Quantcast
Channel: ICg
Viewing all articles
Browse latest Browse all 99

LACAGAHA BAADKA EE DAAHIR CALLASOOW IYO 10.OOO DOLLAR MAXAA KA JIRA? SPECIAL REPORT!

$
0
0

dffDaahir Allasow waxaan filayaa qof walba in uu yaqaano,inta badan wuxuu ka shaqeeyaa dhanka warbaahinta,sida shabakada,radio,telefishinada Somalida iyo isagoo ah milkiilaha shabakadaha ugu afka dheer Somalida ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibada,waxaa inta badan lagu yaqaanaa dhanka baaritaanka iyo daba galka arimaha dadka kale ee warbaahinta ay ka gabadaan,saa awgeed wuxuu yeeshay dad cadow ku ah oo aan ka helin arimaha uu qod-qodo.

Shabakada WAAGACUSUB oo EDITOR uu ka yahay – waa tan ugu badan ee SOMALIDA ay galaan:

Waxaa dhowr maalmood ka hor indha heyga ku dhacay qoraalo la yiri waxaa is weydaarsaday,isaga iyo shaqsi la yiri wuxuu doonayey in uu lacag 10,000 oo dollar BAAD ah uu ka qaado,isagoo isla markaa u goodiyay oo yiri hadii aadan bixin wixii kugu dhaca waad arki doontaa.

 

Ugu horeyn aan eegno sawirka hoose ee la yiri waa wada hadalkii DAAHIR ALLASOW iyo shaqsi ISBAARADA loo dhigtay.

 

Qoraalada dusha ee lays weydaarsaday si fiican u eeg iyo nooca farta ama FONT lagu dul dhejiyay!

 

 

Iminka eeg sawirka hoose oo ah qoraal aan DAAHIR ALLASOW kula hadlay – isla dhanka FACEBOOK MESSAGE,waa maxay farqiga u dhexeeya?

 

Iminka aan isu eegno farqiga u dhexeeya labada sawir ee dusha aan ku aragnay  – hoos waxaa yaala midka la yiri DAAHIR ALLASOW ayaa ku baadaya shaqsiga – MOHAMED CAJIIB – calaamadaha CASAANKA hadii aad eegtid,waxaad arkeysaa in qaabka taariikhda loo qoray ay tahay  8/11 taasoo ah BISHA 8 aad AGOOSTO iyo maalinta 11 aad – wadanka uu ku noolyahay DAAHIR ALLASOW oo ah NETHERLANDS formatka noocaa ah lagama isticmaalo.

Sida aan sawirka hoose iyo LINKIGA aan ku aragno wadanka NETHERLANDS wuxuu isticmaalaa FORMATKA  DD/MM/YY oo ah  11.8.2015 – qoraaga farshaxanka wuxuu ilooway taariikhda FACEBOOK MESSAGE si automatic ah u soo qorto:

Riix LINKIGA wadamada aduunka ay isticmaalaan oo wikipedia ay soo diyaarisay.

Iminka bal aan isla eegno FACEBOOK MESSAGE aan DAAHIR ALLASOW kula sheekeystay – taariikhda dhanka midig ee casaanka ah eeg – waa qaabka SAACADA wada hadalka ay FACEBOOK si automatic ah u soo geliso.

Sawirka dusha hadii qoraalka "FONT" aad eegtid waa NADIIF,laakiin kan been abuurka ah ee DAAHIR laga sameeyay,waxaan ku aragnaa in tayadiisa aad u xuntahay oo shaqsiga farshaxanka isku dayey uu weli iskuulkii PHOTOSHOP aan dhameyn.

OK iminka bal aan bedelno sheekadii RUNTA ahayd ee DAAHIR ALLASOW iyo aniga,ugu horeyn waxaan gebi ahaan ka saarayaa wixii qoraal ah,eeg sawirka hoose:

 

Waxaan dusha ku aragnaa in gebi ahaan qoraalkii aan ku sheekaysanay aan meesha ku jirin,oo wixii aan doono ku bedeli kara – farshaxanka been abuurka wuxuu ilooway in FACEBOOK ay isticmaasho TAHOMA oo ah nooc qoraal "FONT",isagoo isticmaalay VERDANA.

Sawirka hoose eeg farqiga u dheceeya  TAHOMA iyo VERDANA.

 

Iminka sawirkii PHOTOSHOP aan ku masaxnay – hoos ka eeg inagoo wixii aan doono ku qornay.

 

Waxyaabaha kale ee qoraalada BEEN ABUURKA ah aan ku aragnay xiligii baarista, waxaa ka mid ah labada sawir ee hoose oo laba shaqsi oo asxaab ah ay ku sheekeysanayaan oo mid keliya loo jeedo.

Baaritaankan dheer ka dib waxaa 100% aan soo xaqiijinay in FACEBOOK MESSAGEKA – la soo geliyay baraha FACEBOOK aanu waxba ka jirin,hadee qaab loola dagaala ayaa jira DAAHIR ALLASOW,laakiin 2015 FAKE MESSAGE FACEBOOK iyo 10,000 dollar kama mid aha qaabka laysu ugaarsado.

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"
 
Professor of Electrical Engineering and Computer Science
 
La xiriir: info@solaportal.com

Viewing all articles
Browse latest Browse all 99

Trending Articles