Quantcast
Channel: ICg
Viewing all 99 articles
Browse latest View live

MAXAA KA JIRA CODKA SIRTA AH EE LA YIRI WAXAA LAGA DUUBAY XUSEEN SHIRE? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

Shabakadaha farahabadan iyo baraha bulshada uu leeyahay Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO DAHIR CALLASOW ayaa waxaa lagu arkay arin dad aad u farabadan ay la yaabeen, ka dib markii uu yiri waxaan soo bandhigay COD SIR ah oo laga duubay ABWAAN XUSEEN SHIRE isagoo la telefoon kula hadlaya gabar Somaliyeed oo sawirkeeda uu dul saaray, iyadoo dadka aqrista ama daawada CALLASOW inta badan aan rumeysan wuxuu soo geliyo barihiisa bulshada ee farabadan ayaa shabakada SOLAPORTAL waxay idin soo bandhigeysaa baaritaan dheer oo ay ku sameysay siday wax u jiraan iyo maxaa ku qasbay CALLASOW in uu isku dayo FADEEXAYNTA shaqsi ay aad isugu dhoweeyaan waqti aad u dheer.

Ugu horeyn Xuseen Shire iyo Dahir CALLASOW waxay ahaayeen rag saaxiibo ah oo xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, laakiin sida caadada ah CALLASOW qofkii u noqon waaye YES MAN wuxuu isku dayaa in qoyskiisa iyo isagaba baraha bulshada ku fadeexeeyo.


Tan kale wuxuu isticmaalay sawir GABAR SOOMAALIYEED oo xaas ah, shaqo aan ku lahayn arimaha uu kaga BEEN ABUURTAY Xuseen SHIRE.

FACEBOOGA hoose waa mid uu CALLASOW sameystay si uu isaga dhigo WARIYE SALMAAN JAMAAL.

Gabadhan sawirkeeda la isticmaalay waxaa la yiraahdaa SAHRA SIYAAD oo ku nool wadanka Talyaaniga, sababta keliya ee uu u isticmaalay jawaabteed iyada ayaa COD ahaan SolaPortal ugu soo dirtay ee dhegaysta.


 


 SAHRO SIYAAD waxay tiri CALLASOW waxaan u fasaxay in uu soo geliyo hadii COD aan kula hadlay XUSEEN SHIRE uu iga hayo, l Waxaa ayaandaro ah in uu sawirkeyga uu ku dhibaateeyo shaqsi aan shaqo isku lahayn.

Sida aad ku maqasheen CODKA SAHRA SIYAAD oo ah Hooyo Somaliyeed oo aan shaqo ku lahayn arimaha CALLASOW iyo XUSEEN SHIRE ayaa SolaPortal u sheegtay in ay tahay arin xadgudub ah oo iyada iyo reerkeeda loo geystay.

DAHIR CALLASOW wuxuu caan ku yahay in COD qofwalba oo la soo hadlo in uu duubo ka dibna uu ku BIIQSADO ama BLACKMAIL ku sameeyo,bal iminka aan isla dhegeysano CODKA la jar-jaray ee XUSEEN SHIRE.

CALLASOW wuxuu soo geliya YOUTUBE si lacag uu uga sameeyo.

 


 


 

 

Ma xusuusataan SHABAKADA BARBAARIYE.COM oo SolaPortal ay soo bandhigtay markii XILDHIBAAN DHUXULOOW iyo ENG YARIISOOW facebook BEEN ABUUR ah looga sameystay?

 


Shabakada SolaPortal waxay idin xaqiijenaysaa in shaqsiga ABWAAN XUSEEN uu la hadlayay uu ahaa ABDIQAADIR WARSAME oo reer UK ay si fiican u yaqaanaan, kaasoo sida CODADKA hoos ku cad uu lacag ka amaahday waqti aad u dheer uu ka sugayey, iyadoo markii dambe uu gebi ahaan London ka guuray.

Xuseen Shire ayaa la wadaagay SolaPortal CODAD farabadan oo uu u diray ABDIQAADIR, iyadoo ilaa iyo iminka aanu ka helin wax jawaab ah laakiin uu la wadaagay CALLASOW codkiisii ugu dambeeyay.




Sababta CALLASOW uu dagaal ugu soo qaaday reer CIYAAR -JECEL waa isagoo ku yiri dowlada FARMAAJO soo af-lagaadeeya hadii kale dagaal ayaa inaga dhexeeya.

CALLASOW iyo kuwa DABA DHILIFKA u ah waxay reer CIYAAR-JECEL ku eedeyeen in ay yihiin kuwa FARMAAJO oo isku cid ay yihiin keliya taageera oo madaxdii hore iyo dalka Somaliya ka soo horjeeday, si arintaa aan u xaqiijino bal eega sawirka iyo Videowga hoose:

Sida aad ku aragteen VIDEOWYADA dusha reer CIYAAR - JECEL ma bilaabin JACEEYLKA ay u qabaan SOMALIYA feberaayo 2017, FARMAAJO iyo iyaga ILAAHAY baa isku qolo ka dhigay, cidna amar kuma siin karto cida ay dhaliilaan ama taageeraan, saa awgeed CODAD la soo jar-jaray waxba ka bedeli mayso wanaaga XUSEEN iyo dhamaan reer CIYAAR - JECEL.


CALLASOW wuxuu 24 hours ku shaqeystaa COD la duubay iyo VIDEO si SIR ah loo duubo.


 APRIL 2018 SolaPortal oo og shaqsiyada CALLASOW ayaa waxay ka difaacday COD BEEN ABUUR ah oo isaga laga sameeyay.


Ugu dambeyn shabakada SolaPortal waxay idin xaqiijineysaa in aan waxba ka jirin isku dayga la rabay in magaca MARWO SAHRA SIYAAD iyo XUSEEN ABSHIR lagu fadeexeeyo, SOMALIYA iyo FARMAAJO ha taageerin ama GABADHEENA idin siin mayno hadii dad la rabo in lagu biiqsado waxaa hubaal ah in xilligii ISBAAROOYINKA ELECTRONIGA ay dhamaadeen.

 

SOLAPORTAL YOUTUBE RIIXHALKAN

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 


WARBIXINTII MICHAEL KEATING EE QARAMADA MIDOOBAY "UN" IYO XAALADA SOMALIYA AY KU SUGAN TAHAY, ENGLISH IYO SOMALI.

$
0
0

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa warbixnta guud ee MICHAEL KEATING uu u gudbiyay QARAMADA MIDOOBAY oo ku saabsan xaalada guud ee Somaliya iyo isbedeladii dhacay tan iyo intii loo doortay in uu noqdo ergeyga qaaska ah ee Somaliya u qaabilsan qaramada midoobay, Mr KEATING oo bilaabay shaqadan JANAAYO 2016 ayaa wuxuu si faah-faahsan ugu qeexay fadhigii qaramada mdoobay ee arimaha Somaliya 13 SPETEMBER 2018, SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa iyadoo SOMALI aan ku tarjunay iyo kan INGIIRSKA oo ah warbixintii uu gudbiyay.


Thank you, Madam President.

My tour of duty comes to an end next week. On the day that I arrived in Mogadishu in January 2016, I was taken straight to the President’s office to discuss a threat by federal member states’ to suspend cooperation with the central government. When I left Mogadishu two days ago, the country faced a similar situation. The structural problems that shape Somali politics and security have not changed. But this should not obscure some remarkable achievements in the last three years. There was a peaceful transition of presidential power, with a result that was accepted as legitimate. A new Upper House representing the federal states came into being. The percentage of women MPs went up from 14 to 24%, higher than both the African and global average. A famine was averted in 2017 thanks to national mobilization, better preparedness and the generosity and speed of donors in providing funding. This is a largely untold story that is a credit both to Somalis and to the UN.


 Mahadsanid Marwo Madaxweyne

Shaqadii aan ku maqnaa waxay dhamaaneysaa asbuuca soo socda. Maalintaan imid Muqdisho waxay ahayd 1dii Janaayo 2016, isla waqtigaa waxaa si toos ah la iigu galbiyay xafiiska Madaxweynaha si aanu uga wada hadalno halista ka imaan karta dowlad goboleedyada Federaalka oo yiri waxaan joojineynaa wada shaqeynta dowlada dhexe.

Laba maalin ka hor markii aan ka soo tegay Muqdisho, wadanka wuxuu ku jiray isla xaaladaa oo markale soo wajahday.

Dhibaatooyinka qaabdhismeedka siyaasadda Soomaaliya iyo nabadgelyada waxba iskama beddelin. Laakiin tani waa in aysan qarin guulaha la taaban karo ee la gaaray saddexdii sano la soo dhaafay.

Waxaa jiray isbeddel nabadgelyo ah oo ku yimid  qaabka awoodda madaxweynanimada loo kala wareejiyay, iyadoo natiijo ahaan loo aqbalay si sharci ah.

Aqal sare cusub oo wakiil ka ah dawladaha federaalka ayaa yimid. Boqolkiiba haweenkii xildhibaannada ahaa waxay kor u kaceen 14 ilaa 24%, oo ka sarreeya celcelis ahaan Afrikaanka iyo caalamka.


Macluul dhici lahayd ayaa laga hortagay sannadkii 2017 iyada ay ka timid abaabul qaran, diyaargarow wanaagsan, deeqsinimada iyo xawaaraha deeq bixiyeyaasha iyo bixinta maalgelinta. Tani oo ah waxyaabaha inta badan aan la maqlin, laakiin karaamo ua ah Soomaalida iyo Qaramada Midoobay.


The federal map is being filled in. One year ago, HirShabellestate was created. There have been successes in conflict prevention and resolution. I just crossed lines and went shopping in Galkacyo, a town that was until recently very insecure and bitterly divided.
Other conflicts such as between Puntland and Somaliland have been prevented through intense diplomatic activity by the UN, IGAD and others.

A framework for addressing chronic insecurity is in place: the National Security Architecture and the Comprehensive Approach to Security. The plan for transition of lead security responsibility from AMISOM to Somali forces is being implemented. Somali forces just took over Mogadishu’s iconic stadium and adjacent areas.

There is a government with a compelling reform agenda, anchored in the strong partnership between President Mohamed Abdulahi Farmaajo and Prime Minister Hassan Khaire.Its centrepiece is to make the country more creditworthy and accountable as a step to regain full sovereignty, reduce dependency, and attract both public and private investment.

IMF benchmarks are being met, domestic revenues are increasing, public financial management is improving, business confidence is growing, and the prospect of arrears clearance and debt relief is closer.


Legislative and institutional frameworks are being developed for the 2020 elections. Real progress is being made to review the constitution. Federal Member states have been more engaged on a range of issues to define Somalia’s federal model and the 2020 electoral model through the work Federal Negotiation Technical Committee.


A National Reconciliation Framework is being developed with a view to all players in Somali society playing a part in addressing grievances and resolving conflicts. 


Khariidadda federaalka ayaa la buuxiyey. Hal sanno ka hor, waxaa la abuuray gobolka HirShabelle.

Waxaa jiray guulo laga gaaray ka hortagga iyo xalinta khilaafaadka. Anigu waxaan isaga gudbay oo ka dukaameystay khadka kala gooya magaalada Gaalkacyo, oo ahayd meel ilaa iyo waqti sidaa u fogeyn ay adkayd in loo kala gudbo.

Iskahorimaadka kale ee ka dhexeeya Puntland iyo Somaliland waxaa looga hortagay qaab diblomaasiyadeed oo ay ka wada shaqeeyeen  UN, IGAD iyo kuwo kale.

Nidaam la doonayo in lagu xaliyo amni-darrada ba'an ee jirta: Dhismaha Nabadgalyada Qaranka iyo Habraaca Dhammaan Nabadgelyada.

Qorshaha ku-meel-gaadhka ah ee mas'uuliyadda ammaanka hogaaminta ee AMISOM ayaa loo hirgelin doonaa ciidamada Soomaaliya. Ciidamada Soomaaliya waxay la wareegeen maamulka garoonnka ee Muqdishu iyo meelaha ku dhow.

Waa xukuumad ku socota qorshe dib-u-habeeyn ah oo xoog leh, oo ku xiran wadashaqeyn xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Khayre.

Ahmiyadooda ugu weyn waa in dalka laga dhigo mid xisaabtama oo lala xisaabtami kara, sidii loo qaadi lahaa tallaabo dib loogu soo celin karo awoodda buuxda, hoos u dhigidda ku-tiirsanaanta, iyo soo jiidashada maal-galinta dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Qiyaasaha IMF ayaa la daboolay, dakhliga gudaha waxaa sii kordhaya, maareynta dhaqaalaha dadwaynaha ayaa soo hagaagaysa, kalsoonida ganacsiga ayaa sii kordheysa, iyo rajada laga qabo in lacagaha deymaha laga soo kabsado iyo deyn bixinta oo aad u soo dhowaatay.

Qaab dhismeedka sharci-dejinta iyo qaab-dhismeedyada waxaa loo diyaariyey doorashooyinka 2020. Horumarin dhab ah ayaa loo sameeyay si dib loogu eego dastuurka.

Dowlad goboleedyada Xubinta ka ah Federaalka waxay ku hawlan yihiin arrimo badan oo kala duwan si loo qeexo habka federaalka Soomaaliya iyo habka doorashada 2020-ka iyada oo loo marayo guddiga farsamada gorgortanka ee Federaalka.

Qaabdhismeedka Dib-u-heshiisiinta Qaran ayaa la sameeyay iyada oo loo eegayo dhamaan dadka bulshada Soomaalida ah ee qayb ka qaata wax ka qabashada cabashooyinka iyo xalinta khilaafa.


Madam President,

Somalis can draw strength from these positive changes. However, no-one should delude themselves about the challenges ahead, many of them structural.
Somalis continue to experience profound insecurity: high and costly levels of violence, ruthless attacks by Al Shabaab, limited access to justice and basic services, absence of local governance, chronic poverty, lack of income and jobs.

The country is vulnerable to climate shocks. 2.6 million people are internally displaced. It is one of the most disadvantageous places in the world for women, and the education, work and life opportunities for young people remain heartbreakingly limited.

Abuse and deprivation of human rights is common, including sexual violence, harmful traditional practices, limited freedom of expression and arbitrary arrests and detentions, including of children.

A National Human Rights Commission has yet to be established. Disputes over borders, resources and revenues, power sharing and grievances between clans and interest groups, have the potential to turn violent and result in further human misery and displacement.

The 4.5 power sharing convention that accommodates the interests of powerful clans at the expense of weaker ones and minorities has allowed progress but is a source of exploitable grievances. Rule of law is weak.  A Justice and Corrections model is close to being agreed, but capacity remains very limited.

The government lacks the means to ensure that judgements are implemented; too often, people turn to Al Shabaab instead.

Corruption is systemic, used to gain and retain power. It penalizes the poor, the majority. Untraceable money changing hands continues to be a defining feature of Somali politics.

Tackling corruption also requires structural change -  building and funding independent justice institutions, appointing well trained and competent staff in the civil service.


Somalis are proud of their clan lineage, but the country cannot afford to let clan identity be the only basis for determining appointments. Young people in particular deserve institutions that deliver services.


Marwo Madaxweyne,

Soomaalidu waxay awood ahaan u arki karaan isbeddelkan wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, cidina waa in ay iska hor-istaagto caqabadaha hortaagan, qaar badan oo ka mid ah dhismayaasha

Soomaalidu waxaa hortaagan oo mar walba ay la kulmaan amni daro weyn: dhibaatooyin dagaal iyo rabshado halis ah, weeraro aan naxariis lahayn oo Al-Shabaab soo qaado, helitaanka caddaaladda iyo adeegyada aasaasiga ah, maqnaanshaha maamul goboleed, saboolnimada ba'an, dakhliga iyo shaqo la'aanta.

Waddanku wuxuu u nugul yahay dhibaatooyinka cimilada. 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha ku barokacay. Waa meelaha ugu liidata adduunka ee haweenka, iyo fursadaha waxbarasho, shaqo iyo fursadaha nolosha dhalinyarada ayaa weli ah mid xaddidan.

Xad-gudubka iyo xayiraadda xuquuqda aadanaha waa mid caadi ah, oo ay ka mid tahay rabshadaha galmada, dhaqanka  waxyeelada leh, xoriyada xaddidan ee xayiraadda iyo xiritaan aan sharciga aheyn, oo ay ku jiraan carruurta.

Komishanka Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ayaan wali la dhisin. Khilaafaadka ka dhexeeya xuduudaha, kheyraadka iyo dakhliga, wadaagidda awoodda iyo cabashooyinka ka dhexeeya beelaha iyo kooxaha danta gaarka leh, waxay keeni karaan awood isu bedesha rabshad waxayna keenaysaa murugo bini'aadanimo oo dheeraad ah iyo barakac.

Qeybta 4.5 ee wadaagga awood qeybsiga ah ee ku saleysan danaha qabaa'ilka awoodda leh iyo xadgudubka kuwa daciifka ah iyo kuwa laga tirada badan yahay ayaa keenay isbedel horumar ah, laakiin waa ilaha cabsida keeni kara. Xeerka sharciga waa daciif.

Habka Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta wuxuu ku dhow yahay in la isku raaco, laakiin awoodda ayaa weli ah mid xadidan. Dowladdu ma haysato habab lagu hubiyo in xukunka la fuliyo; Inta badan, dadku waxay cadaalad ka raadiyaan Al Shabaab.

Musuqmaasuqu wuxuu noqday si nidaam caadi ah, oo loo adeegsado helitaanka iyo haynta awoodda. Waxay ciqaabtaa dadka saboolka ah, inta badan. Lacagaha aan la qeexi karin ayaa ah kuwa ay is weeydaarsadaan oo lagu arko siyaasadda Somalida.

Wax ka qabashada musuqmaasuqa waxay sidoo kale u baahan tahay isbeddel qaab-dhis ah - dhisida iyo maalgelinta hay'adaha caddaaladda ee madaxbannaan, magacaabida shaqaale tababaran oo karti leh oo ka shaqeeya adeegga bulshada.

Soomaalidu waa ay ku faani karaan isku duubnaanta qabiilka, laakiin waddanku ma awoodi karo inuu u oggolaado aqoonsiga beelaha inuu yahay saldhiga kaliya ee lagu go'aaminayo xilalka. Dhallinta khaasatan waxay u qalmaan jeritaanka hay'adaha bixiya adeegyada.


Madam President,

The government is fully aware of these challenges. The issue is whether it will be able to tackle them, whether the international community will be able to provide coherent, adequate and timely support to help it do so. There are many risks. Four stand out.

First is the risk that Al Shabaab and other extremists will derail progress. Despite the success of AMISOM and Somali security forces in containing Al Shabaab, it remains resilient.It uses targeted assassinations, improvised explosive devices and extortion both of communities and businesses, including in Mogadishu and other towns.

Managing and mitigating this risk requires systematic degradation of Al Shabaab as well as increasing the legitimacy and capacity of government. One without the other will not work.

Accelerated implementation of the National Security Architecture and investment in the Comprehensive Approach to Security are essential. These can facilitate more coherent approaches by international partners. But success depends primarily upon implementation of agreements among Somali leaders on security roles and responsibilities throughout the country.

Second is the risk that political differences will bring progress, passage of key legislation, and implementation of the government’s reform and security agenda, to a grinding halt. The deficit of trust between central government and federal member states, and the recent decision by the latter to suspend cooperation, are very worrisome.

Failure to restore trust and cooperation sends a negative signal both to Somalis and to those international partners trying to make a case to sceptical capitals that Somalia is ready for more financial and security support.

Federal states should use the upcoming National Security Council convened by the President as an opportunity for constructive engagement.

Building upon progress to date, there is scope for more investment in the capacity of federal states, and for more outreach and communication from the centre.

Securing the buy in of key constituencies to the national agenda – not just federal states, but also parliamentarians, clan power brokers, the business community including in the diaspora, and traditional elders - gets tougher, and more expensive, as state and national elections approach.

But it is essential. Mitigating this risk requires a twin track approach. Fundamental issues, including how power should be shared, allocated and separated, the nature of the federal state, the respective powers of the federal and state governments, should be addressed through the constitutional review. Young people, women and minorities need to be consulted.

Strong and differing views about federalism are legitimate but if the political culture is to change these need to be resolved through dialogue and not through unilateral action. 

More immediately, the greatest challenge is to reach political agreements that allow forward momentum without prejudicing the outcome of the constitutional review.

These include the Electoral Law, integration of security forces, and resource and revenue sharing agreements.

Here, trust is the key ingredient, difficult given that politicians suspect or assume that their opponents’ principal pre-occupation is to remove or replace them. The concept of patriotic opposition is weak, and the rules of the political game are blurred and blunt. Motions of no confidence, of impeachment and elections are abused and used for financial and political gain. They need to be revamped.


Marwo Madaxweyne,

Dawladdu waxay si buuxda uga warqabtaa caqabadahaas. Arrinta ayaa ah ma awoodi kartaa inay wax ka qabato, haddii ay beesha caalamku awood u leedahay in ay bixiso taageero isku xidhan, oo ku filan oo waqti go'an leh si ay u caawiso.

Waxaa jira khataro badan. Afar ayaa ugu muhiimsan.

Ugu horreyn waa khatarta ka iman karta Al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka ah oo ka horimaan kara isbedelka. Inkasta oo ay guulo ka gaareen AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee la dagaalanka Al-Shabaab, haddana way adagtahay.

Waxay adeegsadeen dilalka la beegsanayo, qalabka qarxa ee la macmalay iyo baad lagu sameeyo bulshada iyo ganacsatada, oo ay ku jiraan Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Maareynta iyo xoojinta khatartaas waxay u baahan tahay in si deg deg ah loo yareeyo qatarta Al-Shabaab iyo sidoo kale kordhinta sharciyeynta iyo kartida dowladda. Midna shaqeyn maayo kan kale la'aantii.

Hirgalinta Dhismaha Badbaadada Qaranka iyo maalgashiga Habraacsanaanta Habboon ee Amniga waa muhiim. Kuwani waxay fududey ka dhigi karaan habab badan oo isku xidhan oo ay la wadaagaan hay'adaha caalamiga ah.

Laakiin guushu waxay inta badan ku xiran tahay hirgelinta heshiisyo dhex mara hogaamiyayaasha Soomaalida oo ku saabsan kaalinta iyo mas'uuliyadaha amniga ee dalka oo dhan.

Midda labaad ayaa ah khatarta ay keeni karto khilaafka siyaasadeed ee horistaagi kara horumarka, marxalado sharci ah, iyo hirgelinta qorshaha dib-u-habeeynta iyo amniga ee xukuumadda, xakamaynta joojinta. Dakhliga kalsoonida ee ka dhexeeya dawladda dhexe iyo dawladaha xubinta ka ah federaalka, iyo go'aanka ugu dambeeyay ee ahaa joojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga ee xubnaha dowlad goboleedyada iyo federlaaka, kaasoo wal-wal aad u weyn keenay.

Ka gaabinta dib u soo celinta kalsoonida iyo iskaashiga waxay u diri kartaa calaamado kala duwan Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah ee isku dayaya in ay xaalka Somaliya ay ka iibiyaan wadamada shakiga ka qaba Soomaaliya in ay diyaar u tahay taageero dhaqaale iyo mid ammaan.

Dawlad goboleedyada Federaalku waa inay isticmaalaan shirweynaha Golaha Amniga Qaranka ee soo socda oo uu isugu yeeray Madaxweynuhu iyadoo ay tahay fursad ku is faham iyo wadahadal wax ku ool ah.

Dhisida horumarka ilaa iyo taariikhdan, waxaa jira baaxad maalgashi dheeri ah oo ku aaddan awoodda dawlad-goboleedyada federaaliga ah, ka-wargalin dheeraad ah iyo isgaadhsiinta xarunta dhexe.

Xaqiijinta iibsashada qaybaha muhiimka ah ee ajandaha qaranka - aan ahayn oo kaliya dawladaha federaalka, xildhibaannada, kaabo qabiilada, ganacsatada oo ay ka mid yihiin qurba-joogta, iyo odayaasha dhaqanka - way adag yihiin, waa qaali ahaan, cilliga ay soo dhowaadaan doorashooyinka dawlad-goboleedka iyo kuwa qaranka .

Laakiin waa muhiim.Hoos-u-dhigidda khatartaas waxay u baahan tahay habka labaad ee dabagalka.

Arimaha aasaasiga ah, oo ay ku jiraan sida awoodda loo wadaagayo, loo qoondeeyo oo loo kala soocayo, gobol walba oo  federaalka ah qaabkiisa, awoodaha u dhexeeya dowladaha federaalka iyo dawlad goboleedyada, waa in lagu xaliyo dib-u-eegidda dastuurka.

Dhalinyarada, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay waxay u baahan yihiin in lala tashado.

Fikradaha xooggan ee kala duwan oo ku saabsan federaalnimada waa waxjira laakiin haddi la doonayo isbedelka dhaqanka siyaasadeed iyo baahida loo qabo waa in lagu xaliyaa wada hadal oo aan la sameyn go'aan gooni ah.

Dhibaatada ugu wayni waa caqabadda hortaagan in la gaaro heshiisyo siyaasadeed oo u oggolaanaya in la sii hormariyo iyada oo aan wax u dhimi karin natiijada dastuurka.

Kuwaas waxaa ka mid ah Xeerka Doorashooyinka, isdhexgalka ciidamada amniga, iyo heshiisyada kheyraadka iyo dakhliga.

Is aaminka waa qeybta ugu muhiimsan, dhibaatooyinka ugu waaweyn waxay ka yimaadaan in siyaasiyiinta ay iska shaki qabaan, oo mid walba oo ka welwelsan yahay in kan kale uu ka qaado ama bedelo, Fikradda mucaaradka wadaniga ah waa mid daciif ah, xeerarka  siyaasaddu waa kuwa mugdi ku jira. Hawlaha kalsooni kala laabashada, xakamaynta iyo doorashooyinka ayaa lagu xadgudbay waxaana loo isticmaalaa faa'iido dhaqaale iyo siyaasadeed.

Waxay u baahan yihiin in dib loo cusboonaysiiyo.


Politicians’ role should be to get things done rather than promote clan or personal interests.

This will take time, and will only happen if agreements and processes are seen as viewed as legitimate and as the result of constructive engagement.


Trust requires respect for due process and commitment to non-violence, a willingness to engage, to make compromises for the broader good. This was my parting message to Somali leaders.

The third risk, notwithstanding Council unity, is fragmentation in the international community.

There are a number of dimensions to this.The government’s security, political and economic reform agenda will be far more successful if partners work with each other on the basis of agreed national plans and capable management systems.

In some areas, this works, and the results are impressive - including humanitarian, electoral support and economic and financial reforms. Strong partnerships are brokered by the UN and the international financial institutions. Much higher levels of budget support are now in the pipeline including from the EU and Norway.

But in other areas, notably security, more bilateral approaches prevail, complicating the chances of success. Another area where fragmentation must be resisted is the basis upon which AMISOM will stay in Somalia.

AMISOM deserves predictable funding and a clear horizon for drawdown, based on reconfiguration around progress in degrading Al Shabaab, and on evident Somali capacity to assume security responsibilities.

Premature departure of AMISOM could be disastrous; but to be sustained, support for AMISOM as well as support for Somali security institutions requires success in improving the population’s security.

The Somalis have taken ownership of a conditions-based transition; AMISOM can help drive its success. UNSOS’srole will need to evolve as transition advances; the current UNSOS review will throw light on this.

A further test of international unity relates to Somalia’s vulnerability to partners’ rivalries, including in the Gulf. The atmosphere created by the resurgence of diplomatic activity in the Horn and the rapprochement between Ethiopia and Eritrea may, I hope, prove contagious.

The beneficial knock on effects could include containment or swifter resolution of conflicts among Somalis, including talks between Hargeisa and Mogadishu which need to resume, and finding a respectful basis upon which Somalia can benefit from historic links and support with all its partners.

A fourth risk is that the population will once again face the prospect of humanitarian catastrophe. Unfortunately, the risk of this happening is high, and millions are already living on the edge of dignified existence.


Future crises will result from the combination of climate related shocks, armed conflict provoked by Al Shabaab and unresolved grievances, competition over natural resources and systemic marginalization of certain groups.The objective should be to reduce human vulnerability by creating jobs, investing in urbanization, water management, access to clean power and adding value to the country’s enormous economic potential whether in livestock, fisheries, agriculture or IT.


Kaalinta siyaasiyiinta waa in ay noqotaa sidii ay wax u qaban lahaayeen ee aan noqon mid u shaqeysa hormarka qabiil ama dano shaqsiyeed.

Tani waxay qaadan doontaa wakhti, waxayna dhici doonta oo keliya haddii heshiisyada iyo geeddi-socodka loo arko in inay yihiin sharci ahaan iyo natiijada ka-qaybgalka wax-qabadka.

Aaminaada waxay u baahan tahay ixtiraamka hannaanka cadaalada iyo ka go'naanta aan rabshad lahayn, rabitaankoodu inuu ku lug yeesho, si uu u sameeyo wax-qabad wamaagsan. Tani waxay ahayd fariinteydii ugu dambeysay ee aan u diray hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Khatarta saddexaad, iyada oo aan ka ahayn midnimada Golaha, ayaa ah kala qaybsanaanta beesha caalamka.

Waxaa jira tiro ka mid ah cabbirada.Amniga dawladda, ajandaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dib-u-habeeynta ayaa lagu guulaysan doona haddii shuraakayaashu ay wada shaqeeyaan iyadoo ku saleysan qorshayaal qaran oo lagu heshiiyey iyo nidaamyo maareyn karti leh.

Meelaha qaarkood, shaqadan, iyo natiijooyinka waa kuwo cajiib ah - oo ay ka mid yihiin bani'aadamnimada, taageerada doorashada iyo dib-u-habeeynta dhaqaalaha iyo maaliyadda.

Wadashaqeyn xooggan ayaa waxaa xakameynaya hay'adaha Qaramada Midoobay iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Heerarka sare ee taageerada miisaaniyadda ayaa haddahawshooda ay si fiican uga socotaa EU iyo Norway.

Laakiin meelaha kale, gaar ahaan nabadgelyada, habab badan oo laba-geesood ah ayaa loo baahanyahay, taasoo sii adkaynaysa fursadaha guusha.

Meelaha kale ee kala qaybsanaanta waa in laga hortagaa si loo adkeeyo joogista AMISOM ee Soomaaliya.

AMISOM waxay u qalantaa maalgalin la saadaalin karo iyo muuqaal cad oo loogu talagalay dib-u-dhiska, iyada oo ku saleysan dib-u-habayn ku saabsan horumarinta horjoogsiga Al-Shabaab, iyo awoodda dhabta ah ee Soomaalidu u leedahay in ay qaataan mas'uuliyadaha amniga.

Bixitaanka degdeg ah ee AMISOM ayaa noqon karta masiibo; laakiin si ay u sii joogtaan, taageerada AMISOM iyo hay'adaha amniga ee Soomaaliya waxay u baahan tahay guul in ay u soo hoyaan ammaanka dadka.

Soomaalidu waxay qaadatay lahaanshaha shuruudaha ku salaysan xaaladaha; AMISOM waxay gacan ka geysan kartaa sidii loo wadi lahaa guusha.

Kaalinta UNSOS waxay u baahan doontaa in ay noqoto mid horumar u ah guusha; dib-u-eegista UNSOS ee hadda ayaa iftiimin doonta.

Tijaabooyin dheeraad ah oo midnimada caalamku waxay la xiriirtaa nuglaanta Soomaaliya ee la-dagaallanka shuraakada, oo ay ku jirto Qaliijka.

Mucaaradka abuuray dib u soo noqoshada dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Geeska iyo isu soo dhawaanshaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, waxaan rajeynayaa, in ii sii  fido.

Dhaqdhaqaaqa faa'idada leh ee saamaynta leh waxaa ka mid noqon kara xaddiga ama xallinta khilaafaadka ka dhex jira Soomaalida, oo ay ka mid yihiin wadahadaladii u dhexeeyay Hargeysa iyo Muqdisho kuwaas oo u baahan in dib loo bilaabo, iyo helitaanka ixtiraam ku salaysan is afgarad oo Soomaaliya ay kaga faa'iideysan karto xiriirro taariikhi ah iyo taageerada dhammaan asxaabteeda.

Khatarta afaraadayaa ah in dadku mar kale ay la kulmaan masiibo bani'aadanimo. Nasiib daro, khatarta ah in tani dhacdo waa mid aad u sareysa, malaayiin ayaa iminka ku nool qaab aan karaama lahayn.

Dhibaatooyinka mustaqbalka waxay ka dhalan doonaan isku-dhafka xaaladaha cimilada, iska horimaadyada hubaysan ee ay soo qaadaan Al-Shabaab iyo cabsida aan la xallin karin, tartanka khayraadka dabiiciga ah iyo nidaamka diidmada ee kooxaha gaar ah.

Ujeedadu waa inay yareeyaan nuglaanta dadka iyagoo abuuraya shaqooyin, maalgelinta magaalooyinka, maareynta biyaha, helitaanka tamarta nadiifka ah iyo qiimo ku darsita awoodda dhaqaale ee aadka u saraysa ee dalka, kuwaasoo ah xoolaha, kalluumeysiga, beeraha ama cilmiga computerka.

 


Madam President

The future of Somalia is in the hands of the Somalis.

This government recognises that, and I pay tribute to its determination to reassert Somalia’s sovereignty.
Political will alone, however, is not enough. Practical capacities are essential, as is success in fostering truly inclusive politics – far from easy in a political economy scarred by 30 years of violent conflict, with spoilers who benefit from insecurity.


Success depends upon political, business, traditional and other leaders working together for the common good, leveraging the country’s potential wealth to transform prospects for people – especially the young.


Cynicism about the likelihood of this ever happening, of Somalis being able to find a basis upon which to resolve their problems, has been punctured in the last few years. There is now a sense of the possible – not just of the impossible.


The more that political leaders show unity, the greater the opportunity, and the responsibility, of international partners to invest in all parts of the country and its leadership.


Let me conclude, Madame President, by thanking this Council for its continued support to Somalia, to the UN and to me and my team. It has been a privilege to work with international partners, and above all, with the leaders and people of Somalia.

 


Marwo Madaxweyne,

Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta Soomaalida.

Xukuumaddani waxay aqoonsaneysaa in,uguna hambalyeynayaa oo aan ku kalsoonahay go'aanka ay ku doonayso inay dib u soo celiso madaxbanaanida Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, doonistii siyaasadeed kali kuma filna. Awoodaha waxtarka leh waa muhiim, sida guulaha lagu kobcinayo siyaasadda dhabta ah ee loo dhan yahay - ka fogaanaysa dhaqaalaha siyaasadeed ee ka yimi 30 sano oo colaad rabshado ah, oo leh qaswadayaasha ka faa'iideysanaya nabadgelyo-xumo.

Guusha waxay ku xiran tahay siyaasadda, ganacsiga, dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha kale ee wada shaqeynaya wanaagga caadiga ah, ka faa'iidaysiga hantida qaranka ee waddanka si loogu bedelo mustaqbalka dadka - gaar ahaan dhallinyarada.

Cilmi-yaqaanka ku saabsan suurtagalnimada in arrintaani ay dhacdo, Soomaalida oo awood u leh inay helaan aasaas ay ku xallinayaan dhibaatooyinkooda, ayaa lagu soo celiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Hadda waxaa jira dareen ah suuragalnimada - ma ahan oo keliya wax aan macquul aheyn.

Hogaamiyaasha siyaasadda ayaa muujinaya midnimo, fursadda weyn iyo masuuliyada, iskaashatada caalamiga ah si ay u maal gashadaan dhammaan qaybaha dalka iyo hoggaaminteeda.

Aniga waxaan soo gabagabeynayaa, Marwo Madaxweyne, anigoo u mahadcelinaya Golahaas taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, Qaramada Midoobay, aniga iyo kooxdayda.

Waxay aheyd mid mudnaan leh in aan la shaqqeyo hay'adaha caalamiga ah, iyo weliba dhammaan, hoggaamiyayaasha iyo dadka Soomaaliyeed.


SOLAPORTAL YOUTUBE RIIXHALKAN

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

Waxaa TARJUMAY: Abdinasir Ismail "SOLA"

 

SHAQSIGII SAWIRADA QARSOODIGA AH KA QAADAY FAHAD YAASIIN IYO QAABKA LOO OGAADAY “SOLA INVESTIGATES”

$
0
0

Baraha bulshada ama Social media wuxuu isu bedelay goob qof walba uu doonayo in shaqsi kale uu is yiraahdo ku fadeexee, taasoo mararka qaar u keeni karta qofka is lahaa dhibaato gaarsii cid kale ay isaga ku soo laabato, shabakada SolaPortal waxay baaritaan ku sameysay arin dadkii aqriyay ay aad ula fajaceen taasoo ka dhacday 35000 ft ama diyaarad hawada ku jirta oo sawiro si qarsoodi ah looga qaaday Fahad Yaasiin oo ahaa ah taliye ku xigeenka hay'ada nabadsugida Somaliya "NISA", taasoo sababtay in shaqsiyo ay xabsi, musaafurin iyo shaqo lumis ay ku muteystaan.

Ugu horeyn agaasimaha iyo shaqaalihiisa waxay safar shaqo uga soo duuleen caasimada QADAR ee DOHA maalintii jimcaha ee 21.9.2018, iyagoo ku sii socda magaalada NAIROBi ee dalka KENYA.

Waqtiga duulista DOHA iyo NAIROBI waa 5 saac iyo 40 ama 50 daqiiqo, iyadoo QATAR AIRWAYS ka wareegta wadamada qaliijka ee xiriirka u jaray.

Shabakada SolaPortal waxay sawirada Mr Fahad Yaasiin iyo shaqaalihiisa laga qaaday ay soo gaareen JIMCO 21.9.2018 18:07 SOMALIA TIME, iyadoo aan ka helnay SOURCES shabakada si toos ah ula shaqeeya oo ku nool qurbaha.

Diyaarada QATAR AIRWAYS FLIGHT QR1345 ee taliye ku xigeenka uu saarnaa waxay DOHA HAMAD INTERNATIONAL ka soo duushay 17:25 waqtiga DOHA, "waxaa xusuus mudan in QATAR iyo SOMALIYA xilligan ay isku waqti yihiin"

Shabakada SolaPortal waxay heshay sawirada sida qarsoodiga ah looga qaaday taliyaha saacadu markay ahayd 18:07 oo ahayd waqti diyaarada ay 42 daqiiqo hawada ku jirtay, waxay dul maraysay gacanka beershiya.

Sawirada aan helnay waa kuwa hoose oo ay ku wada jiraan Mr Fahad Yaasiin iyo shaqaalihiisa oo si qarsoodi ah looga qaaday.

Waa ayo shaqsiga qaaday sawiradan iyo maxay ahayd danta uu ka lahaa?. Magaciisa waa Nabouru Fernandes wuxuu u dhashay wadanka BRAZIL, waa 4i jir u shaqeeya inta aan shaqada laga ruqsayn xafiiska MICHAEL KEATING ee QARAMADA MIDOOBAY, wuxuu u qaabilsanaa safarada diyaaradaha UN ka ee SOMALIYA iyo BARIGGA AFRIKA.

Sida aad ku aragtaan sawirka dusha wuxuu ahaa shaqsi BARIIGA AFRIKA ku noolaa waqti aad u dheer, isagoo ka cusbooneysiiyay BAASBOORKIISA safaarada BRAZIL ee ku taala caasimada KENYA sanadkii 2016.

Shabakada SolaPortal ayaa si toos ah ula xiriirtay shaqsi la shaqeeya taliyaha oo saarnaa diyaarada, isagoo ay la noqotay AMAKAAG iyo JAHA WAREER,waayo waxay filan waayeen sida sawirada looga qaaday iyo cida ka dambeysay, iyadoo aan eegnay KURISGA sawirka laga qaaday oo ahaa mid aan ka fogayn taliyaha ayaa waxaa u suura gashay in Mr Nabouru Fernandes oo buste isku daboolaya si fudud loo qabto isla markaana ay heleen telefoonkii uu sawirad sharci darada ah uu ku qaaday, Mr Nabouru Fernandes waxaa lagu dhex xiray diyaarada oo iminka hawada ku jirta mudo 1 saac iyo bar ah.

Nabouru Fernandes markii diyaarada lagu dhex wareystay wuxuu qirtay in sawirada uu u gudbiyay shaqsi ay asxaab yihiin isla markaana ay isla shaqeeyaan oo SOMALI ah, kaasoo la yiraahdo Mr NUURADIIN DIIRIYE, isagoo u gudbiyay asxaabtiisa reer YURUB ee shabakadaha iyo BARAHA BULSHADA ku qaraabta.

Diyaaradii QATAR AIRWAYS FLIGHT QR1345 Flight waxay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta saacadu markay ahayd 23:27, waxaa albaabka diyaarada uga horyimid BOOLIISKA KENYA oo isla markiiba jeebad ku dhuftay, shaqsigan ayaa isla markiiba waxaa loo gudbiyay waaxda dembi baarista garoonka Jomo Kenyatta si loo ogaado dembiyada DUULISTA "AVAITION" uu galay.

QATAR AIRWAYS mamnuuc ayay ka tahay in SAWIR aad ka qaadid shaqsi adigoon ogoloaasho ka haysan.

Muuqaalka hoose waxaad ku aragtaan Mr Nabouru Fernandes oo welwel uu ka muuqdo xilligii la soo qabtay.

Mr Nabouru Fernandes iyo Nuuradiin Diiriye ayaa shaqadii ay u hayeen UN ka laga fadhiisiyay, Mr Nabouru Fernandes waxaa laga masaafuriyay wadanka KENYA iyadoo QATAR AIRWAYS ay ka mamnuucday gebi ahaan in aanu raaci karin diyaaradahooda abid.

Arintan ayaa imaneysa waqti SOMALIDA isticmaasha baraha bulshada ay ku soo badanayaan shaqsiyaad kooban oo ku shaqeysa WARARKA FADEEXADA iyo BEEN ABUURKA ee loo yaqaan FAKE NEWS, arimahaan oo wadamo badan aduunka ah ay u arkaan halis aad u weyn oo wax ka bedeshay hab dhaqanka warbaahinta iyo xiriirka bulshada.

Ugu dambeyn shaqsiyaadkaan shaqa gabka noqday waxay ahaayeen dad nolol aad u fiican haysta oo lacag kumaan kun oo dollar bishii qaata, waxaa nasiib xumo ah in ay noloshooda ugu baabi'iyeen dad aan waxba u tari karin oo QAXOOTI ku ah YURUB.

 

SOLAPORTAL YOUTUBE RIIXHALKAN

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

MAXAA KA JIRA TELEFOONKA WHATSAPPKA EE DHIIGA KAA DHUUQAYA KA DIBNA KU DILAYA? "SOLA INVESTIGATES" UPDATE 9.10.2016

$
0
0

 

ABDI TAHLIIL oo ah shaqsigii ka dambeeyay WHATSAPPKA dadka dila oo wareysi dheer siiyay VOA SOMALI "DHEGEYSO"

Wareysi aad u xiiso badan ayaa laga dhegeystay idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA,taasoo ay si wadajir ah uga qeyb galeen shaqsigii ka dambeeyay abuurista iyo faafinta WHATSPPKII la yiri qofkii qabta SHAYDAAN baa dhiiga ka dhuuqaya isla markaana dilaya.Wareysiga oo uu daadihinayey wariyaha VOA Somali Ismail Farajar waxaa kale oo ka qeyb qaatay Abdinasir Ismail "SOLA" oo ah wariye iyo qabiir dhanka cilmiga Tiknooliga isla markaana aad uga hadlay arintan oo SOCIAL MEDIYAHA dhowr asbuuc laysla dhex marayey.Waxaa kale oo ka qeyb gashay Hibaaq Gamuute oo ah Agaasimada Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA,wareysiga wuxuu ahaa mid meelo kala duwan taabtay oo ABDI TAHLIIL uu kaga waramay sida ay ku bilaabatay iyo qaabka ay arinta gacanta uga baxday


RIIX LINKIGA HOOSE:

 

Bishii SEPTEMBER 2015 Blog aan ka aqriyo Internetka oo la yiraahdo HOAX SLAYER oo micnihiisa yahay BEEN GAWRACE ayaa waxaan ku arkay qoraal noocan ah "Satanic Agents Looking for Blood ‘WhatsApp Warning Hoax" Shaqaalaha Shaydaanka oo doonaya dhiig,kaasoo ahaa arimo ka soo bilowday India ka dibna ku faafay qaarada AFRIKA,arimaha noocan ah mar walba INTERNETKA waa lagu arkaa,laakiin waa sheekooyin mala awaal ah oo dad qaarkood ay u isticmaal dana iyaga u gooni ah ama doonaya in ay lacag si qarsoodi ah uga sameeyaan.

Arimahan ma aha kuwa hada bilowday,bishii Abriil 2007 wadanka PAKISTAAN waxaa laga soo alifay arin tan iminka INTERNETKA AFRIKA qabsatay la mid ah,iyadoo la yiri sida aad ku aragtaan qoraalka hoose: "waa muhiim nambaradan hadii ay ku soo wacaan haka qaban"

 Wadanka SOMALIYA arimahan waxaa ka bilaabay dhalinyaro asxaab ah oo u arkay HAASAAWE,laakiin markii dambe arinta meel xun ay la gaartay,si ay u jahawareeriyaan umadda waxay isku diyaariyeen VIDEO BEEN ABUUR ah si loo rumeysto,iyadoo fikradaha noocan ah ka helay FILM Mareykan ah oo la oran jiray MURDER BY PHONE oo soo baxay sanadkii 1982,iminka daawada VIDEO ay dhalinyarada BEEN ABUURKA ah soo diyaariyeen iyo Filimka ay fikrada ka heleen!.

 

Waqtigii qoraalkan aan soo geliyay SOLAPORTAL.COM waxaa ila soo xiriiray dad aad u farabadan,shaqsigii iga yaabiyay wuxuu ahaa qofka ii soo diray FARIINTA FACEBOOK ee hoose.

 Waxaa kale oo arinta noocan ah ay ka dhacday wadanka MASAR sanadkii 2009,taasoo dhalinyaro  INTERNETKA MASAR ay soo geliyeen qofkii TEXT MESSAGE ama FARIIN looga soo diray nambarada noocaa ah fura, uu DHIIG MATAGAYO! isla markiina NAFTA ay ka baxeyso,markii ugu dambeysay dhalinyaradii arimahan faafisay waa la qabtay iyadoo xabsi aad u dheer loo taxaabay eeg "sawirka hoose"

Isla arimahan aan dusha kaga hadalnay waxay ka socotay dhamaan FACEBOOK AFRIKA sanadkii 2015,sida aad ku aragtaan sawirka hoose.

 

Arimaha noocan ah marwalba way dhacaan,waxba kama jiraan,tabcan telefoonka gacanta qof waa lagu DILI karaa,waxaa inta badan isticmaala ciidamada SIRTA ee wadamada reer galbeedka iyo ruushka.

Tusaale ahaan bishii JANAAYO 1996 ciidamada sirta ee ISRAA'IIL waxay isticmaaleen telefoonka gacanta uu watay YAXYA AYYAASH oo ahaa dagaal yahan FALASTIIN ah,laakiin qaabka ay ugu dileen wuxuu ahaa in dad ay qaraabo yihiin oo dukaan MOBILE lagu sameeyo uu u geeyay si ay u hagaajiyaan,ka dibna ciidanka YAHUUDA ay lacag farabadan siiyeen ina adeerkii oo dukaanka lahaa si CHIP waxyaabaha qarxa ay u geliyeen,dhowr maalmood ka dib isagoo ku hadlya telefoonka gacanta ayaa meel fog SIGNAL QARAX ah looga soo diray,isla markiina hore ayuu ka dhintay.

Arimaha noocan ah waxay inta badan dhacaan xiliga kuleelaha uu dhamaado ee lagu jiro bisha SEPTEMPER,taasoo ay ogyihiin in aqristayaasha INTERNETKA waqti hore ay guryahooda ku soo xaroodaan,waxaa sheekada BEEN ABUURKA ah ee iminka socota ka hadlay markii ugu horeysay BLOG la yiraahdo THATSNONSENSEoo macnaheeda yahay WAX KAMA JIRAAN.iyagoo dadka qaarkood ku eeday in maskaxdooda ay DOOLI ama JIIRKA ay ka yartahay hadii ay aaminaan waxyaabaha qaarkood.

Kuwan waxay la mid yihiin dadka FACEBOOK soo geliya hebel baa XANUUNSAN iyo heblaa CANCER ku dhacay ee AAMIIN ku qor hoos,waxay doonayaan in FACEBOOK oo DYNAMIC ah uu sawirkooda caan ka noqdo.

 2013 gobolka COLORADO ee wadanka Mareykanka waxaa ka dhacay qiso noocaan oo kale ah,gabar ilmo NAAS nuujineysa ayaa waxaa la sheegay in telefoonka gacanta dhowr jeer MESSAGE ama FARIIN uu uga soo diray SHAYDAAN isagoo isticmaalaya NAMABRKA 666,taasoo markii dambe la ogaaday in BEEN ABUUR ay ahayd.

Baraha SOCIAL MEDIA labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan ku aragnay sawiro kala duwan oo la yiri waxaa soo diraya SHAYDAAN DHIIG doonaya,hadii aad qabatid waad dhimaneysaa,asxaab aad u farabadan ayaa su'aalo iga soo weydiiyay,jawaabteyda waxay ahayd sawirka hoose:

 

 

Qoraalka waxaan ku soo af-jarayaa in waxyaabahan aan ka hadalnay ay 100% yihiin BEEN ABUUR ay ka dambeeyeen dad  CLICK in ay helaan doonaya ama magac ku raadinaya baraha SOCIAL MEDIYAHA si shabakadahooda ama boggaga ay leeyihiin meesha ugu sareysa ee GOOGLE ay gaaran ama RANKING fiican sameeyaan.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.

 

 

QORAALKA XIISAHA BADAN EE ARIMAHA GEESKA AFRIKA UU QORAY CC SHAKUUR MALA SOO TARJUMAY MISE WAA ORIGINAL? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

Qoraal aad u xiiso badan oo ka hadlaya xaaladaha isbedelaya ee arimaha geeska Afrika oo lagu faafiyay shabakadaha iyo baraha bulshada oo uu qoray siyaasi ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR ayaan si xiiso leh u aqriyay, runtii waxaan ku tilmaami karaa in uu ahaa mid si hufan oo baaritaan dheer ay ku jirto loo qoray, isagoo warbixin falanqeyn iyo nuxur leh uu ka bixiyay, laakiin markii aan dhameeyay waxaan maskaxdeyda ka bixi weyday meeshii aan ku arkay qeybo ka mid ah qoraalkan!, sidaa awgeed ayaan isku dayey in aan baaritaan ku sameeyo meesha uu ka yimid qoraalkan xiisaha badan.

Qoraalka oo buuxa waxaan ka aqriyay shabakada BLOGA ah ee http://aawarsame.so/Blog/innaga-iyo-itoobiya/ oo aad ka aqrin kartaan, waxaa kale oo CC SHAKUUR uu soo geliyay bartiisa FACEBOOK iyo shabakado kale oo farabadan.


René Lefort has been writing about sub-saharan Africa since the 1970s and has reported on the region for Le Monde, Le Monde diplomatique, Libération, Le Nouvel Observateur.

Iminka aan isla eegno qoraal uu diyaariyay René Lefort oo ah shaqsi wax ka qora arimaha geeska Afrika 40kii sano ee ugu dambeeyay, wuxuu inta badan qoraaladiisa soo dhigaa shabakada weyn ee OPEN DEMOCRACY, qoraal uu soo dhigay 21-Oktoobar-2018 oo magaciisa uu ahaa Ethiopia: climbing Mount Uncertaintywuxuu soo bandhigay isbedelka xawaaraha leh ee ka socda Geeska Afrika, qaas ahaan Itoobiya tan iyo intii la doortay DR ABIY AHMED.

 


 Waxaan iminka isu eegaynaa tan uu diyaariyay René Lefort21.10.2018 iyo qoraalada CC SHAKUUR ee la qoray 13.NOV.2018,

 


 

 

 


 



Tabcan shabakada SolaPortal.com ma oran CC SHAKUUR wuxuu 1 by 1 u tarjumay dhamaan qoraalka René Lefort laakiin hadii aad isu eegtid kan luuqada Ingiriiska iyo Somaliga waxaad ku arakeysaa in tarjumaad farabadan oo aan REFRENCE lahayn meesha lagu qoray.


 

Hadii loo eego qoraalka ugu dambeeya ee CC SHAKUUR wuxuu aqoonsaday isla markaana uu magacaabay Peter Kagwanja oo qoraal arimahan la xiriira ku qoray jaraa'id ka soo baxa wadanka Kenya, wuxuu yiri:

Maqaal uu daily Nation ku qoray 11-kii November Peter Kagwanja oo ah ninka ay u dhaxdo haweenayda wasiirka arrimaha debedda Kenya Monica Juma ayuu shaki wayn ka muujiyey ujeedka Isbahaysiga . 

Maqaalka uu cinwaan uga dhigay “Resurgent ethnic nationalism shaping geopolitics in the horn” ayuu Peter ku doodayaa in ujeedka Abiy Ahmed uu yahay in uu dhiso (Cushitic Alliance) Isbahaysi Kuushitik ah oo ay sal u yihiin Oromada iyo Soomaalida.


 

Qoraalka dusha oo Ingiriis ah waxaad ka aqrin kartaan LINKIGAN 

Ugu dambeyn waxaa hubaal ah in qoraalada ay meelo badan isaga mid ka yihiin, tabcan magac iyo erayo qaarkood gooni ama UNIQUE ma noqon karaan, sida ETHIOPIA, ABIY AHMED, TPLF, ONLF iwm, laakiin sidaad ku aragtaan qoraalada aan isbarbar dhignay iyo kuwa kale waxaa jira tarjumaadyo si casri ah oo is dhaafis ah loo sameeyay.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

 

BEEN ABUURKA KUFSIGA LAGA SAMEEYAY FANAAN ISKILAAJI YAA KA DAMBEEYA? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay qoraal la yiri wuxuu ka soo baxay jaraa'idka caanka ah ee Green Bay Press Gazette oo ka soo baxa Gobolka Wisconsin ee wadanka Mareykanka, joornaalka waxaa lagu daabacay qoraalkan: SOMALI MAN WANTED FOR RAPE,iyadoo taariikhda ku qoran ay tahay  28 Janaayo 2019, shaqsiyada qortayna la yiraahdo LAURA SMITH, shaqsiga la yiri waa FAKAD isla markaa lagu eeday kufi caruur waa fanaan Somaliyeed oo caan ah magaciisana la yiraahdo ABDIMAJID SAID laakiin inta badan loo yaqaano "SCHILLACI ama ISKILAAJI", arintan ayaa shabakada SolaPortal ay ku daba jirtay asbuucii la soo dhaafay taasoo dad aad u badan ay rumeysteen arintan in ay tahay mid sax ah oo jirta.

Si aan u fahamno qaabka ay arintan ku bilaabatay aan eegno qoraalka BEEN ABUURKA ah ee laga sameeyay Fanaan ISKILAAJI oo la yiri waxaa la qoray 28 JANAAYO 2019 ama 1 FEBERAAYO 2019, eeg sawirka hoose oo laga dhigay Jaraa'id sax ah.

Iminka aan eegno waxyaabaha ku qoran sawirka dusha, ugu horeyn sawirkan ISKILAAJI oo ah midka laqaado waqtiga qofka Booliiska uu xirayo ma sax baa? HAA, waxaa isaga, ABDIQANI RAAGE iyo XUSEEN SALAAD laga qaaday DECEMBER 2012, xili lagu qabtay JAAD. eeg sawirka hoose:

Qoraalka BEEN ABUURKA ah ee la yiri waxaa lagu soo qoray jaraa'idka Green Bay Press-Gazette taariikhaha 28.1.2019 ama 1.2.2019 bal aan ka eegno!,SolaPortal waxay dalbatay KEYDKA ama ARCHIVEKA Joornaalkan caanka ah, codsigaa oo ahaa wax walba oo magaca ABDIMAJID SAID ah ee lagu qoray, waxay soo direen sawirada hoose:

Hadii aan soo dhoweeyo qoraalka ABDIMAJID SAID ee ay wax ka qoreen eeg sawirka hoose:

Waxaa kale oo aan ka raadinay magaca ABDIMAJID SAIDjaraa'id walba oo MAREYKANKA ka soo baxay 18 dii sano oo ugu dambeysay, waxaa soo baxay oo keliya arinta JAADKA lagu qabtay,eeg sawirka hoose:

Waxaa kale oo Jaraa'idka green bay press-gazette ii xaqiijiyeen in ONLINE iyo OFFLINE aan jirin shaqsiyad la yiraahdo LAURA SMITH oo u shaqeeysa isla markaana 28 JANAAYO iyo 1 FEBERAAYO 2019 aan jirin wax qoraal ah oo ku saabsan ABDIMAJID SAID lagu qoray jaraa'idkooda OFFLINE iyo ONLINE ba. Markii ay iga codsadeen in aan u diro qoraalka BEEN ABUURKA ah waxay ii sheegeen in dadka wax u qora aanu ku saxiixin AUTHOR oo ku qoran kan BEEN ABUURKA ah iyo Reuters oo magaceeda loo isticmaalay sawirka.

 

MUG SHOTKA ee xabsiga lagu qaado xilliga qofka la xiro.

Qaabka aan u qorno waa noocaan sawirka hoose ayay yiraahdeen.

Waxaa qoraalka BEEN ABUURKA ah ku qoran in cidii aragta ABDIMAJID SAID ay u sheegto BOOLIISKA isla markaana uu yahay FAKAD ama FUGITIVE, sawirka iyo linkiga hoose waa dadka Booliiska iyo sharciga uu ka raadinayo gobolkaas iyo dhamaan USA.

LINKIGAN HOOSE RIIX SI AAD UGA RAADISID MAGACA: Abdimajid Said.

http://www.minnesotapolicelinks.com/index.asp?p=Most%20Wanted

ISKILAAJI waa fanaan Somaliyeed oo dadka ay aad u jecel yihiin, marnaba la aqbali maayo in magaciisa iyo sharaftiisa laga been abuurto, waxaa arintan ka dambeeya sida qoraalka hoose aad ku aragtaan shaqsi ay adeegsadeen fanaaniin kale oo aad uga maseyrsan ISKILAAJI oo sida keliya ee magaciisa ay ku dili karaan ay tahay BEEN ABUUR si fudud ay shabakada SolaPortal u soo bandhigtay.

 


 

Iminka shabakada SolaPortal waxay xaqiijineysaa oo idin tuseysaa qaabka loo sameeyay qoraalka BEEN ABUURKA ah.

Linkigan shabakada lagu sameeyay qoraalka BEEN ABUURKA ah waa kan:

https://newspaper.jaguarpaw.co.uk/


YAA KA DAMBEEYA ARINTAN FOOSHA XUN EE LAGU SAMEEYAY ISKILAAJI?

Baaritaan dheer ka dib waxaan helnay shaqsiga lacagta lagu siiyay in uu soo EDIT gareeyo qoraalka BEEN ABUURKA ah oo TORONTO lacagta looga soo diray si loogu fadeexeeyo FANAAN ISKILAAJI , waxaa si wadajir ah u sameeyay laba shaqsi oo reer MINNESOTA ah oo laga soo dalbaday TORONTO isla markaana dagaal ba'an waqti dheer kula jiray ISKILAAJI laakiin iska dhigay in ay saaxiib la yihiin, shaqsiga ii soo diray macluumaadkan wuxuu iga codsaday in aan qariyo reer TORONTO iyo qofka labaad oo ah FANAAN ku nool USA, laakiin qofka arimahaan oo dhan fuliyay uu yahay MR ABDIHAKIM OSMAN NUUR oo loo yaqaano GUDOOMIYAHA ELECTRONIC ISBAARO NORTH AMERICA.

Abdihakim dad badan oo MINNESOTA iyo TORONTO jooga ayuu lacag siiyay isagoo yiri waca ISKILAAJI isla markaana caaya si uu u biiqsado, laakiin arintaa waa shaqeyn weyday, dad aad u badan ayaa taageero siiyay fanaanka iyagaa ogaa in arimahan aan kor ku soo xusnay ay yihiin wax aan sal iyo raad lahayn.

Ugu dambeyn ISKILAAJI wax dembi ah haba yaraatee ma gelin, Booliiska ma raadinayo, cadowgiisa hinaasaya ayaa arintan soo abaabulay oo iminka ceeb ay ka raacday.

Dhamaan taageerayaasha ISKILAAJI oo SolaPortal ay ka mid tahay waxaan leenahay GUULEYSO. 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

MAXAA KA JIRA TELEFOONKA WHATSAPPKA EE DHIIGA KAA DHUUQAYA KA DIBNA KU DILAYA? "SOLA INVESTIGATES" UPDATE 9.10.2016

$
0
0

 

ABDI TAHLIIL oo ah shaqsigii ka dambeeyay WHATSAPPKA dadka dila oo wareysi dheer siiyay VOA SOMALI "DHEGEYSO"

Wareysi aad u xiiso badan ayaa laga dhegeystay idaacada afka Somaliga ku hadasha ee VOA,taasoo ay si wadajir ah uga qeyb galeen shaqsigii ka dambeeyay abuurista iyo faafinta WHATSPPKII la yiri qofkii qabta SHAYDAAN baa dhiiga ka dhuuqaya isla markaana dilaya.Wareysiga oo uu daadihinayey wariyaha VOA Somali Ismail Farajar waxaa kale oo ka qeyb qaatay Abdinasir Ismail "SOLA" oo ah wariye iyo qabiir dhanka cilmiga Tiknooliga isla markaana aad uga hadlay arintan oo SOCIAL MEDIYAHA dhowr asbuuc laysla dhex marayey.Waxaa kale oo ka qeyb gashay Hibaaq Gamuute oo ah Agaasimada Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA,wareysiga wuxuu ahaa mid meelo kala duwan taabtay oo ABDI TAHLIIL uu kaga waramay sida ay ku bilaabatay iyo qaabka ay arinta gacanta uga baxday


RIIX LINKIGA HOOSE:

 

Bishii SEPTEMBER 2015 Blog aan ka aqriyo Internetka oo la yiraahdo HOAX SLAYER oo micnihiisa yahay BEEN GAWRACE ayaa waxaan ku arkay qoraal noocan ah "Satanic Agents Looking for Blood ‘WhatsApp Warning Hoax" Shaqaalaha Shaydaanka oo doonaya dhiig,kaasoo ahaa arimo ka soo bilowday India ka dibna ku faafay qaarada AFRIKA,arimaha noocan ah mar walba INTERNETKA waa lagu arkaa,laakiin waa sheekooyin mala awaal ah oo dad qaarkood ay u isticmaal dana iyaga u gooni ah ama doonaya in ay lacag si qarsoodi ah uga sameeyaan.

Arimahan ma aha kuwa hada bilowday,bishii Abriil 2007 wadanka PAKISTAAN waxaa laga soo alifay arin tan iminka INTERNETKA AFRIKA qabsatay la mid ah,iyadoo la yiri sida aad ku aragtaan qoraalka hoose: "waa muhiim nambaradan hadii ay ku soo wacaan haka qaban"

 Wadanka SOMALIYA arimahan waxaa ka bilaabay dhalinyaro asxaab ah oo u arkay HAASAAWE,laakiin markii dambe arinta meel xun ay la gaartay,si ay u jahawareeriyaan umadda waxay isku diyaariyeen VIDEO BEEN ABUUR ah si loo rumeysto,iyadoo fikradaha noocan ah ka helay FILM Mareykan ah oo la oran jiray MURDER BY PHONE oo soo baxay sanadkii 1982,iminka daawada VIDEO ay dhalinyarada BEEN ABUURKA ah soo diyaariyeen iyo Filimka ay fikrada ka heleen!.

 

Waqtigii qoraalkan aan soo geliyay SOLAPORTAL.COM waxaa ila soo xiriiray dad aad u farabadan,shaqsigii iga yaabiyay wuxuu ahaa qofka ii soo diray FARIINTA FACEBOOK ee hoose.

 Waxaa kale oo arinta noocan ah ay ka dhacday wadanka MASAR sanadkii 2009,taasoo dhalinyaro  INTERNETKA MASAR ay soo geliyeen qofkii TEXT MESSAGE ama FARIIN looga soo diray nambarada noocaa ah fura, uu DHIIG MATAGAYO! isla markiina NAFTA ay ka baxeyso,markii ugu dambeysay dhalinyaradii arimahan faafisay waa la qabtay iyadoo xabsi aad u dheer loo taxaabay eeg "sawirka hoose"

Isla arimahan aan dusha kaga hadalnay waxay ka socotay dhamaan FACEBOOK AFRIKA sanadkii 2015,sida aad ku aragtaan sawirka hoose.

 

Arimaha noocan ah marwalba way dhacaan,waxba kama jiraan,tabcan telefoonka gacanta qof waa lagu DILI karaa,waxaa inta badan isticmaala ciidamada SIRTA ee wadamada reer galbeedka iyo ruushka.

Tusaale ahaan bishii JANAAYO 1996 ciidamada sirta ee ISRAA'IIL waxay isticmaaleen telefoonka gacanta uu watay YAXYA AYYAASH oo ahaa dagaal yahan FALASTIIN ah,laakiin qaabka ay ugu dileen wuxuu ahaa in dad ay qaraabo yihiin oo dukaan MOBILE lagu sameeyo uu u geeyay si ay u hagaajiyaan,ka dibna ciidanka YAHUUDA ay lacag farabadan siiyeen ina adeerkii oo dukaanka lahaa si CHIP waxyaabaha qarxa ay u geliyeen,dhowr maalmood ka dib isagoo ku hadlya telefoonka gacanta ayaa meel fog SIGNAL QARAX ah looga soo diray,isla markiina hore ayuu ka dhintay.

Arimaha noocan ah waxay inta badan dhacaan xiliga kuleelaha uu dhamaado ee lagu jiro bisha SEPTEMPER,taasoo ay ogyihiin in aqristayaasha INTERNETKA waqti hore ay guryahooda ku soo xaroodaan,waxaa sheekada BEEN ABUURKA ah ee iminka socota ka hadlay markii ugu horeysay BLOG la yiraahdo THATSNONSENSEoo macnaheeda yahay WAX KAMA JIRAAN.iyagoo dadka qaarkood ku eeday in maskaxdooda ay DOOLI ama JIIRKA ay ka yartahay hadii ay aaminaan waxyaabaha qaarkood.

Kuwan waxay la mid yihiin dadka FACEBOOK soo geliya hebel baa XANUUNSAN iyo heblaa CANCER ku dhacay ee AAMIIN ku qor hoos,waxay doonayaan in FACEBOOK oo DYNAMIC ah uu sawirkooda caan ka noqdo.

 2013 gobolka COLORADO ee wadanka Mareykanka waxaa ka dhacay qiso noocaan oo kale ah,gabar ilmo NAAS nuujineysa ayaa waxaa la sheegay in telefoonka gacanta dhowr jeer MESSAGE ama FARIIN uu uga soo diray SHAYDAAN isagoo isticmaalaya NAMABRKA 666,taasoo markii dambe la ogaaday in BEEN ABUUR ay ahayd.

Baraha SOCIAL MEDIA labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan ku aragnay sawiro kala duwan oo la yiri waxaa soo diraya SHAYDAAN DHIIG doonaya,hadii aad qabatid waad dhimaneysaa,asxaab aad u farabadan ayaa su'aalo iga soo weydiiyay,jawaabteyda waxay ahayd sawirka hoose:

 

 

Qoraalka waxaan ku soo af-jarayaa in waxyaabahan aan ka hadalnay ay 100% yihiin BEEN ABUUR ay ka dambeeyeen dad  CLICK in ay helaan doonaya ama magac ku raadinaya baraha SOCIAL MEDIYAHA si shabakadahooda ama boggaga ay leeyihiin meesha ugu sareysa ee GOOGLE ay gaaran ama RANKING fiican sameeyaan.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.

 

 

QAABKEE LOO OGAADAY CAYAARYAHANKII SOMALIYEED EE ASTON VILLA XILIGII UU KU BIIRI LAHAA ISIS?

$
0
0

Cayaaryahankii u taba barnaa in uu ku biiro kooxdii heerka koowaad ee ASTON VILLA oo iminka ku jirta Seria B ayaa waxaa maxkamad ku taala wadanka Ingiriiska ay ku xukuntay xabsi aad u dheer,ANAD ABDOW ABDULLAHI oo la tababartay kooxda ka dhisan magaalada Birmingham ee wadanka UK waxaa lagu waday in uu si buuxda u noqdo cayaaryahan ka dheeli kara kooxaha ka dhisan horyaalka wadanka Ingiriiska,Anas shaqadiisa caadiga ah waxay ahayd dhanka iyo computerka,isagoo waqti dheer ka shaqeeyay dukaanka wayn ee Selfbridges oo ku yaala caasimada labaad ee UK BIRMINGHAM.

Anas markii ugu horeysay ee ciidamada Sirta ay ka war helaan waxay ahayd xili Booliiska qarsoon "undercover" ay Video ka duubeen isagoo leh,waxaan aad u jeclaan lahaa in aan DILO dad aan Muslim ahayn.

Kooxda Aston Villa wuxuu ka gaaray dhanka ACADEMY ama macadka ay ka soo galaan cayaaryahanda mustaqbalka,isagoo ahaa cayaaryahan dhanka bidix ku wanaagsan oo gaaray SEMI -PROFESSIONAL.

Anas waxaa marar badan laga maqlay in uu aad u necebyahay dadka reer Yurub oo uu ku tilmaamay wax aan LO'O dhaamin.

Bishii ABRIIL 2015 Anas iyo laba dhalinyaro kale oo la socday waxaa laga dhex helay gaari xamuul ah oo sugayey doonta laga raaco dekada DOVER oo ku taal barigga wadanka Ingiriiska oo ku sii socotay magaalada CALAIS ee dalka Faransiiska oo ah dekada ugu weyn ee isku xirta UK iyo YURUB.

Anas waxaa lagu soo oogay afar dacwo oo kala duwan,isagoo ku eeday ciidamada sirta ee boqortooyada UK oo loo yaqaan M15 markii uu ka diiday in ay la shaqeeyaan ay ka daba qaateen,laakiin qaaliga maxkamada ayaa ku gacan sayray.

Waxaa maxkamada la soo bandhigay waraaqo aqoonsi,baasboorto iyo dukumenti kala duwan oo laga helay boorsooyinkii ay wateen Anas iyo asxaabtiisa kale ee doonayay in ay si dhuumaaleysi ah wadanka UK uga dhoofaan.

Waxaa kale oo laga helay Doorbiin,sawir qaade,maabab kala duwan iyo cabirayaal.

Anas wuxuu ku dhashay caasimada Somaliya,isagoo aad u yar ayaa wuxuu yimid wadanka Ingiriiska,sanadkii 2011 ayaa sharciga weyn ee qaxootiga la siiyay,ka dibna wuxuu si fudud ku qaatay dhalashada wadanka UK ee BRITISH CITIZEN,Anas waqti aad u dheer ayaa la daba socday inta aan lagu qaban dekada DOVER.

Sawirka dusha waa Gabriel Rasmus,Anas iyo Mahamuud Diinioo ah seddexda dhalinyaro ee laga dhex helay gaariga xamuulka ah ee ku socday dekada CALAIS

 Mahamuud Diini 27 jir oo haysta dhalashada wadanka Netherlands,laakiin ku noolaa UK ayaa bilowga sanadkan 2016 maxkamad lagu soo saaray wadanka Ingiriiska,iyadoo markii dambe lagu waayay wax dembi ah,xiliga laga dhex helay gaariga xamuulka ah waxaa u socday maxkamad kale oo ahayd dib ugu celin wadanka Holland.

Waxaa kale oo maxkamada laga sheegay in Mahamuud Diini ay asxaab ahaayeen Mahdi Hashi "sawirka dusha"oo ah wiil Somali ah haystana dhalashada UK oo sanadkii 2012 ay dowlada Ingiriiska ka celisay jinsiyada,xiligaa oo laga soo qabtay Jabuuti ka dibna loo gudbiyay wadanka USA,Mahdi Hashi waxaa lagu xukumay 9 sano oo xarig ah iyo in dib loogu celiyo Somaliya xiliga uu dhamaysto xabsiga.

Gabriel Rasmus waa 30 jir u dhashay wadanka Koofur Afrika,wuxuu maxkamada u sheegay in uu isku dayay afar jeer si uu ugu biiro ISIS,wuxuu 14 sano ku noolaa magaalada Birmingham ee wadanka UK,waqti aad u dheer waxaa daba socday ciidamada sirta ee Ingiriiska oo soo bandhigay dhaliyaro Somali ah oo ay asxaab ku ahaayeen magaalada Birmigham.

Booliiska qarsoon "undercover" iyo ciidamada sirta UK ee M15 waxay daba socdeen Anas iyi Gabriel mudo sagaal bilood ah,iyagoo inta badan kula kulmay xaafadaha Somalida iyo Muslimka ay u badan yihiin ee Small Heath, Sparkbrook iyo Sparkhill ee magaalada Birmigham.

Ciidankan daba socday waxay ahaayeen kuwa Muslim ah oo u ka soo jeeda Pakistaan,iyagoo inta badan ka sheekaysan jiray cayaaraha kubadda cagta iyo arimaha Siiriya.

Anas wuxuu aad uga andacooday xiligii ay socotay maxkamada,in ciidamada sirta ee Ingiriiska ay aad u dhibeen,isagoo markii dambe go'aan ku gaaray in uu ka haajiro wadanka UK,safarkiisa ma ahayn ayuu yiri mid uu doonayay in uu ku biiro DAACISH.

Xukunka iyo xabsiga ayaa lagu wadaa in ay dhacaan dhamaadka bisha Oktoobar,iyadoo la filayo in lagu xukumo dhowr sanadood oo racfaan uu ka qaadan karo.

Xiliyadan dambe waxaa soo badanaya dhaliyaro Somali ah oo ka ashtakooda ciidamada sirta ee UK,iyadoo ay sheegeen in waqtiyada ay ka dhoofayaan wadanka ama ay ku soo laabayaan il gooni ah lagu hayo.

Dowlada UK waxaa iminka ay ka heleen baarlamaanka in ay ka celin karaan dhalashada iyo Baasboorka wadanka Ingiriiska shaqsi walba oo lagu helo argagixisnimo isla markaana wadanka si qasab ah looga dhoofiyo.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.

 

 


ARINTA AXMED GEELLE, SOMALILAND, JABUUTI IYO FARANSIISKA - SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

Ganacsade AXMED CISMAAN GEELLE iyo qoyskiisa waa reer aad looga yaqaano geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti iyo Somaliland. waxay maal gelin ku sameeyeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid tahay warashada COCA-COLA oo uu ka hirgeliyay meel Hargeysa u jirta 35 km taasoo ku baxday aduun dhan 17 Malyuun Dollar, waxaa xariga ka jaray Madaxweyne Siilaanyo 22 Maajo 2012, shirkada SBI "Somaliland Beverages Industries" ayaa awood u yeelatay in ay hesho shatigan ay ku furtay warashada COCA -COLA oo ka hawl gashay Somaliland iyo Puntland.


Ugu horeyn ma jirto BANGI aduunka ku yaala oo bixiya DAYN iyagoo aan helin ASSET ama MAAL MAGUURAAN AH oo shaqsiga doonaya daynta uu leeyahay, sidaa awgeed Mr Geelle iyo qoyskiisa waxay madax furasho ka dhigeen ganacsiyo aad u farabadan oo JABUUTI ay ku lahaayeen, kaasoo lagu qiimeeyay 25 MALYUUN DOLLAR oo ka badan 20ka Malyuun ee ay ka deynsadeen Bangiga BCI Mer Rouge.

Lacagta daynta ah wuxuu qaatay Mr Geelle 2 sano ka hor, warashada COCA - COLA mashruuceeda wuxuu bilowday 2010, saa awgeed wax shaqo ah haba yaraatee iskuma laha lacagtan la yiri waa loo haystaa iyo mashruucyada isaga iyo qoyskiisa ay ka hirgeliyeen JABUUTI iyo SOMALILAND.

Madaxtooyada Somailand ayaa 4.4.2019 soo saartey War-saxaafadeed ay kaga hadleyso khilaafka u dhexeeya Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Xukuumada Jabuuti, shabakada SolaPortal baaritaan dheer ka dib waxay idinla wadaageysaa wixii aan ka soo dhex saarnay warkan rasmiga ah ee ka soo baxay maamulka Somaliland.

 


 

WAR SAXAAFADEEDKA

Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Dalka Somaliland.

Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.

SolaPortal

Ugu horeyn Baanka waxaa leh Jabuuti,iyadoo la dhisay 1954  xilligaa Jabuuti waxay ku jirtay gacanta faransiiska, laakiin waxaa laga leeyahay Jabuuti – bishii Luulyo 2007 Bangigaan wuxuu subsidiary ama hoos imaad u noqday Bangiga Bred Banque Populaire ee laga leeyahay wadanka Faransiiska.


 

WAR SAXAAFADEEDKA

12-kii bishii March, 2018, waxa dalka yimid Agaasime Ku-xigeenka Baanka weyn ee Faransiiska ah ee BRED, oo ah baanka iska leh faraca baan ee BCI Mer Rouge iyo Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Jabuuti Mr. Nadhir Zouaghi. Labada Mas'uul ee ka socda Baanankaa Faransiiska ahi waxay sheegeen in ay lacag deyn ah oo dhan 20 Milyan oo doolar ku leeyihiin Shirkadda GSK iyo Mulkiilaha Shirkaddaasi Axmed Cismaan Geelle.

 

SolaPortal

War saxaafadeedka SOMALILAND wuxuu sheegayaa in labadaa shaqsi ee kor ku xusan ay yimaadeen Hargeysa iyagoo doonaya lacag 20 Malyuun Dollar oo ay dayn ahaan u siiyeen Mr Geelle, waxaa xusuus mudan in Bangi walba ee aduunka ku yaala uu ku saaro RIBO ama INTEREST, sidaa awgeed hadii ay ka soo wareegtay 2 sano waqtiga ay DEYNTA bixiyeen meeday INTERESTKII la dul saartay.

Lacagta la rabay in uu soo celiyo Mr Geelle waxay ahayd 32,838.501.92 USD, taasoo ah 20 kii Malyuun ee la deemiyay iyo INTEREST RATE JABUUTI oo waqtigaa ahaa 11.3

War saxaafadeedka laguma sheegin magaca Agaasime ku xigeenka Baanka Faransiiska ah ee BRED, laakiin waxaa laga dhawaajiyey magaca Agaasimaha guud ee faraca Jabuuti Mr Mr. Nadhir Zouaghi, SolaPortal markii ay ku sameysay baaritaan dheer magacaan aan caadiga ahayn ee Nadhir Zouaghi, waxaa soo baxay aqbaaraad kala duwan oo ay ugu horeyso taariikhdiisa shaqo.

Sidaa sawirka dusha aad ku aragtaan Mr Nadhir Zouaghi waa shaqsi Bangaariya ah ama ka soo shaqeeyay arimaha dhaqaalaha isagoo 2010 ilaa iyo iminka ah Agaasimaha guud ee shirkada Caisse d'Épargne Rhône Alpes oo ah Bangi iyo caymis.

Waxaa kale oo aan ku aragnay in uu ka qeyb ahaa maal gelin lagu sameeyay WARSHADA BIYAHA la cabo oo laga hirgeliyay DIKHIL, JABUUTI NOVEMBER 2018.    http://www.lanationdj.com/eaux-minerales-okar-et-palmeraie-une-usine-deau-dans-une-oasis-mythique/


Bishii Janaayo 2019 waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee faraca baanku ku leeyahay dalka Jabuuti Mudane Abdallah Ibrahim Abdallah: https://www.linkedin.com/in/abdallah-ibrahim-abdallah-49a5765a

Markii xilka loo dhiibay Mr Abdallah Ibrahim Abdallah waxaa warbaahinta lagu qoray eedo ka dhan Bangiga BRED iyo deymo uu siisay qoyska Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismail Omar Geelle.


 

WAR SAXAAFADEEDKA

15-kii bishii February, 2018, waxa dalka yimi Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya dalka Kiiniya, Ambassador Antoine Sivan, oo sita go'aannada Maxkamadaha dalalka Faransiiska iyo Jabuuti ee la xidhiidha arrinta daynta Baanka Faransiiska ahi ku sheegaynayo Mulkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle. Waxa kale oo uu sheegay in ay dacwac ka dhan ah Shirkadda GSK u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL.

SolaPortal

Ugu horeyn Safiirka Faransiiska u fadhiya Somaliya! NOT KENYA Mr Antoine Sivan wuxuu Muqdisho kula kulmay 15-kii bishii February, 2018 Ra'iisal wasaaraha Somaliya Mudane Hassan Ali Kheyre,isla maalintaaa wuxuu socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa, ma jirin ka hadal arimo la xiriira GSK, FARANSIISKA iyo JABUUTI.

Safiirka Faransiiska u fadhiya kalama hadlin, kalama hadli karo arimo ganacsi qaas ah oo u dhexeeysa BANGI QAAS ah iyo ganacsade wadan kale u dhashay sida Mr Geelle oo wata Baaboorka Jabuuti, hadii ay arintaa suuragal tahay waxay si toos ah ula hadli lahaayeen dalka Jabuuti oo faransiisku uu ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Waxaa kale oo aan maqalnay INTERPOL ama INTERNATIONAL POLICE oo xaruntoodu ay tahay LYON, FRANSIISKA oo la yiri waxay gacanta kula jirtaa arimaha u dhexeeya Mr Geelle iyo Jabuuti, ugu horeyn maamulka Somaliland kalama hadli karaan Safiir arinta INTERPOL, waayo waxay yiraahdeen waxaan nahay wadan madax banaan laakiin waxaa MEMBER ka ah oo keliya SOMALIA.

Dadka ay raadinayaan INTERPOL ee ku jira DATABASKA kuma jiro Mr Axmed Cismaan Geelle

INTERPOL shaqo kuma leh DAYN ay kala qaateen shirkad iyo Bangi, eeg sawirka iyo qoraalka hoose:

http://www.mynewsdesk.com/uk/stirling-och-partners/pressreleases/2-more-interpol-abuse-victims-removed-from-interpol-as-uae-continues-reporting-debts-as-fraud-2430303

Mr Geelle wuxuu sheegtay in lacag badan looga haysto wadanka Jabuuti, iyadoo qaar ka mid ah sida uu sheegay shirkadihiisii ay la wareegtay dowlada Jabuuti, isla waqtiga ay socdeen arimaha shirkada GSK, waxaa gebi ahaan hawada laga saaray shabakadihii ganacsiga ee GSK GROUP.  http://gsk-group.com/


Shirkada GSK iyo Axmed Geelle way dhici kartaa in dayn ay ku yeeshaan Bangiyada ganacsiga ee daymaha bixiya, lacagtaasoo ah tii lagu maal geliyay ganacsiyada kala duwan ee Jabuuti iyo Somaliland, laakiin arinkan shaqo kuma leh Dowladaha Faransiiska iyo Jabuuti, waa arin ay shaqadeedu leedahay Maxkamadaha Somaliland ama Jabuuti, Af hayeenka maamulka Somaliland wuxuu kaloo sheegay in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu og-yahay, isla markaana qirtay in hantida iyo daynta loo sheeganayo lagu leeyahay, Booliska Adduunka ee INTERPOL -na raadinayo.

Mr Geelle wuxuu sheegay in ay jirto DEYN uu ka qaatay Bangi, laakiin maalkiisa iyo ganacsigiisa uu xayiran yahay dalka Jabuuti oo hadii uu ku laabto ay dhici karto in lagu dhibaateeyo.

 


 

Haddaba waxanu u caddaynaynaa dadweynaha Somaliland in dawladdu u dadaashay Shirkadda GSK iyo Mulkiilaheeda Axmed Cismaan Geelle in ay ilaaliso xaquuqdiisa iyo hantidiisa, sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo hantidooda iyo xuquuqdooda, waana waajib dawli ah.

 


 

Maamulka Somaliland waxay hore u sheegeen in uu yahay muwaadin JABUUTIYAAN ah, sidaa awgeed in ay iminka yiraahdaan sida muwaadiniinta kaleba loo ilaaliyo waa hadal is dhaaf.

 


 

Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah, waxaanay iska ilaalinayaan wax kasta oo u ekaysiinaya dalka Somaliland meel aanay ka jirin shuruuc iyo kala dambayn, lagulana soo dhuunto hantida iyo xoolaha umadaha kale ee adduunka laga soo dhaco.”

 


 

Iminka maamulka Somaliland waxay siyaasad ka dhigeen arimo ganacsi oo dhex yaala Jabuuti iyo shirkada GSK, iyagoo yiri "Somaliland waxa ay raadinayaan ictiraaf Caalami ah"

Ugu dambeyn arintan Jabuuti iyo GSK waxay ku haboon tahay Maxkamad ku taala maamulka Somaliland, waayo arinta Jabuuti ay ku dooneyso Axmed Geelle ma ahan wax cad oo gacanta loogu gelin karo, waxaana xusuus mudan in SOMALIYA"land" iyo JABUUTI aan ka dhaxayn DAMBIILE IS WEYDAARSI ama " EXTRADITION",.

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

 

MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? QORAALKII FAHAD YAASIIN EE 2003

$
0
0

Qoraal aad u xiiso badan ayaa lagu daabacay shabakada SOMALITALK.COM sanadkii 2003 bishii Febraayo,kaasoo TITLE looga dhigay MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA? qoraalkan waxaa ku saxiixnaa EDITORKA oo ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sanadadii ugu dambeeyay ahaa shaqsi siyaasada Somaliya mug weyn ku leh oo qabtay jagooyin muhiim ah, qoraalkan wuxuu ka hadlayaa waxyaabihii ka dhacay caasimada Somaliya xilliyadii kala duwanaa ee dagaalka sokeeye iyo dadkii magaca ku yeeshay.


 Qoraalka FAHAD YASIN ee SOMALITALK wuxuu ku bilowday sidan.

Muqidisho waa halkii aan ku barbaaray ee aan wali jeclahay Laakiin! Muqdisho waa meeshii khaddii u horeesay aan ku riiqday Laakiin! Muqdisho waa goobta kaliya ee aad ka heli karto Isbarmuuto inta hortaada lagu shiido misana lagaa siiyo $0.02 wax u dhigma Laakiin! Muqdisho waa magaalo baddii ay ku taal adoo wabigiina kuu jiro wax ka yar 30.KM Laakiin! Muqdisho waa Caasimaddii Soomaaliya laga soo bilaabo tan iyo kolkii xorriyada la qaatay ilaa burburkii Soomaaliya 91.kii, Laakiin! Muqdisho waa halkii ay ku taalay Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ee ah xaruntii ay ka soo qalin jabiyeen inta badan Aqoonyahanka ay maanta Soomaali la soo shir tagto, HADDIIBA LALA SOO SHIR TAGI LAHAA. Laakiin. Muqdisho waa goobaha aan ugu jeclahay Soomaaliya inaan ku noolaado waana dareen ay dad badan oo Soomaali ahi qabaan.Laakiin. Muqdisho haddii ay saas tahay maxaan laakiin-ta u gashay? Ma u qalantaa Caasimad Soomaaliyeed maxaan isu weydiiyey? Horta Muqdisho ma is badashay? Muqdisho Siyaasad ah! aan maka liidataa Soomaaliya inteeda kale? Muqdisho ma tahay Muqdishadii 91.kii aad ku ogayd?

Si aan uga jawaabo Su’aasha ah Muqdisho Caasimad ma u qalantaa? Waxaan bal fikrad kaa siinayaa marka hore Siyaasadda ka jirta Muqdisho iyo tan ka jirta Soomaaliya inteeda kale, waxaana ku soo koobaya inaan bal isu fiirino imisa Siyaasi ayaa ka talisa Muqdisho? Gobollada kale Soomaaliyana xukun-keeda imisa Siyaasi ayaa isku haysa?. Aan kugu hormariyo Muqdisho. 

 Muqdisho waxaa ka taliyaa hogaamiye-yaasha kala ah.

 1. Xuseen Caydiid:

Waa hogaamiyaha soo baxay kadib geeridii Aabihiis, waxa uu haystaa hadda Madaxtooyadii Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, horayna waxa uu wada haysan jiray koonfurta Xamar oo dhan oo lagu daray ilaa Baydhabo, iyo ilaa Jilib, walow ay ahayd talaabo uu qaaday Aabihii, hadana waa xubin ka mid ah Hogaamiye-yaasha Muqdisho

 2. Muuse Suudi Yallaxow:

Waa hogaamiyahii sida goonida ah isu taagay xilligii la dhisayey maamulkii Gobolka Banaadir, (oo waa kii yiri waagaa qoddeyda ayaan wax u rabaa), waxa uu ka taliyaa qaybo ka mid ah xaafadaha Kaaraan iyo Madiina, awood ciidan oo beeshiisa hoosa ahna waa uu ku haystaa, taas ayaana ka dhigtay mid ka mid ah hogaamiye-yaasha Muqdisho, jagadan ka hor waxa uu ahaa laan Siyaasadeed oo ka mid ah ururkii USC/SSA ee uu madaxda u’ahaa Mudane Cali Mahadi Maxamed oo isagu Siyaasada isaga nastay ama ka fariistay.

 3. Maxamed Qanyare Afrax:

Waa hogaamiyaha soo caan baxay xiligii dowladdii Maxamed Siyaad ay dhacday, kadibna waxaa uu wax ka dhisay dawladii Salbalaar, oo uu ka noqday Wasiirka Gudaha, waxa uuna si gooniya isu taagay burburkii Salbalaar kadib, hadda waxa uu ka taliyaa degmada Dayniile oo banaanka Muqdisho ku taal, saa awgeed ayuu ka mid noqday Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, taageerayaa-shiisana waxay awood ku leeyihiin isla Muqdisho gudaheeda.

 4. Cumar Maxamuud (Cumar Finish):

Waa Hogaamiyahii sida goonida ah isu taagay kadib markii uu ka falliiqmay Xaaji Muuse Suudi sanadkii 2001. oo ahayd xiligii uu ka qayb galay heshiiskii Nakuru ee ay kala saxiixdeen D.K.G. iyo qaar ka mid ah madaxda Muqdisho, horayna waxa uu u ahaan jiray xoghayaha gaashaandhigga ee Ciidanka Muuse Suudi, waxa uuna ka taliyaa qaybo ka mid ah xaafada Madiina, taas ayuuna ku muteystay inuu ka mid noqday hogaamiye-yaasha Muqdisho.

 5. Cusmaan Xasan Cali (Caato):

Waa ganacsadihii dhanka dhaqaalaha ka taageeri jiray Gen: Caydiid, kadibna hogaamiye siyaasadeed isku rogay goortii ay is qoomeen Jen Caydiid (Alaha u naxariistee), waxa uuna hadda ka taliyaa aagga ay ku taalay Jaamacaddii umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, saa awgeed ayuu ka mid noqday hogaamiye-yaasha Muqdisho, waxaana lagu tilmaamaa Siyaasi ku xeel dheer xulufaysiga, qaar ka mid ah kuwa hadda lagu tiriyo madaxda Muqdisho isaga ayaa boorka ka jafay oo dhagta ugu sheegay iney gooni isu taagi karaan, kana mid noqon karaan hogaamiye-yaasha Muqdisho.

 6. D.K.G. iyo C/Qaasim:

Waa qaybta iyaguna sida goonida isu taagay kadib shirkii Carta oo lagu soo dhisay dawlad kumeel gaadh ah oo Madaxweyne loogu soo doortay C/Qaasim Salaad Xasan, kana mid ahaa madaxdii iska daganeyd Muqdisho, hadda D.K.G. awood magaceeda u qalma kuma lahan Muqdisho, walow ay isaga dhex noolyihiin xaafado badan oo ka mid ah magaalada, maadaama ayba dagan yihiin guryo iyo Hotello ku yaalla Muqdisho  tetal (ama cinwaan) Maamulna ay wataan ayey ka mid noqdeen hogaamiye-yaasha Muqdisho, madaxda kale ayaaba dhamaa haddii la xisaabinayo qof walba iyo meeshuu haysto, laakiin D.K.G. ah wey ka sarriigatay iney ku faanto oo tiraahdo intaasoo taaggo oo Xamar ka mid ah annagaa ka talinna, illeen waxay sheegataa iney Soomaaliya oo dhan matashee.

 7. Ganacsatada: 

Waa qayb ka mid ah madaxda xukunta Muqdisho, dhibaatada ay ku hayaan shacabkana wey ka daran tahay tey ku hayaan Siyaasiyiinta, intooda badan waxay dantooda tahay sideed lacag ku heshaa, haddey rabto dadkoo dhan ha’u baaba’aanee, sababtuna waxay tahay canshuur lacag la’aan ah ayey ku haystaan Muqdisho, waxay leeyihiin Garoomo iyo Dekedo waa weyn, xamar waxa ku taalla Garoomada kala ah 1. Aljaziira. 2. Dayniile. 3. No.50. 4. B/Doogle. 5. Cisaleey, 6. iyo Dekedda Ceel Macaan oo dhamantood ah goobo ay maalgaliyeen gacansatada Muqdisho, madaxda kooxahana ay saami [ama sheer] ku leeyihiin. Ganacsatudana saas ayey kaga mid noqdeen hogaamiye-yaasha Muqdisho.

Muqdisho waa goob ay ka taliyaan intaasoo hogaamiye oo kala socda, mid mid ku xiran ma jiro, wey adag tahay in la is fahamsiiyo, haddii Muqdisho ay ka taliyaan 7.daas hogaamiye aan bal eegno gobollada kale ee Soomaaliya sida ay tahay qaybaheeda Siyaasadeed, markaas hadana aan isku fiirinno Siyaasada ka jira Muqdisho iyo Soomaaliya inteeda kale, kadib aan soo celinno Su’aashii ahayd Muqdisho Caasimad ma u qalantaa?. 

 


 

Waqooyi Galbeed.

Waa goobta uu ka taliyaan maamulka la magac baxay Somaliland, ilaa 5.gobol inuu ka taliyo ayuuna sheegtaa, Madaxweynana waxaa ka ah Daahir Riyaale Kaahin, wey ka jiraan Axsaab diidan maamulkaas laakin in khilaafkooda uu keeno dagaal wey ka fogaadeen, waxayna ka siman yihiin in Somaliland ay noqoto dowlad gooni isu taagta, maamulkaas ka jira goboladaas ayaana masuul ka ah Siyaasadiisa, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir.

 

Waqooyi Bari:

Waa goobta uu ka taliyaan maamulka Puntland ilaa 5.gobol inuu ka taliyo ayuuna sheegtaa, waxaana hadda Madaxweyne ka ah C/Laahi Yuusuf Axmed, waxa uuna ku qabsaday xoog milatari, waxaana uga sii horeeyey Jaamac Cali Jaamac oo isaguna hadda ku hawlan sidii uu xoog ugu soo ceshan lahaa, laakiin labadooda kaliya ayaa isku haya Siyaasada gobolladaas oo uu marba mid u haro maamulka goboladaas, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tistan gobolka Banaadir.

 

Hiiraan.

Waxaa hadda ka taliya Col.Xasan Cabdille Qalaad oo ahaa gudoomiyihii gobalka Hiiraan xiligii uu siyaasad gobolkaas matalayay urukii USC/PM ee uu madaxda ka ahaa Duuliye sare Cabdi Cusmaan, hase ahaatee waxaa uu qalaad u xuubsiibtay hogaamiye siyaasadeed kadib markii ay siyaasiyiintii waawaynaa ee gobolkaas ay taageereen dawladii lagu soo dhisay Carta, hadana kama jiro herdan hubaysan oo u dhaxeeya kooxaha ku abtirsada goboladaas, taladeeda iyo maamulkeeda wuxuu hoos tagaa Xasan Qalaad, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Shabeellada dhexe:

Waxaa hadda ka taliya Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) waxa uu halkaa ka soo jeestay kadib kolkii uu isaga siibtay Barlamaankii uu ka tirsanaa ee D.K.G. malaha goortii uu xisaabtamay waxaa usoo baxday xubin inuu ka noqdo Barlamaanka K.M.G. iyo inuu xaar-xaarto gobol ka mid ah gobolada Soomaaliya oo uu halkaa ka soo jeesto iney u fiican tahay inuu meel iska soo saaro, hadda gobolakaas isaga ayaa si buuxda uga taliya, waxa uuna ka sameeyey maamul adag oo hoosyimaada, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

Bay iyo Bakool

Waa gobolada uu ka taliyo ururka R.R.A. ee uu gudoomiyaha u ahaa Col. Xasan Maxamed Nur (Sharguduud), haddese ururkii waa sarifmay oo laba waaxood ayuu kala noqday, waax, waxaa u gudoomiya (Sharguduud) waax-na waxaa gudoomiya Sh.Adan Madoobe oo horay u ahaa gudoomiye ku xigeenkii R.R.A. maamulka Bay iyo Bakool labadaas garab ayaa isku eryada marba kii ku xoog roonaada ayaa u hara Reerka, kuma dhex diriraan inta badan magalada gudaheeda, oo qolo goortii ay ku soo duusha oo ay tii horay u joogtay aragto in laga yara sito wey isaga baxaan magaalada, waa sida aad u maqasho maanta qolo hebel ayaa galinkii hore haysatay Baydhabo, galinkii danbana qolo heblo ayaa haysata Baydhabo, dagalaada nooca goonida ah leh ee ka dhaca Baydhabo waxaad moodaa sidii ciyaal cayaaraya oo is og, ma xusuusataa ciyaartii ay ilmuhi dheeli jireen ee la oran jiray KADHIMEEY KADHIM KOOW, KADHIMEEY KADHIM LABO, ee iska daba wareega ahayd, talada gobolladaasna waxaa ku loolama labadan falliiq, u fiirso ! ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

 

Gobolka Gedo:

 Waa gobolada uu ka taliyo ururka S.N.F. laga soo bilaabo sanadkii 96.kii ilaa iyo hadda dagaallo kama bixin gobolkaas, jabhadda S.N.F. waa jabhadda ugu kala dhantaalka badan marka la eego jabhadaha Soomaalida, oo gudoomiye-nimada ururkaas waxay sheega-shadeeda soo martay gudomiye-yaasha kala ah, 1.Jen Cumar Xaaji Masalle, 2.Maxamud Khaliif Shire. 3. Dr. Cali Mukhtaar (Cali Nuur). 4.Khaliif Maxamud (Khaliif Qoryooley). 5. Col. C/Risaaq Isaq Bixi. 6. Maxamud Sayid. Intoodaase waxaa hadda ka hawl gala C/Risaaq Biixi iyo Maxamud Sayid oo labaduba hadda shirka Eldoret ku jooga gudoomiyaha S.N.F. labadan danbe ayaa hadda isku haya maamulka Gedo, kuwii ka horeeyey qaarna wey dhinteen, qaarna ciyaarta banaanka ayey uga baxeen, labadan hogaamiye ee is haya laftooda waxay kala xeeyn-daabteen gobolka oo aad mooddo iney degmooyin-keeda kala qayb sadeen, Degmada B/Xaawo oo iyadu ahayd halka lafdhabarta u ah gobolka Gedo ayaa waxaa ku xoog roonaaday garabka Maxamud Sayid taasoo kaliftay ! in C/Risaaq Biixi banaanka loo saaro, kadibna xabsi loo taxaabo, hadda Gedo labadaa garab uunbaa isku haya, iyagoo degmooyinka ay kala leeyihiin oo aan la isku soo saqajaamin, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

 

Jubadda hoose:

 Waa goobta Soomaaliya ugu herdanka badan, oo marba qolo ay qabsato, kadibna ku dooda iney iyadu xaq u leedahay gacan ku haynta gobolladaas, hadda waxaa gacanta ku haya Isbahaysiga la baxay Dooxaada Jubba, oo uu madax u yahay Col.Barre Hiraale, horayna waxaa gacanta ugu hayey Jen Margon oo ku abtirsada Jabhadda S.P.M., gobolkan waa goob marba qolo ay ku adkaato qoladii laga adkaadana banaanka ayey u baxaan si ay dib isugu soo abaabulaan oo ay xoog ku qabsadaan gobolkaa, lama wada dago gudaha magaalada Kismaayo ee hadba ninkii roonaada ayaa Reerka u hara, u fiirso ma’ahan sida Muqdisho ee aan kuu soo qoray iney ka kala taliyaan ilaa todobadda maamul ee ka wada jira halka degmo ee ka tirsan gobol Banaadir.

 

Gobollada aan ka tagay:

Waxaa jira gobollo iyo degmooyin aanan soo qaadin sababtuna waxaa weeye laba arimood, midda hore waa goobo aanan la isku haysan oo cidi ay xisaabsato laakin uusan ka jirin maamul ay iyagu u sameeyeen, waxaa ka mid ah tusaale ahaan, Hobyo waxay ka tirsan tahay Mudug kamana jiro maamul dhisan oo si toos ah u hoos taga jabhadaha ka jira Soomaaliya, walow ay ka jiraan maamullo ay sameysteen dadka deegaanka, sababta labaad waxaa la dhihi karaa waa gobollo aan muhim u ahayn Siyaasiyiinta Soomaalida sida Galguduud oo kale, oo ah gobol ay wada dagaan Qabaa’illo kala taabacsan jabhadaha Soomaalida laakiin loolanka xabadeed ee madaxda Siyaasada u dhaxeeya uusan soo gaarin, marka saasaan isaga daayey ka hadalkooda, waxaan xoogga saaray goobaha uu ka jiro tartanka qoriga ku dhisan ee ka dhaxeeyo Siyaasiyiinta Soomaalida.

 


Aan ku weydiiyo adigee qiimeyntaas aan soo sameeyey hadaad akhrisay maxaa kuu baxay? Ma is weydiisay gobolka Banaadir haddii ay ka taliyaan todobo Hogaamiye kooxeed, aan kala adkaan, aan kala didin, aan mucaarad iyo maamul la mucaarado kala noqon sida gobollada kale, ee magaalada wada dagan, jidadka isaga hor yimaada, inta badanna isa salaama! Ma u qalmaan in Muqdishadii ay saas u dishadeen lagu abaal mariyo in Caasimadda Soomaaliya laga dhigo? Ma is weydiisay sirta ku jirta in gobollada kala ah W/Galbeed, Awdal, Togdheer, iyo Sool iyo Sanaagoo lagu muransan yahay uu ka jiro halka maamul ee Somaliland, tusaala kalana fiiri Gobollada kala ah Bari, Nugaal, Mudug, iyo Sool iyo Sanaagoo lagu muransan yahay iyagana uu ka taliyo halka muumul ee Puntland, hadana bal u fiisto Bay, Bakool, iyo Kismaayo oo iyaduna halka qolo ay marba muddo ka taliso, iyo in halka degmo waa Muqdishee oo ah degmo ka tirsan Gobolka Banaadir ay kawada taliyaan todobada Hogaamiye Kooxeed, Su’aal labaad aan ku weydiiyee gobolladaas dhawrka ah ee inta israacay halka maamul sameystay iyo halkan dagmo ee ay kasoo wada shaqa tagaan 7.da hogaamiye oo mid waliba goonidiisa u socda keebaa xaq u leh in laga dhigo Caasimadda Soomaaliya.

Gabagabadii anoon ku daalin aan ra’yigeyga kuu sheego, Muqdisho Caasimad Soomaaliyeed uma qalanto, inta ay saan tahay Siyaasad ahaan, inta ay 7 hogaamiye leedahay, inta aan heshiis laga gaarayn gacanta ku haynta Muqdisho, xitaa haddii ay dhacdo in heshiis lagu gaaro Eldoret oo dowlad Soomaaliyeed lagu soo dhiso, haddii aan degmo kale laga dhigin Caasimadda Soomaaliya, haddey rabto ha’ahaato Caasimad ku meel gaadh ahee, waxaan shaki iiga jirin in ay mari doonto tubtii ay martay dowladii Carta lagu soo dhisay, C/Qaasim iyo dowladiisiina sababihii ay la kici weyday waxaa kaw iyo labo laga dhigi karaa, diidistii uu diiday C/Qaasim Baydhabo iney noqoto Caasimadda K.M.G. ah, iyo goortii uu Xamar ka soo dagay ee uusan isu qaabeeynin sidii Madaxweyne Soomaaliyeed, ee uuba dhex seexday guri ay qaraabadiisu leedahay, halkii uu hadduu wax kale waayo uu dagi lahaa goobaha loo yaqaanno hantida dadweynaha ama hantida dawlada, ugu yaraan iskuul ama Masaajidkii Isbahaysiga haduu iska dhex dagi lahaa caymo ayey u ahaan lahayd mirihii Jabuuti.


Haddii aad u qaadato fikradeydaan mid ku dhisan Qabiil ama dulan magaalo, waxay ka tarjumeysaa aragti gaabnidaada, haddii aad qabto ra’yi ka duwan kaan qabo, waxaan kaa codsanayaa inaad keento cadaymo la taaban karo oo igu qanciya in Muqdisho ayadoo saan ah laga dhigi karo Caasimadda Soomaaliya ee mustaqbalka.

 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 
editor@somalitalk.com 

SOMALITALK.COM KENYA

Feb 7, 2003 

 

 

 

 

 

XOD-XODASHADA IYO AWR ISKU-KACSIGA ISAAQ IYO HAWIYE WAA SHAR DAB-GELIN KARA? QALINKII USTAAD MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

$
0
0

Maxamed Ibraahim Cigaal. AHN, ayaa xilligii uu madaxweynaha ahaa waxa u yimi wefti Eritrean ah.

Waa berigii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo Maxamed Faarax Caydiid. AHN, ay xoogga ugu dagaallamayeem Koonfur.

Weftiga Eritrean-ka ahi waxa ay Cigaal u sheegeen in berigii ay jabhadda ahaayeen in ay Tigreega kiciyeen oo 1975 u hubeeyeen in ay ku taageereen in ay jabhad hubaysan samaystaan.

Waa ay samaysteen jabhaddii, waxanay labada dhinac ku heshiiyeen in marka Itoobiya la qabto in Tigeegu madaxbannaani siiyaan Eritrea. “Waana tii dhacday”, bay yidhaahdeen.

Waxa kale oo weftigu yidhaahdeen “waa taa hadda labada qolo Koonfurta ku dagaallamayaan. Tii aad taageertaan baana guuleysanaysa”.

Waxa ay soo jeediyeen Caydiid taageera oo marka uu Cabdillaahi ka adkaado ee uu dawlad dhisto la hadla, waa uu idin yeeli doonaaye.

Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “oo markaa waxa aad i leedihiin, reero ayaannu nahaye, Fagadhe is dila”!

Fagashe, AHN, waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland ee maalintaas, waxa aanu ahaa nin Daarood ah oo weliba Harti ah.

Xildhibaan Cabdilqaadir Ismaaciil Jirde ayaan sheekadan ka soo dheegtey hadal uu ka jeediyey xuskii 16aad ee geeridii Cigaal, AHN.

Dhacdooyinka taariikhda ee foosha xumi waa gunnimo haddii ay isu soo celceliyaan sida biyaha calcalyada ah ee xarfanaya meel bannaan.

Maanta se Cigaal ma joogo oo waa “meel libaax ka kacay atoor fadh fadhiisey”!

Mid kalaan xusuustay oo ah shirkii Dir ee Iyoobiya ka dhacay iyo doorkii Somaliland ay ku lahayd oo arrintan is beerlaxawsigu ku taxmi karto.

“Waa nin madaxu buko oo minjaha deyey”!

Kooxo intii wax isla oggolayd ku guul-darraystay in ay mideeyaan oo colaad dhexdooda geliyaan isuna soo dhoweyn karaan, mana midayn karaan in awel ba kala fogeyd oo dayr dhex yiil.

Hawiye iyo Isaaq mid waliba gaarkiisa ayuu xanuun ula taahayaa oo sariirta ula ula jiifaa. Haddii labada cudur la isu keeno waxa ka faafi cudurro kale oo aan dawo yeelan marka laga yimaaddo boogta weyn ee dib u milil dillaaci doonto.

Waa “raad arooryo oo dib loo raacay”! Karis xun se iyana wax ku la’.

Maanta waxa door noqon lahayd in qolo kasta iyadu isa soo shashafayso oo gudaheeda iska hagaajiso.

Hooyo caano i sii iyo horta reerku ha dego saw carruurta laguma odhan jirey?

Maalinta talo saalloonaato in la isu yimaaddo oo laba loo wada hadlo: Soomaaliya oo isku dhan is wadata iyo Somaliland oo isku dhan oo is wadata wixii ka sokeeyaa “waa kud ka guur oo qanjo u guur”. “Ka fiirso intaanad falin, fari na togdheer bay kula xushaa”!

Belo ka hortag bay leedahay ee dabo la qabto ma leh! “Waar hooy ka daayaannu idin leennahay”!

W/Q: Mohamed Baashe Xaaji Xasan

ABDI OOG/ABUKAR AWALE IYO SOLA ISKU DHACOODA HALKUU KA BILOWDAY?

$
0
0

Asxaab badan oo baraha SOCIAL MEDIA ayaa waxay iga codsadeen in aan u soo bandhigo siday wax ku bilowdeen iyo meesha layskala qaaday, runtii dad badan way ku jahawareereen oo waxay isku dayeen in arintaan ay uga hadlaan si daacadnimo ah oo cadaalada waafaqasan, laakiin waxay fahmi waayeen yaa DHAGAX TURRIDA bilaabay iyo qaabkee laysugu jawaabay,nasiib wanaag wixii COMPUTER lagu soo qoro waxay marwalba wataan oo aan laga been sheegi karin SHAABAD iyo meeshii hore loogu soo qoray hadii aan laga saarin, saa awgeed shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa sida ay ku bilowdeen arimahan foosha xun ee ABDI OOG/ABUKAR AWALE uu ku kacay oo wada qabsatay dhamaan baraha bulshada.

Sidaan hore idinku qeexay ABDI OOG wuxuu UNFRIEND Facbeook iga dhigay waqti aad u fog oo aan dhihi karo waxaa laga joogaa dhow sano,waxaa is weydiin leh muxuu UNFRIEND kaaga dhigay? jawaabta waa sawirka hoose oo aan soo geliyay bartayda aan ku leeyahay Facebook.

 

Sidaa awgeed maba isku aragno Facebook,sheekada iminka cirka isku shareertay waxay bilaabatay 2dii Janaayo 2018, xili uu IBRAHIM BAAFO soo qeybiyay ama SHARE gareeyay VIDEO isaga iyo ABDI OOG /ABUKAR AWALE ay isaga duubeen XAMAR iyagoo daba ordaya GAARI QAAD ka buuxo.

 Qoraalkeyga iyo Videowga wuxuu ahaa sida aad dusha ku aragtaan "BAAFO IYO ABUUKAR CAWAALE MAXAA KA QALDAN?" MACBUUDKOOW!, dad aad u farabadan ayaa COMMENTS ka bixiyay oo ay ka mid ahayd FANAANADA AMINA SINDACO oo isla COMMENTIGII ay bixisay uu ugu jawaabay ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE sidaad sawirka dusha ku aragtaan wuxuu 3 JANAAYO 2018 15:22 SOMALI TIME uu bixiyay COMMENT CUNSURI iyo AF-LAGAADA ah oo uu ku caynayo xaaska ABDINASIR ISMAIL.

Shabakada solaportal.com oo ah mid aan ku qoro INVESTIGATION nooc walba ah waxaan ka qoray faalo aad u dheer oo aan ku baaray taariikhda ABDI OOG! taariikhda iyo waqtiga si fiican u eega.

Baaritaanka aan ku sameeyay ABUKAR iyo QORAALKA AF-LAAGADADA uu soo qoray waxay kala dhaceen:

AF-LAGAADADIISA 3 Janaayo 2018 15:22 Somalia Time,qoraalka SolaPortal 3 Janaayo 2018 20:20 UK Time, xusuuso Somali iyo UK xiligaan waxaa u dhexeeya 3 SAAC.

Qoraalka SolaPortal oo aad ka eegi kartaan HALKAN. waxaad ka dhex eegtaan CAAY ama AF-LAGAADO loo geystay ABDI OOG.

Ka dib waxaa arinta soo dhex galay shaqsi labadeenaba saaxiib nala ah oo rabay in uu xaalka dejiyo, FACEBUUGIISA ayuu sawirka hoose soo dhigay, waad aragtaan jawaabaha uu ka helay ABDI OOG.

Bal qoraalkii SolaPortal ku laabto oo ka soo saara meel ay ku qoran tahay CAAY loo geystay ABDI OOG/ABUKAR AWALE!

Ka dib waxaa ku xigay CODKII aad wada dhegaysateen ee FACEBOOK aan soo dhigay oo sida sawirka hoose aad ku aragtaan uu iigu soo dubbay FACEBOOK MESSENGER KHAMIIS 4.1.2018 : 17:34.

Ka dib VIDEOWGII uu is lahaa ABDINASIR ku biiqso markii aan reer FACEBOOK u soo bandhigay, xaalkii ayaa ku adkaaday oo wuxuu soo qoray GOODIN iyo GACMAHAAN ka hadlayaa.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu AF-LAGAADO aad u foolxun kula kacay QOYSKEYGA kaasoo isugu jira CUNSURINIMO iyo isagoo qoyskeyga ku tilmaamay in aan MUSLIM ahayn, waxaan idin xaqiijinayaa kuwa waaweeyn iska daayee saqiirka 6 da sano jira INTA UU TUKADAY ama MASAAJID uu tagay aanu ABDI OOG tegin.

Su'aasha kale waa MA COD BAAN KA DUUBAY? MAYA, sharciga UK si fiican ban u aqaan, laakiin nasiib wanaag isagaa ii soo duubay, sababta aan usoo dhigey FACBOOKNA waa in umadda ay arkaan shaqsigan dhaqankan SOMALIDA aan lagu aqoon la soo baxay.

Hadalka uu ii soo duubay iyo qoraalkiisa dusha si fiican u eeg, wuxuu isku dayey in dadka uu ka dhaadhiciyo in ABDINASIR uu af-lagaadeeyay XAASKIISA, weligay DUMAR iska daayee RAG xitaa ma af-lagaadeeyn, cidii haysa cadeyn fadlan soo dhiga barteyda FACEBOOK.

Xaalkii marka uu ku xumaaday wuxuu isku dayey in uu SUUQA soo geliyo, ABDINASIR baa dad igu soo diray oo waa la ii GOODIYAY, ma ogeyn in QAAD WALAYAASHA Muqdisho ay ii shaqeeyaan.

Ka dib ABDI OOG/ABUKAR AWALE cadaadis xoog leh ayaa meel walba kala soo dirsay UK ilaa iyo SOMALIYA,iyadoo anigana la iga codsaday in aan arinta dejiyo.

Aniga codsigeyga waxaan iri waxaan GARTA saaartay dhamaan Somali weyn, hadii aan qalad galay waxaan balan qaaday in aan FACEBOOK LIVE ah ku RAALI GELIYO,laakiin markii uu ogaaday in xaalku uu ku xun yahay ayuu wuxuu bartiisa FACEBOOK soo dhigay qoraal uu islahaa waa RAALI GELIN, laakiin ah ah mid QIIQ isku qaris ah.

 

Tan waa dhereg dhacsi, ninka raga ah hadii uu qalad galo waa in uu RAALI GELIN 100% aan geed loogu soo gaban uu bixiyaa, laakiin HEBEL WAAN CAFIYEY iyo REER MUDUG baan ahay waa JEES-JEES iyo dhereg dhacsi.

Aniga ABDINASIR ahaan sidaan hore u sheegay hadii la iga gar helo waxaan diyaar u ahay in 100% RAALI GELIN VIDEO ah aan duubo, laakiin CADAADIS weligay kuman shaqeyn mana dheceyso in arinaan ay halkan ku dhamaato.

Ugu dambeyn maxaa ii banaan? wadanka UK oo aan ku wada nool nahay sharci baa lagu kala baxaa, ma jirto GACAN KA HADAL iyo AK47 laysku tuuro, aniga qorshaheyga dhanka sharciga oo hore aan u sheegay waa ii diyaarsan yahay, hadii ay ahaan lahayd JAAMACADIHII lacagta deeynta ahayd laga qaatay oo aan la dhigan, shaqooyinka been abuurka iyo lacagaha dowlada aan loo sheegin, sidaa awgeed RAGU haday is baranayaan.

ABDI OOG qoyskiisa waxba igama galabsan, lagamana yaabo qoys arimahooda in aan galo, laakiin waxaa igu balan ah in mar dambe aanu qof kale qoyskiisa ku af lagaadeeyn SOCIAL MEDIYAHA.

Dhamaan asxaabta aqrisay qoraalkan idinkaa GARSOORKA la idiin dhiibay, aniga weli albaabkeyga waa furan yahay, hadii uu RAALI GELIN 100% bixiyo sheekada halkan ayay ku dhameenysaa, hadii kale xaalku waa BARIGA DHEXE.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

WAA AYO ABUUKAR CAWAALE AMA ABDI OOG YAASIIN? SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Shabakada SolaPortal waxay baaritaan dheer oo ay soo codsadeen qaar ka mid ah aqristayasheeda ay ayaamahan ku waday shaqsi bulshada Somaliyeed ee dalka iyo dibada aad looga yaqaano oo ku soo caan baxay markii uu yiri waxaan ahay shaqsigii ka joojiyay wadanka Boqortooyada UK, cunida iyo ka ganacsiga maan dooriyaha qaadka, taasoo runtii ahayd mid runta ka fog oo dad badan ay aamini kari waayeen, sidaa awgeed shabakada baarista SolaPortal waxay baaritaan dheer ka dib ay idin soo bandhigeysaa taariikhda kooban ee Mr ABUKAR AWALE ama ABDI OOG YAASIIN JAAMAC oo ah magaca uu ku dhashay isla markaana Yurub uu ku soo galay, ka dibna uu bedelay ABUKAR AWALE markii uu u soo haajiray wadanka UK bilowgii 1996 dii.

Ugu horeyn ABUKAR AWALE/ABDI OOG YAASIIN wuxuu qaxooti ahaan u yimid magaalada Tampere oo ku taala Koonfurta Finland oo ay ku noolyihiin Somali aad u farabadan oo 90 meeyadii QAXOOTI ahaan u soo galay wadanka Finland.

ABUKAR magaciisa rasmiga ah waa ABDI OOG YAASIIN JAAMAC, kaasoo ahaa kii uu ku dalbaday qaxootinimada wadanka Finland, waqtigii 90 meeyadii waxaa Finland ku soo qul-qulayey Somali aad u tira badan oo ka soo haajirtay dagaalkii sokeeye ee wadanka ka qarxay, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii degtay magaalada Tampere, shaqsi aad ay isugu dhoweeyaan isla markaana la degenaa ayaa SolaPortal u sheegay in ABUKAR AWALE/ABDI OOG aan dugisyada luuqada iyo waxbarashada kale gelin oo isku ahaa shaqsi iska dhalinyareeya oo waqtigiisa inta badan ku qaatay baashaalka dhalinyaranimo iyo balwado kala duwan oo xiligaa caadi ka ahaa Finland.

Abukar AWALE/ABDI OOG taariikhdiisa Tempere ma ahan mid uu ka hadlo ama uu doonayo in dadka kale ay ogaadaan, sababtuna ah xiligaa aad ayuu u dhalinyaraynayey oo ay soo foodsaareen arimo aad u adag, dhamaadkii 1995 isaga iyo dhalinyaro Somali ah waxaa lagu qabtay iyagoo BOOB ama ROBBERY ku sameynaya meel QAMAAR lagu cayaaro oo ku taala qeybta qadiimka ah ee Magaalada Tempere, taasoo keentay in bilowgii 1996 uu ka soo dhuunto isagoo maxkamad ay u taalo, xiligii uu ku noolaa wadanka Finland waxa u wanaagsan ee uu ka sameystay waxay ahayd dhalashada wiilkiisa oo uu ka dhalay gabar FINISH CADAAN ah, Wiilkaas iminka waa 23 jir ah, ABUKAR AWALE/ ABDI OOG inta badan kama hadlo taariikhdiisa FINLAND iyo tan ubadkiisa.

Arimo kale oo ku qabsaday ayaa jirta wadanka Finland, laakiin shabakada SolaPortal waxay door biday in aanu ka hadlin, waayo waa arin dad kale oo shaqo aan ku lahayn qoraalkan ay saameyn ku yeelan karto.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu u soo guuray wadanka UK magaalada London, isagoo ahaa shaqsi MUQAYAL ah oo marar kala duwan jebiyay sharciyada wadanka UK, tusaale ahaan dhamaadkii 2014 waxaa lagu qabtay isagoo gaari aan sharci iyo caymis lahayn wata, taasoo sababtay in waqti aad u fog laga mamnuuco wadista gaariga, isla xiligaa waxaa 4 jeer MINDI caloosha ka geliyay nin ay MARFISH ku yaala Galbeedka London isku dagaaleen.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG oo dhibaatooyinka uu kala kulmay UK wareysi dheer ka siiyay DAILY MAIL oo ah jaraa'idka wadanka Ingiriiska ugu weyn, RIIX LINKIGA hoose:

Linkiga lagu wareystay riix   HALKAN:

 

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu bartiisa FACEBOOK soo geliyay in uu wax ka bartay jaamacada London ee Metropolitan University oo ku taala Waqooyiga London, isagoo sida uu sheegay ku taqasusay Community leadership & Development at London Metropolitan University.

SolaPortal oo tiigsaneysa sharciga XORIYADA MACLUUMAADKA ama FREEDOM OF INFORMATION ACT 2000, waxay Jaamacada si sharciyi ah uga codsatay shaqsi la yiraahdo ABDI OOG YAASIIN ama ABUKAR AWALE macluumaadkiisa, xiliguu wax ka bartay iyo qalin jebintiisii, jawaabtii aan helnay waxay ahayd "THERE IS NO RECORD OF GRADUATION"!, shabakada SolaPortal.com oo ilaalineysa sharciga DATA PROTECTION ACT 1998 ee ilaalinta aqbaaraadka shaqsiga u qaaska ah, waxaan soo bandhigi kari weynay macluumaad aqristayaasha ay la yaabi lahaayeen oo sharciga UK uu noo diiday.

Qoraalka SolaPortal markii uu arkay ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu is yiri is difaac, ka dib wuxuu bartiisa FACEBOOK soo dhigay statement of attendance ! xusuuso wuxuu ilooway qoralkiisa hore ee ahaa STUDIED ama WAX KU BARTAY.

Bal hadii ay jirto JAAMACAD aduunka ku taala oo SEPTEMPER ilaa JANAAYO DEGREE laga qaato nala wadaaga.

" XUSUUS maalmaha dambe ee DECEMBER iyo Asbuuca koowaad ee Janaayo" JAAMACADAHA UK way xiran yihiin!.

Qoraalka markii uu hawada soo galay ka dib, waxaan helnay macluumaad muhiim ah oo inoo xaqiijiyay in ABDI OOG/ABUKAR AWALE sababta uu isaga qoray isla markaana 3 bilood keliya uu u tegay ay ahayd helida "STUDENT LOAN ama DAYNTA ARDEYDA" oo ahayd lacag u dhiganta 14.000 USD, oo ardeyda la deemiyo si ay waxbarashada ugu fududaato, sanadadii dambe waxaa la arkay arday is qorta Septemper oo markii lacagta ay u soo dhacdo oo ah bilowga Janaayo isaga taga waxbarashada, iyadoo dant ugu weyn ay tahay lacagta deynta ah.

Shabakada SolaPortal iyadoo isticmaaleysa sharciga Freedom of Information Act 2000, waxay EMAIL u dirtay shirkada bixisa DAYNTA ARDEYDA ama STUDENT LOAN ee SLC "Student Loans Comapny"in ay u soo gudbiso macluumaad la xiriira lacag ay deymisay ABDI OOG/ABUKAR AWALE sanadadii 2010/2011 si uu wax uga barto London Metropolitan University, taasoo hadii ay ku cadaato XABSI iyo GANAAX weyn uu ku dhici doono, inshallah aqbaaraadka markaan helno shabakada SolaPortal ayaan soo dhigi doonaa.

Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE hadii aan ku yara xasuusiyo xiliga aad tiri waxaan wax ka baranayey JAAMACADA ku taala WAQOOYIGA LONDON,isla markaana ka QALIN JEBIYAY Waxaa kula joogay oo ka qalin jebiyay WIIL KALOO SOMALI AH, si fiican aad u taqaanid!

 

Wadanka UK, RECORD ayuu leeyahay oo ma oran kartid JAAMACAD hebel baan ka qalin jebiyay.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu sanadkii 2006 bilaabay ol-olaha ka soo horjeedka cunista iyo ka ganacsiga qaadka, wuxuuna ka qeyb galay kulamada jaaliyadaha UK iyo YURUB, xiligaa oo dadka inta badan ay barteen magacan cusub ee ABUKAR AWALEoo lagu magacaabo shaqsi ku nool wadanka USA gobolka OHIO, kaasoo ah magaca uu ku joogo wadanka UK.

Taariikhda la dagaalanka muqaadaraadka QAADKA UK way ka horeysay ABDI OOG/ABUKAR AWALE, waxaa waday dad Somali ah oo ku nool wadanka UK, aqri qoraalka hoose oo aan dhowr sano ka hor ka diyaarayay arimahan.


 

Qoraalka aan ka diyaariyay ABDI OOG sanadkii 2016 wuxuu ku bilowday sidan:

Abukar Awale marar buu iloowaa MUGIIISA iyo magaca uu ku leeyahay bulshada Somaliyeed,taasoo uu kaga duwan yahay dadka caadiga ah ee aan la aqoon,waxaa muhiim ah in uu marwalba xusuusto in hadaladiisa iyo ficilkiisa meel dheer gaaro.

Mr Awale waxaan aqaanaa waqti aad u dheer ma ahan shaqsi xun ama dhib badan,arimaha qaadkana waa mid uu geliyay waqtigiisa iyo maalkiisa,runtiina dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa ku taageersan.

Abukar waxaa lagu tilmaami karaa "Loose Cannon" oo micnaheedu yahay "an unpredictable or uncontrolled person who is liable to cause unintentional damage" qof aan laysku halayn karin,aan is maamuli karin,mar walbana waxyaabaha uu ku dhaqaaqo dhibaata keena isagoon ugu tala gelin"

Mr Awale aad baan u taageeraa ilaa iyo hada,waxaa jirta VIDEO aan ka sameeyay waqti hore,anigoo ku amaanay in uu yahay,"HERO OF MANY" ama "GEESI DAD BADAN" hoos ka daawo.

Ugu horeyn Mr Awale QAAD kama joojin wadanka boqortooyada UK!,hadii uu yiraahdo waan ka joojiyay ha soo badhigo qaabka uu u joojiyay,wadanka Ingiriiska muqaadaraadka looma joojiyo qof ayaa mudaaharaad sameeyay ee waa wax waqti dheer la baaro isla markaana la ogaado dhibaatooyinka uu bulshada,ka dib barlamaanka ayaa ka dooda oo sharci ka soo saara.

Arimaha la dagaalanka Qaadka waxay bilowdeen waqti aad u fog,xiligaa Abukar Awale wadanka Ingiriiska kuma noolayn,waxaa arimahaa waqti ku dhow 20 sano daba socday Mr Mohammed Dualeh oo ka bilaabay Somali Youth Association  Butetown, magaalada Cardiff ee wadanka Wales,RIIX HALKAN:

Arimahan waxaa si wadajir ah u bilaabay jaaliyaddaha YEMEN iyo SOMALIDA ku nool CARDIFF,sidaa awgeed hadii Mr Awale uu yiraahdo aniga ayaa bilaabay isla markaana mamnuucay QAADKA,taa runta way ka fogaaneysaa.

Abukar Awale waxaa lagu xiray JABUUTI iyo SOMALILAND,isagoo isla waqtigaa laga joojiyay in uu ka qeyb galo shirarka qaad joojinta,hoos ka dhegeyso isagoo xabsiga ku OOYAYA.

ABDI OOG wuxuu caan ku yahay in aanu xukumi karin hadalada afkiisa ka soo baxa, DAAWO VIDEOWGII gefka weyn ahaa ee SOMALI BANTU.

Waxyaabaha kale ee ABUKAR AWALE lagu arkay waa isagoo ADKEYSIGIISU aad u yaryahay oo qofkii ra'yi ka duwan u soo bandhiga uu hore BLOCK FACEBOOK AMA UN-FRIEND KA DHIGA saaro,eeg sawirada hoose:

 

Waqtiyadan dambe Abukar Awale waxaa lagu arkay isagoo ka baxay arimaha ololaha qaad joojinta,taasoo taageerayaashiisa ay u arkeen in uu yahay shaqsi aan xamili karin magaca uu bulshada Somaliyeed ku leeyahay,tusaale ahaan bilowgii sanadkan xili ay socdeen dagaaladii PUNTLAND iyo AL-SHABAAB,qoraalo uu FACEBOOK soo dhigay Mr Awale, runtii dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa arimaha uu ku dhaqaaqay u cuntami weyday,eeg sawirad hoose:

Dad badan ayaa ka carooday qaabka uu gabdhaha u wareyso marka uu leeyahay QALANJADA ama QAADKA,waxyaabo waxaa jira aan laga hadlin hadii la eego dhaqanka Somaliya,laakiin hadii aad tiraahdid nimanka JAADKA cuna SARIIRTA kuma wanaagsana ama wax ma taraan,taasi waxay dabooleysaa arimiha ololaha joojinta qaadka,daawo clipka hoose:

Dhanka kale Abukar Awale wuxuu inta badan ka hadlaa in KENYAATI iyo SOMALI ay u hanjabeen oo la yiri waa lagu DILAYAA!,runtii ma jiro qof raba in Abukar uu dilo,waa maxay sababta loo dilayo? Abukar Awale QAAD kama joojin KENYA,ra'yi ahaan waxaa fiicnaan lahayd in uu iska dhaafo hadalada faraha badan ee uu ku leeyahay waa la ii HANJABAY oo in la i dilaa la rabaa, DAAWO

Markii uu ku soo caan baxay warbaahinta waxaa soo kordhay in uu yeesho CADOW aad u farabadan oo ku eeday in uu yahay QABIILISTE, iyadoo laysku dayey in codkiisa la bedelo, shabakada SolaPortal.com way difaacday ABDI OOG/ABUKAR AWALE. dhegeyso CODKA la yiri waa ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

Ka dib waxaa shabakada SOLAPORTAL.COM soo gaaray VIDEO la yiri waxaa laga duubay PALTALK 2001 oo shaqsi la magac baxay WIIL SADE uu af-lagaadeynayo QABAA'ILO aad u farabadan,hoos ka daawo.

 

Waxaa kale oo shabakada SolaPortal soo gaartay aqbaar aan weli xaqiijin oo ku eeday Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE in uu sameeyay lacag ururin farabadan oo ilaa iyo hada aanu xaqiijin sida loo isticmaalay, tan arimaheeda weli la daba socdo waa LACAG URUURINTII GO FUND ME.

 

ABDI OOG/ABUKAR AWALE markii ugu horeysay ee aan arko waxay ahayd xili uu baadi goobayey shaqa barad ama work experience uu u soo doontay UNIVERSAL TV, ka dib wuxuu isku dayey in uu furo TV la magac baxay SOMALI CHANNEL oo socon waayey ka dib markii uu gudi waayey lacag uu ka deeynsaday Bangiga BARCLAYS.

Sababta looga xiray oo ahayd isagoo ku noolaa guri dowlada ay siiso dadka danyarta ah oo aan shaqeyn, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ahaa shaqsi 20 sano ku noolaa cayrta dadka jiiska ah la siiyo.

 

 

intaa ka dibna waxaan lagu arkaa TVyada Somalida ee ka hawl gala magaalada London, isagoo inta badan ka shaqeysta dhanka XAYEEYSIINTA DUKAAMADA iyo SHAQSIYADAHA leh ganacsiyada kala duwan.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu aad u jeclaa in loo aqoonsado in uu yahay shaqsigii JAADKA ka joojiyay UK, laakiin sidaad ku aragteen qoraalada dusha arintaa waa mid runta ka fog oo cid walba ay ogtahay, iminka waxaa aad loogu yaqaanaa CAAYDA SOCIAL MEDIYAHA oo noqotay mid uu sumcada uu sameystay ku burburiyay.

 Ugu dambeyn waxaan qoraalka ku soo af-jarayaa in shaqsi walba oo magac ku leh bulshada uu leeyahay taariikh aan qarsoomin oo macluumaad walba si fudud loo heli karo hadii wado sharci ah loo maro, waxaan kaloo aqristayaasha SolaPortal ee soo codsaday taariikhda ABDI OOG/ABUKAR AWALE u sheegayaa in macluumaadkiisa intaa ka sii weyn tahay oo aan lagu soo koobi karin hal qoraal oo laga diyaariyo, muhiimad ugu weyn ee qoraalka wuxuu ahaa in marwalba codsiga aqristayaasha faraha badan ee ku xiran shabakada aan tix gelino, iyadoo la tix gelinayo shaqsiga baaritaanka lagu wado.

SolaPortal.com waa shabakada keliya si PROFESSIONAL ah u sameysa baaritaan ay la socdaan xaqiiqada, hadii ay ahaan lahayd sawiro ama VIDEO, mar walbana waxaan fursad siinaa shaqsiga ay quseyso hadii uu doonayo in qoraal jawaab ah shabakada u soo diro si aan u soo gelino wixii qalad ahna aan saxno ama raali gelin ka bixino.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

WAA AYO UMMXABDULLAH? SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Ummxabdullah oo magaceeda rasmiga ah uu yahay Ruksana Ali iyo seygeeda hasanatofficial oo magaciisu uu yahay Abu Abdullah Hasanat waa laba shaqsi oo ku nool wadanka UK isla markaana caan ka ah baraha bulshada sida Youtube, Facebook, Twitter iyo Instgram, waxay marwalba soo badhigaan nolol maalmeedkooda qoys ahaan, iyagoo dad badan ay daba socdaan ama Followers ay u yihiin.

Bilowgii bisha Juunyo 2019 ayaa dad aad u tira badan waxay barteen labadan shaqsi kadib markii ay soo badhigeen guurka labaad ee Abu Abdullah, tabcan guurka noocan ah sharci daro ayuu ka yahay UK, gabadha lala guursaday Ruksana waa shaqsi ay ku tilmaamtay in ay saaxiib yihiin oo la yiraahdo Sarah, waxaa lasoo ogaaday in guurkan uu dhacay laba sano ka hor , iyagoo baraha bulshada ku soo bandhigay dhowr maalmood ka hor.

Sawirka hoose waxaad ku aragtaan ACCOUNTS INTSGRAM kala duwan oo ay lahayd Ummxabdullah (Ruksana Ali)

2018 accountka hoose waxaad ku aragtaan HasanatFamily, Sarah ma waxay ka mid ahayd qoyska Abu Abdallah Hasanat?

Waayo bartamihii bisha Juunyo 2019 waxay INSTGRAMKA ku soo qoreen in laba maalmood ka hor ay is guursadeen.

 

Guurka labaad markii ay faafiyeen ayaa dad badani waxay is weeydiiyeen su'aalo ah in ummxabdullah ay tahay shaqsiyad ku nool laba nolol oo isbar-bar socota, waxaa isla markaa cadaatay in Ruksana Ali (ummxabdullah) ay tahay MODEL INSTGRAM oo isticmaasha magaca @ zarrahofficial, iyadoo marar badan sawiradeeda iyo waxyaabaha kale ee ay soo geliso ku TAAG gareysay Ummxabdullah.

17 Maarso 2019 iyo 20 maarso 2019 waxaa la xaqiijiyay in sawiro isku meel laga qaaday, iyagoo markaa dalxiis u joogay caasimada Qadar magaalada Dooxa, taasoo xaqiijisay shakigii jiray.

Waxaa kale oo INSTGRAM lagu arkay laba sawir oo isla Hotelka ay degan yihiin lagu qaaday.

Waxaa kale oo laba ACCOUNT INSTGRAM (ummxabdullah - zarrahofficial) kala duwan isla waqti la soo geliyay BAASBOOR iyo TIKIT ay ugu dhoofayeen DOOXA.

Sawir kale iyadoo isticmaaleysa isla telefoonka gacanta, sawirka midig waa QAAWAN oo jirkeeda ayaa la arkaa sidaa awgeed ayaa loo qariyay.

Sawir kale waxaan ku aragnaa wiilka ay dhashay ummxabdullah oo ku dhexjira sawirada zarrahofficial .

 

 Qaar ka mid ah sawiradeeda oo lays bar-bar dhigay.

Waxaa kale oo la soo ogaaday in ay lahady ganacsi MODEL AGENCY ah oo ku taalay STOKE -ON-TRENT oo ku taala Waqooyiga wadanka Ingiriiska.

Labada Sawir waxay isla xiran yihiin hal FARAANTI ama FARGASHI

Iminka waxaa xaqiiq ah in ummxabdullah and zarrahofficial ay yihiin hal ruux, taasoo ah ummxabdullah oo dhowrkii sano ee BARAHA BULSHADA ay ku jirtay BEEN ABUUR ku waday dhamaan dadka daba socday ee mooday in ay tahay qof aanu ahayn.

Daawo gabadhii la isticmaalay oo BEENTA loo sheegay oo RAALI GELIN bixineysa.

 

Sawirka hoose waa kii ugu dambeeyay oo laga qaaday, iyagoo si dhuumaaleysi ah kaga dhoofayey gegida diyaaradaha ee MANCHESTER oo ku sii jeeda ISTANBUL, Bileyska Ingiriiska ayaa raadinaya iyagoo lagu eeday in ay lunsadeen lacag dhan 450.000 USDoo magac mucaawino ah ay ku uruuriyen.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

FAARAX XUSEEN OO KIM ABDI ISU BEDELAY, SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Bilowgii sanadka 2020 waxaan arkay qoraal ay soo gelisay barteeda Facebook Gabar Somali ah oo lagu magacaabo KIM ABDI oo ku nool caasimada wadanka Jarmalka magaalada Berlin, qoraalkaa oo sawir la socday wuxuu ahaa sidan: Ma doonayo in nin Somali ah Facebook friend kula noqdo ama kula ahaado, sidaa awgeed UNFRIEND iga dhiga idin dooni maayee"

Anigu shaqsiyan dhowr sano ayaan KIM ABDIFriend kula ahaa Facebook anigoo waqtigaa mooday Gabar Somaliyeed, 23 Oktoobar 2019 ayaa boggeeda FCB waxaan ku arkay sawir ay la gashay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, KIM waxaan ka codsaday in ay ruqsad ii siiso isticmaalka sawirka.

KIM ABDI iima soo jawaabin codsiga isticmaalka sawirka, ka dib waan ilooway oo dan kale kama gelin, bartamihii  bisha Maarso 2020 markii ay soo qortay dooni maayo nimanka Somalida ayaan is iri Gabadhaan maxaa laga haleeyay, iyadoo markii dambe ay ii soo baxday in KIM ABDI ay ahaan jirtay FAARAX XUSEEN CABDI.


UGU HOREYN WAA AYO FAARAX XUSEEN CABDI?

Daawo Videowga dusha ee FAARAX XUSEEN CABDI oo ka hadlaya noloshiisa Tahriibka ee Yurub uu ku soo gaaray dhamaadkii 2013, isagoo sheegay in uu soo galay wadanka MALTA sanadkii 2012.

Faarax wuxuu ku dhashay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan,isagoo ku barbaaray wadanka Kenya sida aad ka dareemaysaan lahjada Ingiriiska ee uu ku hadlo. Magaciisa buuxa waa Faarax Abdullahi Abdi Ali dhoore.

 FAARAX XUSEEN CABDI oo iminka bedeshay magacii iyo qaabkii uu ku dhashay, ayaa si rasmi ah ula baxay magaca KIM ABDI, isagoo ku nool caasimada Jarmalka magaalada Baarliin.

Muuqaalo aad u farabadan ayaan ka helay YouTube oo ay kaga hadleyso isbedelka nolosheeda oo aad ku arki kartaan Videowgan:

Daawo Video uu kaga hadlayo arimaha Qaxootiga Bariga Afrika oo ka dhacay wadanka Jarmalka bilowgii 2018.

 


 FAARAX XUSEEN CABDI sida qoraalka hoose ku xusan wuxuu ahaa shaqsi degaankiisa uu noqday Jarmalka mudo iminka laga joogo 3 sano,isagoo u mahadcelinaya Chancellor Angela Merkel.

 FAARAX CABDI oo iminka isu bedelay KIM ABDI waxay barteeda Facebook ku cadeysay in ay jeceshahay nin reer Sweden ah.

.

Sida ku muuqata sawiradda hoose KIM ABDI waxaa la moodaa 100% in ay tahay DHEDIG.

FAARAX XUSEEN CABDI ayaa xaqiijiyay in uu yahay TRANSGENDER ama dadka bedela qaabka ay ku dhasheen oo doorta LAB ama DHEDIG, isagoo gebi ahaan bedelay muuqaalkiisa iyo siduu ku dhashay

Wareysi uu siiyay jaraa'idka Barcelona Ciutat Refugi ee ka soo baxa magaalada Barcelona ee wadanka Spain ayaa wuxuu si buuxda uga hadlay taariikh nololeedkiisa: Riix sawirka hoose:

 


 

FAARAX XUSEEN oo markale ka warama taariikhdiisa iyo noloshii adkeyd ee uu soo maray ka aqri linkiga hoose: Riix sawirka:


FAARAX waqtiyadii dambe wuxuu ka mid noqday dadka sida aadka ah ay usoo dhoweeyaan hay'adaha iyo dowladaha reer Yurub, qoraalka hoose waxaad ku aragtaan shahaadada QUEEN OF ENGLAND AWARDS FOR YOUNG LEADERS. riix sawirka hoose:


Ugu dambeyn waa maxay muhiimada qoraalkan? KIM ABDI oo aan mooday Gabar Somaliyeed laakiin hore u ahaan jirtay wiil Soomaliyeed baan is iri waa maxay sababta ay u nacday ragga, taasoo iminka cadaatay.

FAARAX XUSEEN inta aanu wadankii kasoo tegin ayuu lahaa dareenka noocan ah oo lagu arkay Somali tira badan tan iyo burburkii wadanka.

Wadamada YURUB iyo WAQOOYIGA AMERIKA waxaa kunool dad noocan ah oo laga dhigay in ay yihiin wax caadi ama normal ah, waa muhiim FAARAX XUSEEN ama KIM ABDI in laga falanqooda ama laga hadlo waayo IYADA ayaa banaanka isa soo dhigtay oo ka hadasha madal walba oo ay is leedahay magacaaga iyo muuqaalka waxbuu u kordhinayaa.

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

 


RA'IISAL WASAARAHA CUSUB EE SOMALIYA MR HASSAN ALI KHAYRE IYO ARIMAHA MUSUQ-MAASUQA SOMA-OIL "SOLA INVESTIGATES"

$
0
0

Madaxweynaha Somaliya mudane MOHAMED FARMAAJO wuxuu Khamiis 23.2.2017 ku dhawaaqay in uu magacaabo ra'iisal wasaare cusub oo shacabka Somaliya mudo aad u dheer ah ay sugayeen,Mr HASSAN ALI KHEYRE waa shaqsi dhalinyaro ah isla markaa qurba joog ah oo haysta dhalashada NORWAY,shaqo siyaasadeed ama xafiis dowlad weli xil kama soo qaban,wuxuu shaqooyin kala duwan ka soo kala qabtay xafiisyada qaxootiga Somalida Norway iyo isagoo ahaa maamulaha Afrika ee shirkada SOM-GAS oo waqti dheer batrool ka baaraysay wadanka Somaliya,runtii Somalida aad ayay ula dhaceen doorashada shaqsigaan dhalinta yar ee ka duwan dadkii hore loogu bartay in ay Somaliya xakumaan,waxaa mar walba muhiim ah in fursad la siiyo mas'uulka ku soo biiray dowlada Somaliya,laakiin warbaahinta madaxa banaan mar walb waa in ay soo ogaataa taariikh nololeedka shaqsiga lagu aaminay maamulka wasaaradaha Somaliya.

Shabakada SOLAPORTAL.COM qaabka ay wax u qorto waa sida PROFESSIONAL JOURNALIST,inagoo iska ilaalina laab la kac iyo ku tiri ku teen,waxaan kale oo aan soo raacinaa qoraalada waxyaabo cadey ah.

Mr HASSAN ALI KHAYRE waa shaqsi ku cusub Somalida,laakiin taariikh ganacsi iyo maamul ayuu ku leeyahay oo inta badan aan la ogayn.

 

DAAWO LIVE FACEBOOK AAN KA DIYAARINAY RA'IISAL WASAARE KHAYRE

Shaqo aad u wanaagsan ayuu ka qabtay xiligii uu ka tirsanaa NRC "Norwegian Refugee Council isagoo xooga saaray qaxootiga Somaliya ee xeradaDADAAB.

 

Mr KHAYRE sidaan hore u soo sheegnay waa GANACSADE Saami "SHARES"way ku leh shirkada baaraysa isla markaana qodi doonta BATROOLKA SOMALIYA oo la yiraahdo SOMA OIL,waxaa shirkad iska leh oo dhisay ganacsadaha weyn ee Basil Shiblaq iyo wiilkiisa Iyad Shiblaq.

Sida shabakadoodu ku cad MA JIRO AYAY YIRAAHDEEN MUWAADIN SOMALI AH OO SAAMI "SHARES" ku leh SOMAOIL.

Sababta loo yiri muwaadan SOMALI ah SAAMI "SHARES" kuma leh waa iyadoo Mr KHAYRE u arka in uu yahay NORWEGIAN!

SOMA OIL waxaa wadajir u dhisay oo wada leh,SOMA OIL & GAS EXPLORAION LIMITED,SOMA OIL & GAS HOLDING LIMITED iyo SOMA OIL MANAGMENT ---

Mr KHAYRE lacagaha uu darsaday shirkada SOMA OIL waa 2.% oo u dhiganta 2 MALYUUN oo DOLLARKA Mareykanka ah,tabcan waa ganacsade meeshii uu doono ayuu gashan karaa lacagtiisa.

 

2 Saac ka dib markii qoraalkan aan hawada soo gelinay Mr KHAYRE gebi ahaan wuu iska casilay SOMA OIL isagoo SAAMIGII uu ku lahaa ka tanasulay.

Dhowr sano ka hor waxaa si qarsoodi ah lo helay FARIIMO DIPLOMATIC ah oo warbaahinta lagu faafiyay taasoo lagu eeday shirkada SOMA OIL in ay ku dhaqaaqday arimo musuq-maasuq ah,ka dib QARAMADA MIDOOBAY xafiiska u qaabilsan Somalia Eritrea Monitoring Group waxay soo saareen warbixin ay ku eedeen Ra'iisal wasaare KHAYRE oo ay yiraahdeen wuxuu lug ku leeyahay MUSUQ-MAASUQ iyo isagoo xiriir hoose la leh ARGAGIXSO.

Arimaha eedaha musuq-maasuqa waxaa ka hadlay dhamaan warbaahinta aduunka,iyadoo musharaxii hore ee Ra'iisal wasaaraha Britian Mr Michael Howard uu ka mid ah dadka arimaha eeda dusha laga saaray,Mr Howard waa Agaasimaha guud ee SOMA OIL.

 

 Ra'iisal wasaaraha cusub Mr Khayre weli wuxuu DIRECTOR ka yahay dhowr shirkadood oo wadanka dibadiisa ka dhisan,kuwaasoo tabcan xaq uu u lahaa markii uu ahaa ganacsade dalka ama dibada ku nool.

Arimaha baaritaanka SOMA OIL waxaa baaritaan dheer ku sameeyay Serious Fraud Office "SFO" oo ah xafiiska ugu awooda wayn wadanka UK ee baara Musuq-maasuqa ay ku lug leeyihiin dadka haysta dhalashada UK oo Mr Howard uu ka mid yahay,baaritaan dheer ka dib waxay 14tii DECEMBER 2016 go'aan ku gaareen in SOMA OIL aan shaqo ku lahayn wax la is daba mariyay ama musuq-maasuq ah,iyagoo ka dib soo af jaray baaritaankii ay ku hayeen MICHAEL HOWARD iyo HASSAN ALI KHAYRE.

 

 GOOGLE SEARCH hadii aad ku qortid SOMA OIL iyo CORRUPTION waxaa soo baxaya macluumaad aad u farabadan oo warbaahinta aduunka ay waxyaabo kala duwan ay ka qoreen.

Iminka RA'IISAL WASAARE KHAYRE waxaa looga baahan yahay in uu iska casilo xilalka uu ka hayo shirkadaha dalka iyo dibada ka dhisan,in uu iibiyo wixii SHARE ah ee uu ku leeyahay SOMA OIL.in uu qabto shir warbaahinta uu ugu sheegayo in gebi ahaan uu joojiyay ganacsigii u qaaska ahaa ee laga yaabay in uu keeno CONFLICT OF INTEREST,hadii arimahaa uu ku dhaqaaqo waxaa hubaal ah in SOMALI oo dhan ay taageeri doonto.

EEDU micnaheeda ma ahan in aad wax haleysay,laakiin xafiiska ra'iisal wasaaraha waa in lagu arkaa shaqsi NADIIF AH oo Somalida ay ku qanacsan tahay,waxaa hubaal ah in uu ka soo bixi karo mudane KHAYRE.

Ugu dambeyn shabakada SOLAPORTAL.COM waxay marwalba idin soo ban dhigeysaa wixii macluumaad ah ee la xiriira arimaha baaritaanka Musuq-Maasuqa iyo dadka lagu aaminay HANTIDA SOMALIYEED ee dalka iyo dibada.

 

 Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

 

 Investigative journalist

 

 La xiriir: info@solaportal.com

 

WADA SHAQEYNTA SOMALILAND IYO AL-SHABAAB EE LA YIRI WAXAA SOO QORAY WARIYAAL SWEDISH AH MAXAA KA JIRA? "SOLA INVESTIGATES"

$
0
0

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa shabakadaha iyo baraha Social Mediyaha lagu arkay qoraal luqadda Ingiriiska lagu diyaariyay oo cinwaankiisa uu ahaa "The Nexus between Somaliland and Al-Shabaab" oo ah shaqadda ka dhexeysa Somaliland iyo Al-shabaab,taasoo sida la yiri waxaa qoray laba wariye oo dhanka baaritaanka "investigative" oo la yiraahdo Peter Wolfson & Greta Backstrom,waxay ka hawl galaan sida qoraalka uu sheegayo magaalooyinka NAIROBI iyo STOCKHOLM,qoraalka waa mid aad u dheer oo runtii hal dhinac keliya ka hadlaya,sida caadada ah wariyaha Professionalka ah wuxuu mar walba eegaa labadda dhinac ee arimaha quseyso.

 

ugu horeyn aan isla eegno qeyb ka mid ah qoraalka ay ka diyaariyeen Somaliland iyo Al-shabaab.

 

Iminka waxaan eegeynaa labadan shaqsi ee la yiri waa wariyaal SWEDISH ah,Peter Wolfson & Greta Backstrom,

Sawirka hoose hadii aad eegtid ma jirto taariikh "HISTORY"uu leeyahay Mr Peter Wolfson oo lagu tilaamay in uu yahay wariye u dhashay wadanka Sweden.

 

Taariikhdiisa GOOGLE waa qoraalka la yiri wuxuu ka diyaariyay Somaliland iyo Al-shabab oo magaciisa uu yahay THE NEXUS BETWEEN SOMALILAND AND ALSHABAAB.

Tabcan macagyo kale ayaa jira,laakiin SWEDEN iyo wariye shaqo kuma laha ee waa dad kale oo ka duwan isla markaana u dhashay wadamo kale.

 

Sawirka hoose hadii aad eegtid ma jirto taariikh "HISTORY"ay leedahay Miss/Mrs Greta Backstromoo lagu tilaamay in ay tahay wariye u dhalatay wadanka Sweden.

Tabcan macagyo kale ayaa jira,laakiin SWEDEN iyo wariye shaqo kuma laha ee waa dad kale oo ka duwan isla markaana u kala dhashay wadamo kale.

 

Iminka aan isla raadino labada magac ee Peter Wolfson & Greta Backstrom, si aan u aragno waxa ka soo baxaya barta GOOGLE.

Sida aan ku aragno sawirka dusha taariikhda labada wariye ee reer SWEDEN,waxay bilaabatay maalintii qoraalka ALSHABAAB iyo SOMALILAND la soo geliyay shabakadaha oo ah wixii ka dambeeyay 10.2.2016, waxaa koobi ku wada sameeyay oo keliya shabakada Somalidu ay leedahay oo iminka magaca labada wariye ku caan bixiyay GOOGLE.

 

Iminka aan eegno shabakada ay isku bahaysteen URURKA WARIYAASHA SWEDEN oo la yiraahdo "Swedish Union of Journalists"JOURNALIST FORBUNDET" waxaa xubin ka ah isla markaana ka diiwaan gashan shaqsi walba oo bartay ama ka shaqeeyaa warbaahinta SWEDEN ama SWEDISH ah oo isla wadankaa wax ku bartay oo ku nool wadan kale.

 

Si aan u xaqiijino qaabka shabakada dusha ay u shaqeyso,waxaan ku qorayaa wariyaha caanka ah ee Dawit Isaak oo Swedish-Eritrean ah isla maraakana aad looga yaqaano wadanka SWEDEN, oo ilaa 2011 u xiran dowlada ERITAREEYA oo ku eeday in uu basaas u yahay Sweden.

https://www.sjf.se/sok?fulltext=Dawit+Isaak

 

Ka dib aan isla eegno labada wariye eePeter Wolfson & Greta Backstrom,inagoo isla shabakadii isticmaaleyna.

https://www.sjf.se/sok?fulltext=Peter+Wolfson

 

https://www.sjf.se/sok?fulltext=+Greta+Backstrom&=

 

Shabakada warkan soo tebisay waa KENYAMEDIA.NET,iyadoo luqadda lagu qoray ee Ingiriiska uu yahay kan barigga Afrika laga barto oo gebi ahaan ka duwan Ingiriiska wadamada SCANDINAVIANKA looga hadlo isla markaana laga qoro, eeg sawirrada hoose:

Sawirka hoose waa qaabka SCANDINAVIAN ENGLISH loo qoro.

 

 

Sawirka hoose waa qaabka EAST AFRICA ENGLISH loo qoro.

 

 

Taariikhda labada wariye waxay ku bilaabatay isla markaana ku dhamaatay qoraalka SOMALILAND iyo ALSHABAAB.

 

 

 

 

 Peter Wolfson & Greta Backstrom waa magacyo la alifay oo been abuur ah,qoraalka waxaa laga diyaariyay wadanka KENYA,iyadoo shaqsiga qoray aan magiciisa isticmaalin,mar wan la xiriirnay The Kenya Union of Journalists (KUJ) oo ah ururka ay isku bahaysteen warbaahinta Kenya ay inoo sheegeen in magacyada Peter Wolfson & Greta Backstrom aan ka diiwaan gashneyn ururkooda isla markaana qoraal ay wadankan ka diyaariyeen ee luqadda Ingiriiska ah aan weli arkin.

Arimaha qoraalka la yiri waxaa diyaariyay labada wariye waxba kama jiraan,taasoo aad ku aragteen waxyaabihii aan  soo bandhignay.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

ABDI OOG/ABUKAR AWALE IYO SOLA ISKU DHACOODA HALKUU KA BILOWDAY?

$
0
0

Asxaab badan oo baraha SOCIAL MEDIA ayaa waxay iga codsadeen in aan u soo bandhigo siday wax ku bilowdeen iyo meesha layskala qaaday, runtii dad badan way ku jahawareereen oo waxay isku dayeen in arintaan ay uga hadlaan si daacadnimo ah oo cadaalada waafaqasan, laakiin waxay fahmi waayeen yaa DHAGAX TURRIDA bilaabay iyo qaabkee laysugu jawaabay,nasiib wanaag wixii COMPUTER lagu soo qoro waxay marwalba wataan oo aan laga been sheegi karin SHAABAD iyo meeshii hore loogu soo qoray hadii aan laga saarin, saa awgeed shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa sida ay ku bilowdeen arimahan foosha xun ee ABDI OOG/ABUKAR AWALE uu ku kacay oo wada qabsatay dhamaan baraha bulshada.

Sidaan hore idinku qeexay ABDI OOG wuxuu UNFRIEND Facbeook iga dhigay waqti aad u fog oo aan dhihi karo waxaa laga joogaa dhow sano,waxaa is weydiin leh muxuu UNFRIEND kaaga dhigay? jawaabta waa sawirka hoose oo aan soo geliyay bartayda aan ku leeyahay Facebook.

 

Sidaa awgeed maba isku aragno Facebook,sheekada iminka cirka isku shareertay waxay bilaabatay 2dii Janaayo 2018, xili uu IBRAHIM BAAFO soo qeybiyay ama SHARE gareeyay VIDEO isaga iyo ABDI OOG /ABUKAR AWALE ay isaga duubeen XAMAR iyagoo daba ordaya GAARI QAAD ka buuxo.

 Qoraalkeyga iyo Videowga wuxuu ahaa sida aad dusha ku aragtaan "BAAFO IYO ABUUKAR CAWAALE MAXAA KA QALDAN?" MACBUUDKOOW!, dad aad u farabadan ayaa COMMENTS ka bixiyay oo ay ka mid ahayd FANAANADA AMINA SINDACO oo isla COMMENTIGII ay bixisay uu ugu jawaabay ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE sidaad sawirka dusha ku aragtaan wuxuu 3 JANAAYO 2018 15:22 SOMALI TIME uu bixiyay COMMENT CUNSURI iyo AF-LAGAADA ah oo uu ku caynayo xaaska ABDINASIR ISMAIL.

Shabakada solaportal.com oo ah mid aan ku qoro INVESTIGATION nooc walba ah waxaan ka qoray faalo aad u dheer oo aan ku baaray taariikhda ABDI OOG! taariikhda iyo waqtiga si fiican u eega.

Baaritaanka aan ku sameeyay ABUKAR iyo QORAALKA AF-LAAGADADA uu soo qoray waxay kala dhaceen:

AF-LAGAADADIISA 3 Janaayo 2018 15:22 Somalia Time,qoraalka SolaPortal 3 Janaayo 2018 20:20 UK Time, xusuuso Somali iyo UK xiligaan waxaa u dhexeeya 3 SAAC.

Qoraalka SolaPortal oo aad ka eegi kartaan HALKAN. waxaad ka dhex eegtaan CAAY ama AF-LAGAADO loo geystay ABDI OOG.

Ka dib waxaa arinta soo dhex galay shaqsi labadeenaba saaxiib nala ah oo rabay in uu xaalka dejiyo, FACEBUUGIISA ayuu sawirka hoose soo dhigay, waad aragtaan jawaabaha uu ka helay ABDI OOG.

Bal qoraalkii SolaPortal ku laabto oo ka soo saara meel ay ku qoran tahay CAAY loo geystay ABDI OOG/ABUKAR AWALE!

Ka dib waxaa ku xigay CODKII aad wada dhegaysateen ee FACEBOOK aan soo dhigay oo sida sawirka hoose aad ku aragtaan uu iigu soo dubbay FACEBOOK MESSENGER KHAMIIS 4.1.2018 : 17:34.

Ka dib VIDEOWGII uu is lahaa ABDINASIR ku biiqso markii aan reer FACEBOOK u soo bandhigay, xaalkii ayaa ku adkaaday oo wuxuu soo qoray GOODIN iyo GACMAHAAN ka hadlayaa.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu AF-LAGAADO aad u foolxun kula kacay QOYSKEYGA kaasoo isugu jira CUNSURINIMO iyo isagoo qoyskeyga ku tilmaamay in aan MUSLIM ahayn, waxaan idin xaqiijinayaa kuwa waaweeyn iska daayee saqiirka 6 da sano jira INTA UU TUKADAY ama MASAAJID uu tagay aanu ABDI OOG tegin.

Su'aasha kale waa MA COD BAAN KA DUUBAY? MAYA, sharciga UK si fiican ban u aqaan, laakiin nasiib wanaag isagaa ii soo duubay, sababta aan usoo dhigey FACBOOKNA waa in umadda ay arkaan shaqsigan dhaqankan SOMALIDA aan lagu aqoon la soo baxay.

Hadalka uu ii soo duubay iyo qoraalkiisa dusha si fiican u eeg, wuxuu isku dayey in dadka uu ka dhaadhiciyo in ABDINASIR uu af-lagaadeeyay XAASKIISA, weligay DUMAR iska daayee RAG xitaa ma af-lagaadeeyn, cidii haysa cadeyn fadlan soo dhiga barteyda FACEBOOK.

Xaalkii marka uu ku xumaaday wuxuu isku dayey in uu SUUQA soo geliyo, ABDINASIR baa dad igu soo diray oo waa la ii GOODIYAY, ma ogeyn in QAAD WALAYAASHA Muqdisho ay ii shaqeeyaan.

Ka dib ABDI OOG/ABUKAR AWALE cadaadis xoog leh ayaa meel walba kala soo dirsay UK ilaa iyo SOMALIYA,iyadoo anigana la iga codsaday in aan arinta dejiyo.

Aniga codsigeyga waxaan iri waxaan GARTA saaartay dhamaan Somali weyn, hadii aan qalad galay waxaan balan qaaday in aan FACEBOOK LIVE ah ku RAALI GELIYO,laakiin markii uu ogaaday in xaalku uu ku xun yahay ayuu wuxuu bartiisa FACEBOOK soo dhigay qoraal uu islahaa waa RAALI GELIN, laakiin ah ah mid QIIQ isku qaris ah.

 

Tan waa dhereg dhacsi, ninka raga ah hadii uu qalad galo waa in uu RAALI GELIN 100% aan geed loogu soo gaban uu bixiyaa, laakiin HEBEL WAAN CAFIYEY iyo REER MUDUG baan ahay waa JEES-JEES iyo dhereg dhacsi.

Aniga ABDINASIR ahaan sidaan hore u sheegay hadii la iga gar helo waxaan diyaar u ahay in 100% RAALI GELIN VIDEO ah aan duubo, laakiin CADAADIS weligay kuman shaqeyn mana dheceyso in arinaan ay halkan ku dhamaato.

Ugu dambeyn maxaa ii banaan? wadanka UK oo aan ku wada nool nahay sharci baa lagu kala baxaa, ma jirto GACAN KA HADAL iyo AK47 laysku tuuro, aniga qorshaheyga dhanka sharciga oo hore aan u sheegay waa ii diyaarsan yahay, hadii ay ahaan lahayd JAAMACADIHII lacagta deeynta ahayd laga qaatay oo aan la dhigan, shaqooyinka been abuurka iyo lacagaha dowlada aan loo sheegin, sidaa awgeed RAGU haday is baranayaan.

ABDI OOG qoyskiisa waxba igama galabsan, lagamana yaabo qoys arimahooda in aan galo, laakiin waxaa igu balan ah in mar dambe aanu qof kale qoyskiisa ku af lagaadeeyn SOCIAL MEDIYAHA.

Dhamaan asxaabta aqrisay qoraalkan idinkaa GARSOORKA la idiin dhiibay, aniga weli albaabkeyga waa furan yahay, hadii uu RAALI GELIN 100% bixiyo sheekada halkan ayay ku dhameenysaa, hadii kale xaalku waa BARIGA DHEXE.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

WAA AYO ABUUKAR CAWAALE AMA ABDI OOG YAASIIN? SOLA INVESTIGATES: UPDATED FEBRUARY 2024

$
0
0

Shabakada SolaPortal waxay baaritaan dheer oo ay soo codsadeen qaar ka mid ah aqristayasheeda ay ayaamahan ku waday shaqsi bulshada Somaliyeed ee dalka iyo dibada aad looga yaqaano oo ku soo caan baxay markii uu yiri waxaan ahay shaqsigii ka joojiyay wadanka Boqortooyada UK, cunida iyo ka ganacsiga maan dooriyaha qaadka, taasoo runtii ahayd mid runta ka fog oo dad badan ay aamini kari waayeen, sidaa awgeed shabakada baarista SolaPortal waxay baaritaan dheer ka dib ay idin soo bandhigeysaa taariikhda kooban ee Mr Abukar Awale ama Abdi Oog Jaamac Yuusf oo ah magaca uu ku dhashay isla markaana Yurub uu ku soo galay, ka dibna uu bedelay Abukar Awale markii uu u soo haajiray wadanka UK bilowgii 1996 dii.

Ugu horeyn ABUKAR AWALE/ABDI OOG YAASIIN wuxuu qaxooti ahaan u yimid magaalada Tampere oo ku taala Koonfurta Finland oo ay ku noolyihiin Somali aad u farabadan oo 90 meeyadii QAXOOTI ahaan u soo galay wadanka Finland.

ABUKAR magaciisa rasmiga ah waa ABDI OOG YAASIIN JAAMAC, kaasoo ahaa kii uu ku dalbaday qaxootinimada wadanka Finland, waqtigii 90 meeyadii waxaa Finland ku soo qul-qulayey Somali aad u tira badan oo ka soo haajirtay dagaalkii sokeeye ee wadanka ka qarxay, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii degtay magaalada Tampere, shaqsi aad ay isugu dhoweeyaan isla markaana la degenaa ayaa SolaPortal u sheegay in ABUKAR AWALE/ABDI OOG aan dugisyada luuqada iyo waxbarashada kale gelin oo isku ahaa shaqsi iska dhalinyareeya oo waqtigiisa inta badan ku qaatay baashaalka dhalinyaranimo iyo balwado kala duwan oo xiligaa caadi ka ahaa Finland.

Abukar AWALE/ABDI OOG taariikhdiisa Tempere ma ahan mid uu ka hadlo ama uu doonayo in dadka kale ay ogaadaan, sababtuna ah xiligaa aad ayuu u dhalinyaraynayey oo ay soo foodsaareen arimo aad u adag, dhamaadkii 1995 isaga iyo dhalinyaro Somali ah waxaa lagu qabtay iyagoo BOOB ama ROBBERY ku sameynaya meel QAMAAR lagu cayaaro oo ku taala qeybta qadiimka ah ee Magaalada Tempere, taasoo keentay in bilowgii 1996 uu ka soo dhuunto isagoo maxkamad ay u taalo, xiligii uu ku noolaa wadanka Finland waxa u wanaagsan ee uu ka sameystay waxay ahayd dhalashada wiilkiisa oo uu ka dhalay gabar Finish Cadaan ah, Wiilkaas iminka waa 23 jir ah, Abukar Awale/Abdi Oog  inta badan kama hadlo taariikhdiisa FINLAND iyo tan ubadkiisa.

Arimo kale oo ku qabsaday ayaa jirta wadanka Finland, laakiin shabakada SolaPortal waxay door biday in aanu ka hadlin, waayo waa arin dad kale oo shaqo aan ku lahayn qoraalkan ay saameyn ku yeelan karto.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu u soo guuray wadanka UK magaalada London, isagoo ahaa shaqsi MUQAYAL ah oo marar kala duwan jebiyay sharciyada wadanka UK, tusaale ahaan dhamaadkii 2014 waxaa lagu qabtay isagoo gaari aan sharci iyo caymis lahayn wata, taasoo sababtay in waqti aad u fog laga mamnuuco wadista gaariga, isla xiligaa waxaa 4 jeer MINDI caloosha ka geliyay nin ay MARFISH ku yaala Galbeedka London isku dagaaleen.

ABUKAR AWALE/ABDI OOGoo dhibaatooyinka uu kala kulmay UK wareysi dheer ka siiyay DAILY MAIL oo ah jaraa'idka wadanka Ingiriiska ugu weyn, RIIX LINKIGA hoose:

Linkiga lagu wareystay riix   HALKAN:

 

ABUKAR AWALE/ABDI OOGwuxuu bartiisa FACEBOOK soo geliyay in uu wax ka bartay jaamacada London ee Metropolitan University oo ku taala Waqooyiga London, isagoo sida uu sheegay ku taqasusay Community leadership & Development at London Metropolitan University.

SolaPortal oo tiigsaneysa sharciga XORIYADA MACLUUMAADKA ama FREEDOM OF INFORMATION ACT 2000, waxay Jaamacada si sharciyi ah uga codsatay shaqsi la yiraahdo ABDI OOG YAASIIN ama ABUKAR AWALE macluumaadkiisa, xiliguu wax ka bartay iyo qalin jebintiisii, jawaabtii aan helnay waxay ahayd "THERE IS NO RECORD OF GRADUATION" shabakada SolaPortal.com oo ilaalineysa sharciga "DATA PROTECTION ACT" ee ilaalinta aqbaaraadka shaqsiga u qaaska ah, waxaan soo bandhigi kari weynay macluumaad aqristayaasha ay la yaabi lahaayeen oo sharciga UK uu noo diiday.

Qoraalka SolaPortal markii uu arkay ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu is yiri is difaac, ka dib wuxuu bartiisa FACEBOOK soo dhigay Statement of Attendance" ! xusuuso wuxuu ilooway qoralkiisa hore ee ahaa STUDIED ama WAX KU BARTAY.

Bal hadii ay jirto JAAMACAD aduunka ku taala oo SEPTEMBER ilaa JANAAYO DEGREE laga qaato nala wadaaga.

"XUSUUS" maalmaha dambe ee DECEMBER iyo Asbuuca koowaad ee Janaayo" JAAMACADAHA UK way xiran yihiin!.

Qoraalka markii uu hawada soo galay ka dib, waxaan helnay macluumaad muhiim ah oo inoo xaqiijiyay in ABDI OOG/ABUKAR AWALE sababta uu isaga qoray isla markaana 3 bilood keliya uu u tegay ay ahayd helida "STUDENT LOAN ama DEYNTA ARDEYDA" oo ahayd lacag u dhiganta 14.000 USD, oo ardeyda la deemiyo si ay waxbarashada ugu fududaato, sanadadii dambe waxaa la arkay arday is qorta Septemper oo markii lacagta ay u soo dhacdo oo ah bilowga Janaayo isaga taga waxbarashada, iyadoo dant ugu weyn ay tahay lacagta deynta ah.

Shabakada SolaPortal iyadoo isticmaaleysa sharciga Freedom of Information Act 2000, waxay EMAIL u dirtay shirkada bixisa DAYNTA ARDEYDA ama STUDENT LOAN ee SLC "Student Loans Comapny"in ay u soo gudbiso macluumaad la xiriira lacag ay deymisay ABDI OOG/ABUKAR AWALE sanadadii 2010/2011 si uu wax uga barto London Metropolitan University, taasoo hadii ay ku cadaato XABSI iyo GANAAX weyn uu ku dhici doono, inshallah aqbaaraadka markaan helno shabakada SolaPortal ayaan soo dhigi doonaa.

Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE hadii aan ku yara xasuusiyo xiliga aad tiri waxaan wax ka baranayey JAAMACAD ku taala WAQOOYIGA LONDON, waxaa wax ka baranayey isla markaana ka QALIN JEBIYAY SHAQSI KALOO SOMALI AH si fiicana aad u taqaanid!

JAAMACADAHA UK markii aad ka qalin jebesid waxaa lagu gudoonsiinayaa shahaadooyin noocan hoose ah oo ay la socdaan dhamaan taariikhda waxbarashadaada.

 

Wadanka UK, RECORD ayuu leeyahay oo ma oran kartid JAAMACAD hebel baan ka qalin jebiyay.

 


 

Taariikhda joojinta KHAADKA ee UK

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu sanadkii 2006 bilaabay ol-olaha ka soo horjeedka cunista iyo ka ganacsiga qaadka, wuxuuna ka qeyb galay kulamada jaaliyadaha UK iyo YURUB, xiligaa oo dadka inta badan ay barteen magacan cusub ee ABUKAR AWALEoo lagu magacaabo shaqsi ku nool wadanka USA gobolka OHIO, kaasoo ah magaca uu ku joogo wadanka UK.

Taariikhda la dagaalanka muqaadaraadka QAADKA UK way ka horeysay ABDI OOG/ABUKAR AWALE, waxaa waday dad Somali ah oo ku nool wadanka UK, aqri qoraalka hoose oo aan dhowr sano ka hor ka diyaarayay arimahan.


 

Qoraalka aan ka diyaariyay ABDI OOG sanadkii 2016 wuxuu ku bilowday sidan:

Abukar Awale marar buu iloowaa MUGIIISA iyo magaca uu ku leeyahay bulshada Somaliyeed,taasoo uu kaga duwan yahay dadka caadiga ah ee aan la aqoon,waxaa muhiim ah in uu marwalba xusuusto in hadaladiisa iyo ficilkiisa meel dheer gaaro.

Mr Awale waxaan aqaanaa waqti aad u dheer ma ahan shaqsi xun ama dhib badan,arimaha qaadkana waa mid uu geliyay waqtigiisa iyo maalkiisa,runtiina dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa ku taageersan.

Abukar waxaa lagu tilmaami karaa "Loose Cannon" oo micnaheedu yahay "an unpredictable or uncontrolled person who is liable to cause unintentional damage" qof aan laysku halayn karin,aan is maamuli karin,mar walbana waxyaabaha uu ku dhaqaaqo dhibaata keena isagoon ugu tala gelin"

Mr Awale aad baan u taageeraa ilaa iyo hada,waxaa jirta VIDEO aan ka sameeyay waqti hore,anigoo ku amaanay in uu yahay,"HERO OF MANY" ama "GEESI DAD BADAN" hoos ka daawo.

Ugu horeyn Mr Awale QAAD kama joojin wadanka boqortooyada UK!,hadii uu yiraahdo waan ka joojiyay ha soo badhigo qaabka uu u joojiyay,wadanka Ingiriiska muqaadaraadka looma joojiyo qof ayaa mudaaharaad sameeyay ee waa wax waqti dheer la baaro isla markaana la ogaado dhibaatooyinka uu bulshada,ka dib barlamaanka ayaa ka dooda oo sharci ka soo saara.

Arimaha la dagaalanka Qaadka waxay bilowdeen waqti aad u fog,xiligaa Abukar Awale wadanka Ingiriiska kuma noolayn,waxaa arimahaa waqti ku dhow 20 sano daba socday Mr Mohammed Dualeh oo ka bilaabay Somali Youth Association  Butetown, magaalada Cardiff ee wadanka Wales,RIIX HALKAN:

Arimahan waxaa si wadajir ah u bilaabay jaaliyaddaha YEMEN iyo SOMALIDA ku nool CARDIFF,sidaa awgeed hadii Mr Awale uu yiraahdo aniga ayaa bilaabay isla markaana mamnuucay QAADKA,taa runta way ka fogaaneysaa.

Abukar Awale waxaa lagu xiray JABUUTI iyo SOMALILAND,isagoo isla waqtigaa laga joojiyay in uu ka qeyb galo shirarka qaad joojinta,hoos ka dhegeyso isagoo xabsiga ku OOYAYA.

ABDI OOG wuxuu caan ku yahay in aanu xukumi karin hadalada afkiisa ka soo baxa, DAAWO VIDEOWGII gefka weyn ahaa ee SOMALI BANTU.

Waxyaabaha kale ee ABUKAR AWALE lagu arkay waa isagoo ADKEYSIGIISU aad u yaryahay oo qofkii ra'yi ka duwan u soo bandhiga uu hore BLOCK FACEBOOK AMA UN-FRIEND KA DHIGA saaro,eeg sawirada hoose:

 

Waqtiyadan dambe Abukar Awale waxaa lagu arkay isagoo ka baxay arimaha ololaha qaad joojinta,taasoo taageerayaashiisa ay u arkeen in uu yahay shaqsi aan xamili karin magaca uu bulshada Somaliyeed ku leeyahay,tusaale ahaan bilowgii sanadkan xili ay socdeen dagaaladii PUNTLAND iyo AL-SHABAAB,qoraalo uu FACEBOOK soo dhigay Mr Awale, runtii dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa arimaha uu ku dhaqaaqay u cuntami weyday,eeg sawirad hoose:

Dad badan ayaa ka carooday qaabka uu gabdhaha u wareyso marka uu leeyahay QALANJADA ama QAADKA,waxyaabo waxaa jira aan laga hadlin hadii la eego dhaqanka Somaliya,laakiin hadii aad tiraahdid nimanka JAADKA cuna SARIIRTA kuma wanaagsana ama wax ma taraan,taasi waxay dabooleysaa arimiha ololaha joojinta qaadka,daawo clipka hoose:

Dhanka kale Abukar Awale wuxuu inta badan ka hadlaa in KENYAATI iyo SOMALI ay u hanjabeen oo la yiri waa lagu DILAYAA!,runtii ma jiro qof raba in Abukar uu dilo,waa maxay sababta loo dilayo? Abukar Awale QAAD kama joojin KENYA,ra'yi ahaan waxaa fiicnaan lahayd in uu iska dhaafo hadalada faraha badan ee uu ku leeyahay waa la ii HANJABAY oo in la i dilaa la rabaa.

 

Markii uu ku soo caan baxay warbaahinta waxaa soo kordhay in uu yeesho CADOW aad u farabadan oo ku eeday in uu yahay QABIILISTE, iyadoo laysku dayey in codkiisa la bedelo, shabakada SolaPortal.com way difaacday ABDI OOG/ABUKAR AWALE. dhegeyso CODKA la yiri waa ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

Ka dib waxaa shabakada SOLAPORTAL.COM soo gaaray VIDEO la yiri waxaa laga duubay PALTALK 2001 oo shaqsi la magac baxay WIIL SADE uu af-lagaadeynayo QABAA'ILO aad u farabadan,hoos ka daawo.

 

Waxaa kale oo shabakada SolaPortal soo gaartay aqbaar aan weli xaqiijin oo ku eeday Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE in uu sameeyay lacag ururin farabadan oo ilaa iyo hada aanu xaqiijin sida loo isticmaalay, tan arimaheeda weli la daba socdo waa LACAG URUURINTII GO FUND ME.

 

ABDI OOG/ABUKAR AWALE markii ugu horeysay ee aan arko waxay ahayd xili uu baadi goobayey shaqa barad ama work experience uu u soo doontay UNIVERSAL TV, ka dib wuxuu isku dayey in uu furo TV la magac baxay SOMALI CHANNEL oo socon waayey, ka dib markii uu soo celin waayey lacag uu ka amaahday Bangiga BARCLAYS.

Sababta looga xiray oo ahayd isagoo ku noolaa guri dowlada ay siiso dadka danyarta ah oo aan shaqeyn, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ahaa shaqsi 20 sano ku noolaa cayrta dadka jiiska ah la siiyo.

 

 

Intaa ka dibna waxaan lagu arkaa TVyada Somalida ee ka hawl gala magaalada London, isagoo inta badan ka shaqeysta dhanka XAYEEYSIINTA DUKAAMADA iyo SHAQSIYADAHA leh ganacsiyada kala duwan.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu aad u jeclaa in loo aqoonsado in uu yahay shaqsigii JAADKA ka joojiyay UK, laakiin sidaad ku aragteen qoraalada dusha arintaa waa mid runta ka fog oo cid walba ay ogtahay, iminka waxaa aad loogu yaqaanaa CAAYDA SOCIAL MEDIYAHA oo noqotay mid sumcadii uu sameystay ku burburiyay.

ABUKAR AWALE/ABDI OOG JAMA arntan baaritaanka ah waxay ku bilaabatay markii uu u gefay isla markaana BARAHA BULSHADA ku af-lagaadeeyay qoyska ABDINASIR ISMAIL "SOLA" oo aan wax ka galabsan, AQRI QORAALKAN: Riix Linkigan

Qoraalkan iyo baaritaan dhanka dhaqaalihiisa, guriga dowlada ee uu ku noolyahay, caydha curiyaanimada ee uu qaato, lacago farabadan oo Bank caan ah uu kala fakaday markii aan soo bandhignay ayuu RAALI GELIN LIVE ah uu sameeyay, halkan ka daawo:

Ka dib heshiis ayaa dhacay, lkn 8 bilood ka dib markale wuxuu af-lagaado ku bilaabay reerka SOLA, qaas ahaan wiilkiisa ELIAS oo 7 jir ahaa.

ABDI OOG JAMA/ABUKAR AWALE iminka waxaa looga baahan yahay in RAALI GELIN buuxda markale uu siiyo reerka ABDINASIR ISMAIL, hadii kale waxaan soo bandhigi doonaa aqbaaraad kuwan ka weyn inshallah.

Ugu dambeyn waxaan qoraalka ku soo af-jarayaa in shaqsi walba oo magac ku leh bulshada uu leeyahay taariikh aan qarsoomin oo macluumaad walba si fudud loo heli karo hadii wado sharci ah loo maro, waxaan kaloo aqristayaasha SolaPortal ee soo codsaday taariikhda ABDI OOG/ABUKAR AWALE u sheegayaa in macluumaadkiisa intaa ka sii weyn tahay oo aan lagu soo koobi karin hal qoraal oo laga diyaariyo, muhiimad ugu weyn ee qoraalka wuxuu ahaa in marwalba codsiga aqristayaasha faraha badan ee ku xiran shabakada aan tix gelino, iyadoo la tix gelinayo shaqsiga baaritaanka lagu wado.

SolaPortal.com waa shabakada keliya si PROFESSIONAL ah u sameysa baaritaan ay la socdaan xaqiiqada, hadii ay ahaan lahayd sawiro ama VIDEO, mar walbana waxaan fursad siinaa shaqsiga ay quseyso hadii uu doonayo in qoraal jawaab ah shabakada u soo diro si aan u soo gelino wixii qalad ahna aan saxno ama raali gelin ka bixino.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

Viewing all 99 articles
Browse latest View live