaana qof walba oo meeshaa ku nool ka mas'uul ma aah,waa adigoo tiri dhamaan reer KOOFUR waa AL-SHABAAB!
Dhowr maalmood ka dib waxaa baraha SOCIAL MEDIA lagu arkay qoraalo iyo Videos ay soo duubeen taageerayaasha XIDIGAHA iyo kuwa maamulka SOMALILAND,taasoo runtii ah wax qof walba ra'yigiisa u qaaska ah uu ka dhiiban karo,iyadoo ay jirtay dad qaarkood oo xuduudka ka baxay.
Saaxiibkay ABUKAR MAHDI wuxuu soo dhigay bogiisa FACEBOOK dhowr qoraal,links iyo Video ka hadlaya waxyaabaha dhacay- eeg sawiradda!
ABUKAR MAHDI wuxuu ku noolyahay wadan XOR ah oo wixii ra'yigiisa ah uu ka dhiiban,mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in qoraalada dadka kale ay soo geliyaan aanu ka helin,laakiin waa qaabka DIMOQORAADIGA u u shaqeeyo.
Dhowr maalmood ka dib waxaan FACEBOOK ku arkay qoraalo iyo sawirro ay soo geliyeen dad aad u fara badan oo runtii ka baxay arimihii XIDIGAHA oo af-lagaado iyo waxaan loo baahneyn gacmaha la galay "tabcan ABUKAR MAHDI arimahan aan ka hadlay shaqo kuma laha".
Ka dib waxaan soo qoray qoraalka hoose oo calanaka SOMALILAND uu la socdo – si fiican u aqri
Anigu ra'yigeyga ii gaarka ah xaq ayaan u leeyahay,waxyaabaha aan ku soo qoro FACEBOOK cidna in lagu xumeeyo uma soo geliyo,waxaa laga yaaabaa dadka qaarkood in ay si qalad ah u fahmaan,laakiin wax aan ka qaban karo ma leh.
Dhowr saac ka dib markii aan soo geliyay qoraalka yar ee CALANKA la socda – waxaa MESSAGE ii soo diray ABUKAR MAHDI oo markii iigu dambeysay oo risaalo uu soo diro ay ahayd bishii MAAJO 2015 – qoraalka runtii aad ayaan uga xumaaday,waayo saaxiibkaa sidaa loolama hadlo – wuxuuna ku bilaabay sidan!
Hadalka waxaan ku soo af-jarayaa in ABUKAR MAHDI oo ah shaqsi weli aan qadariyo uu si gardaro ah igu soo maagay,isagoo ilaa iyo hada aan garan la'ahay waxa ka qaldan,ABUKAR MAHDI weli af-lagaado ayuu FB ka wadaa,laakiin aniga dadka caytama uma jawaabi.