Quantcast
Channel: ICg
Viewing all 99 articles
Browse latest View live

DOORASHADA SOMALILAND IYO FAKE NEWS ! SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Doorashada dib u dhacday oo lagu wado in la qabto 2017 ee Somaliland waxaa lagu arkay waxyaabo cusub oo iminka siyaasadaha aduunka ku soo batay,waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka DONALND TRUMP uu guusha ku helay FAKE NEWS ama WAR BEEN ABUUR AH,taasoo inta badan dadka aqoontooda ay yartahay si fudud ku aamini kara,waxaa soo batay FAKE NEWS oo inta badan lagu arko baraha SOCIAL MEDIA,iyadoo xiliyadan dambe laga gudbay warbaahintii hore ee jaraa'idyada,TVyada iyo Radio,arimahan waxay saameyn xoog leh ku yeesheen sida aqbaaraha loo helo waqti walba,waa 24 hours news,dhowr maalmood ka hor wasiirka arimaha dibada ee Pakistaan Khawaja Muhammad Asif ayaa jawaab uu ku bixiyey barta TWITTER ku qoray in PAKISTAAN ay u isticmaali doonto hubka Nukliyeerka ah wadanka Israa'iil,taasoo markii dambe la xaqiijiyay in ay ahayd FAKE NEWS ama aqbaaraadka aan sal iyo raadka lahayn.

 

Shabakada aduunka ugu weyn ee qorta FAKE NEWS waahttp://abcnews.com.co taasoo isticmaasha astaanta ama logo ay leedahay warbaahinta caalamiga ah ee ABC,dad aad u tira badan ayaa aqriya isla markaana run u qaata.

Iminka arimaha FAKE NEWS waxay saameyn ku yeesheen doorashada SOMALILAND ee 2017,iyadoo baraha SOCIAL MEDIA la soo dhigo warar aan waxba ka jirin iyo sawirro PHOTOSHOP ah oo si aan professional ahayn laysugu dhejiyay.

Jaraa'idka THE STAR oo isla markaa lagu daabaco ONLINE waa mid TABLOID ah oo inta badan qoraalada ay soo daabacaan aan ahayn kuwa la aamino karo ama ay soo qoreen PROFESSIONAL JOURNALIST,waxaa bishii December 2016 lagu soo daabacay qoraal TITLE looga dhigay:

Somaliland Pushing For Reunion With Somali After 25 Years Of Division

Waxaa kale oo la soo raaciyay sawirro kala duwan oo qaarkood si PHOTOSHOP ah laysugu soo dhejiyay.

Ugu horeyn bal aan isla eegno sawirrada la yiri waxaa wada galay labada mas'uul ee CIRRO iyo SHARMAARKE.

 

Si fiican indhaha ugu qabo qaabk uu CIRRO u fadhiyo waa UNNATRUAL ama si caadi ah oo qof-qof kale la hadlaya uma fadhiyo,tan kale oo xaqiijineysa 100% waa midabyada CAD ee PHOTOSHOPKA lagu sameeyay oo shaqsigii sameeyay ilaaway SMOOTHING PHOTOSHOP BRUSH oo ka dhigi lahaa mid la aamini karo.

Iminka eeg sawirka hoose oo ah midka SAXA ah oo ay isla fadhiyaan Mudanayaasha CIRRO iyo XIRSI.

Sawirka dusha waxaa laga jaray Mudane XIRSI,hadii aad eegtid qaabka uu u fadhiyo CIRRO iyo meesha uu ku sugan yahay waxaa laysku dayey in PHOTOSHOP lagu bedelo markii la yiri shir albaabada u xiran ayuu SHARMAARKE la qaatay.

 

Waxaa ka sii daran sawirrada jaraa'idka THE STAR ee KENYA u isticmaalay qoraalka uu yiri, wuxuu ahaa kulankii CIRRO iyo SHARMAARKE

 

 

Bal si fiican u eeg dharka ay xiran yihiin iyo sawirkii laysku dhejiyay ee CIRRO iyo SHARMAARKE.

 

Qoraalka BEEN ABUURKA ah waxaa ka sii daran sida dad qaarkood oo mas'uuliyiin ah ay u aamineen,taasoo ku tuseysa sida FAKE NEWS qof walba uu u rumeysan karo,daawo ENG FAYSAL CALI WARAABE oo arintaa ka hadlaya.

 

BEENTA sida ay GOOGLE ugu faafto isla markaana dadka maan gaabka ah ay u aaminaan eeg sawirka hoose:

 

Waxaa kale oo shabakada SOLAPORTAL soo xaqiijisay in qoraaga maqaalkan been abuurka ah ee la yiraahdo LEWIS NYAUNDI uu yahay shaqsi FREE LANCE ah oo ku shaqeysta qaabka loo yaqaan PAY-AS YOU GO oo wixii lacag lagu siiyo waxay ahaadaanba qoraal ka soo qora

Shabakada SOLAPORTAL waxay isku dayday in bartiisa TWITTERKA ay kala xiriirto,dhowr saacadood ka dibna wuu masaxay ama DELETE ku sameeyay TWITTER ACCOUNT,eeg sawirka hoose:

 

Ka dib qoraalkii BEEN ABUURKA ahaa hawada ayaa laga saaray,iyadoon wax raali gelin ah ka bixin,eeg LINKIGA iyo SAWIRKA hoose:

LINKIGA laga saaray shabakada THE STAR HALKAN RIIX

 

Shabakada SOLAPORTAL.COM waxaa u suura gashay in ay si fudud ku helaan QORAALKA laga saaray,inagoo isticmaalnay GOOGLE CACHE oo ah saanta qoraalada u keydsan GOOGLE ee aan la tirtiri karin,eeg sawirka iyo LINKIGA hoose:

 

 

LINKIGA GOOGLE CACHE ee shabakada THE STARHALKAN RIIX

 

LEWIS NYAUNDI (Shaqsiga lacagta ku qaatay qoraalka been abuurka ah)

Baaritaan aad u dheer ka dib shabakada SOLAPORTAL waxay soo ogaatay in aan waxba ka jirin kulankaan la yiri waxaa lagu gorfeeyay mustaqbalka SOMALIYA iyo SOMALILAND,waa FAKE NEWS oo iminka inta badan la isticmaalo waqtiyada ay dhici doonaan doorashooyin muhiim ah sida kuwa SOMALILAND iyo SOMALIYA,ma dhici kartaa Mr CIRRO iyo Mr SHARMAARKE in ay si lama filaan ah ugu kulmaan HOTEL Kenya ku yaala?TABCAN wax walba way dhici karaan,laakiin qoraalka THE STAR iyo warbaahinta kale ee SOMALILAND waxyaabaha ay ka qoreen CIRRO iyo SHARMAARKE waxba kama jiraan 100% waa FALSE.

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"
 
Professor of Electrical Engineering and Computer Science
 
La xiriir: info@solaportal.com

 

 

 


DUTCH WOMAN WITH TWO BRITISH CHILDREN TOLD TO LEAVE UK AFTER 24 YEARS

$
0
0

A Dutch woman who has lived in the UK for 24 years, and has two children with her British husband, has been told by the Home Office that she should make arrangements to leave the country after she applied for citizenship after the EU referendum.

 

The story of Monique Hawkins highlights the practical difficulties faced by millions of EU citizens concerned that they will not have the right to stay in Britain post-Brexit.

 

Hawkins had considered applying for citizenship before but decided not to as it did not confer any rights beyond her current EU rights. However, after the referendum she changed her mind, fearful that those rights would be diminished after Britain leaves the EU.

 

European citizens marrying Britons do not automatically qualify for UK citizenship under current rules and Hawkins was concerned that if she did not apply she would be forced “to join a US-style two-hour immigration queue” while the rest of her family “sail through the UK passport lane”.

Hawkins said the Home Office had overlooked vital information in her submission – she was unable to supply an original of her Dutch passport because her father had recently died and she needed her passport to continue to travel to the Netherlands to support her mother.

However, the department not only rejected her application but sent her a letter which took no account of her right to be in the country irrespective of their decision. “As you appear to have no alternative basis of stay in the United Kingdom you should now make arrangements to leave,” the letter said.

When she phoned the Home Office to discuss the decision communicated to her in October, four months after her application, she was told her case could not be discussed on the phone or by email. Hawkins said her treatment by the Home Office was as absurd as a “Monty Python” sketch.

In a written complaint, Hawkins said the worst aspect about the process was the inability to contact anyone. She wrote: “I do not believe there is any other business, organisation or even legal process in the world that would treat its customers/clients/applicants in this manner.”

The software engineer, from Surrey, said she never once thought she would be deported but said her experience highlights the absurdity of the Home Office permanent residency process.

She was told that under the rules she could not talk to anyone about her case and after making her written complaint she received a letter saying her complaint did not qualify as a complaint under Home Office guidelines.

She also protested that while the Home Office would not discuss her case with her personally, it was willing to respond to her MP Dominic Raab, who intervened on her behalf.

She has now written to appeal, but says in her complaint: “I am now left totally in limbo. I do not know how long to wait for a reply. I do not know whether my application will be reopened or not.”

She was told the reason for the rejection was because she had not included her original passport.

In her complaint, Hawkins points out that she included a solicitor-approved photocopy of her passport – which is permissible under the rules – plus a covering letter to explain why she could not be without her passport for the four to six months it takes to process.

She said the application form included a box for reasons for not including a valid passport as long as it was due to circumstances beyond your control. “Clearly my father dying did not qualify in the Home Office’s eyes as beyond my control,” said Hawkins.

Hawkins’s complaint also states that her covering letter for her original application said that she would provide her original passport once the case worker assigned to it needed to see it.

“I had a massive shock following the referendum. I felt very stressed and suddenly felt walking down the street that the place didn’t want me any more. That feeling began to subside, but I thought I should apply for citizenship.”

The application form, which includes a “flummoxing” requirement to list every absence from the UK in the past 24 years, took an entire weekend to complete, she said. “It is important to realise that in applying for permanent residency I am not gaining a right, I am only getting a document stating a right I already have,” she said.

Her husband, Robert, raised another issue: that Europeans married to Britons do not have an automatic right to citizenship. “As a British citizen, I had the expectation that marrying someone from abroad would automatically give them the right to become a British citizen. That seems to be the case unless your wife happens to come from the European Union,” he said.

Hawkins, who has resubmitted an application for permanent residency, said she believed her case drew attention to the “discrimination against EU/UK marriages”. The British spouse cannot sponsor their EU partner and the EU spouse has to apply on their own merits. If they have not worked and are supported by their spouse, they may not meet the selection criteria.

Source Guardian

 

 

 

SHARCIYADA CUSUB EE DONALD TRUMP UU KU DHAWAAQAY IYO SAAMEYNTA SOMALIDA! SOLA REPORTS

$
0
0

Tan iyo intii loo dhaariyay xafiiska aqalka cad ee Mareykanka,Donald Trump wuxuu soo saaray sharciyo aad u adag oo saameyn weyn ku yeelan doona dadka ajanabiga ah ee u soo haajira wadanka Mareykanka iyo qaxootigii laga soo daad gurayn jiray wadamada Afrika,Aasiya iyo jasiiradaha ku dhow Australia,is bedelkan uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka oo xilka la wareegay 20kii Janaayo 2017 waxay saameyn wayn ku yeelan doontaa Somali aad u tira badan oo ku kala nool isla wadanka USA iyo dad qaxooti ah oo sugayey in qoysaskooda ku nool Mareykanka ay ku biiraan,waxaa kale dowlada Mareykanka ay bilowday in ay musaafurin ku sameyso dad ku xirnaa dhowr sano xabsiyada wadanka USA oo iyagoo sharci leh dembiyo kala duwan ka galay wadankaas iyo dad kale oo magan gelyo siyaasadeed weydiistay USA oo dib loogu celiyay ama loogu celinayo Somaliya.

Sharciyo la yiraahdo EXECUTIVE ORDERayuu saxiixay madaxweynaha Mareykanka,isagoo inta badan ka dhabeeyay balan qaadyo uu sameeyay xiligii lagu jiray abaabulka doorashooyinka Mareykanka ee 4tii sanaba hal mar la qabto,Donald Trump wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Jamhuuriga ah oo iminka isu bedelay mid garabka midig oo xag jire ah.

Dhamaadka asbuuca soo socda aqalka cad ee laga xukumo wadanka USA wuxuu ku dhawaaqi doonaa sharci cusub oo la oran doono "KEEP AMERICA SAFE" oo isbedel aad u weyn ku sameyn doonaa dadka aan u dhalan wadanka Mareykanka iyo muhaajiriinta ka soo jeeda wadamada ay u badan yihiin Muslimiinta.

 

ENGLISH VERSION: Af Somali hoos ka eeg:

 

 

AF SOMALI

 

1- Joojinta Qaxootiga wadanka Suuriya waqti aan xad lahayn.

 

2- In dhamaan QAXOOTI wadan walba haka yimaadeen laga mamnuuco wadanka Mareykanka mudo 3 bilood ah,ka dib USA wuxuu aqbalayaa oo keliya QAXOOTIGA ay go,aanka si wadajir ah isaga kaashadaan,HOMELAND SECURITY,STATE DEPARTMENT iyo MAAMULKA NABAD SUGIDA.

 

3- Guud ahaan QAXOOTIGA loo ogolaan doono wadanka USA sanadka 2017 wuxuu ahaan doonaa oo keliya 50,000,madaxweynihii hore ee Mareykanka Barrack Obama wuxuu u ogolaa 11000 QAXOOTI ah in ay soo geli karaan USA.

 

4- Gebi ahaan waxaa laga mamnuucay in wadanka USA ay soo galaan Muhaajiriinta "immigrant" iyo dadka booqda,waxbarasha u taga,caafimaad u taga ama qoyskooda soo booqda "non-immigrantt" mudo 30 maalmood ah,wadamadaas waa CIRAAQ,SUURIYA,IIRAAN,SUUDAAN,LIIBIYA,SOMALIYA iyo YEMEN,dadka wadamada aan soo xusnay u dhashay ama wata laba jinsiyad waxaa hore looga mamnuucay in hadii ay wadamadaas u safraan 5 sano ka hor aan si toos ah u isticmaali karin VISA WEAVER program oo wadamo ay YURUB ku jiraan VISA la,aan ku geli jiray wadanka Mareykanka.

 

5- In wadamada qaarkood aan loo ogolaan DAL KU GALKA ama VISAHA,hadii ay ka horyimaadaan gudbinta macluumaadka ay dowlada Mareykanka ka codsatay ee la xiriira dhoofayaasha soo gelaya wadankooda,waxaa la go'aamiyay in mudo 2 bilood ah VISAHA laga xanibo.

 

6- Dowlada Mareykanka waxay go'aan ku gaartay in qaxootiga Suuriya la dejiyo dhul lagu ilaaliyo oo wadankooda gudihiisa ah,taasoo ay balan qaadeen inta lagu jiro mudo 3 bilood ah.

 

7 - In la hirgeliyo ogaanshaha soo gelida iyo ka bixitaanka wadanka Mareykanka qof walba oo booqanaya,iyadoo la isticmaalayo Tiknoolojiyada indhaha iyo faraha "biometric",iyadoo wareysi ama interview laga qaadayo shaqsi walba oo soo codsada DAL KU GAL ama VISAHA aan MUHAAJIRKA ahayan "non-immigrant visa"

 

8- In gebi ahaan la joojiyo barnaamijka Visa interview Waiver oo ah in shaqsigii codsada VISA MAREYKAN ah noocay ahaataba inta badan aan la weydiin in Interview ama wareysi uu u tago safaaradaha Mareykanka ah ee wadanka uu degan yahay,waqtiyadii hore waxaa lagu diri jiray BOOSTADA ama ONLINE, "MUHIIM VISA WAIVER IMINKA ONLINE AY KA DALBADAAN DADKA WATA BAASBOORADA WADAMADA YURUB SHAQO KUMA LEH"

Joojinta QAXOOTIGA wadanka Mareykanka waxay saameyn ku yeelan doontaa SOMALI aad u farabadan,dadkii maray hubinta DHIIGA,DNA,WAREYSI meel walba ay joogaan arimaha aan ka hadalnay saameyn ayay ku yeelanaysaa,tusaale ahaan hadii wax walba ay diyaar kuu ahaayeen oo VISAHA keliya aad sugaysay,isbedelkan dhacay awgii xaalkaaga wuxuu la mid yahay qof cusub oo markii ugu horeysay dalbaday.

Waxaa kale oo la joojiyay VIISIHII BAQTIYAA NASIIBKA "Diversity Visa (DV)",kaasoo ahaa waxyaabihii ugu horeeyay ee madaxweyne TRUMP oo ku dhawaaqay dhamaadkii sanadkii hore.

Iminka waxaa warar cusub ay sheegayaan in dadka u dhashay wadamada aan kor ku soo xusnay ee SOMALIYA ay ku jirto oo wata GREEN CARD in aanu soo gelin karin USA ilaa iyo amar dambe.

Qaxootiga keliya oo laga yaabo in Mareykanka ay soo geli karaan waa sida uu sheegay TRUMP,SUURIYIINTA MASIIXIGA ah.

 

Isbedelada noocan ah ma ahan wax ku cusub wadanka Mareykanka,sharciyada oo soo saaray OBAMA oo ilaa iminka saameyn kara Somalida u kala safarta USA iyo wadamada kale hoos ka aqri.

LINKIGAN RIIX

 

Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

 

 Investigative journalist

 

 La xiriir: info@solaportal.com

 

RA'IISAL WASAARAHA CUSUB EE SOMALIYA MR HASSAN ALI KHAYRE IYO ARIMAHA MUSUQ-MAASUQA SOMA-OIL "SOLA INVESTIGATES"

$
0
0

Madaxweynaha Somaliya mudane MOHAMED FARMAAJO wuxuu Khamiis 23.2.2017 ku dhawaaqay in uu magacaabo ra'iisal wasaare cusub oo shacabka Somaliya mudo aad u dheer ah ay sugayeen,Mr HASSAN ALI KHEYRE waa shaqsi dhalinyaro ah isla markaa qurba joog ah oo haysta dhalashada NORWAY,shaqo siyaasadeed ama xafiis dowlad weli xil kama soo qaban,wuxuu shaqooyin kala duwan ka soo kala qabtay xafiisyada qaxootiga Somalida Norway iyo isagoo ahaa maamulaha Afrika ee shirkada SOM-GAS oo waqti dheer batrool ka baaraysay wadanka Somaliya,runtii Somalida aad ayay ula dhaceen doorashada shaqsigaan dhalinta yar ee ka duwan dadkii hore loogu bartay in ay Somaliya xakumaan,waxaa mar walba muhiim ah in fursad la siiyo mas'uulka ku soo biiray dowlada Somaliya,laakiin warbaahinta madaxa banaan mar walb waa in ay soo ogaataa taariikh nololeedka shaqsiga lagu aaminay maamulka wasaaradaha Somaliya.

Shabakada SOLAPORTAL.COM qaabka ay wax u qorto waa sida PROFESSIONAL JOURNALIST,inagoo iska ilaalina laab la kac iyo ku tiri ku teen,waxaan kale oo aan soo raacinaa qoraalada waxyaabo cadey ah.

Mr HASSAN ALI KHAYRE waa shaqsi ku cusub Somalida,laakiin taariikh ganacsi iyo maamul ayuu ku leeyahay oo inta badan aan la ogayn.

 

DAAWO LIVE FACEBOOK AAN KA DIYAARINAY RA'IISAL WASAARE KHAYRE

Shaqo aad u wanaagsan ayuu ka qabtay xiligii uu ka tirsanaa NRC "Norwegian Refugee Council isagoo xooga saaray qaxootiga Somaliya ee xeradaDADAAB.

 

Mr KHAYRE sidaan hore u soo sheegnay waa GANACSADE Saami "SHARES"way ku leh shirkada baaraysa isla markaana qodi doonta BATROOLKA SOMALIYA oo la yiraahdo SOMA OIL,waxaa shirkad iska leh oo dhisay ganacsadaha weyn ee Basil Shiblaq iyo wiilkiisa Iyad Shiblaq.

Sida shabakadoodu ku cad MA JIRO AYAY YIRAAHDEEN MUWAADIN SOMALI AH OO SAAMI "SHARES" ku leh SOMAOIL.

Sababta loo yiri muwaadan SOMALI ah SAAMI "SHARES" kuma leh waa iyadoo Mr KHAYRE u arka in uu yahay NORWEGIAN!

SOMA OIL waxaa wadajir u dhisay oo wada leh,SOMA OIL & GAS EXPLORAION LIMITED,SOMA OIL & GAS HOLDING LIMITED iyo SOMA OIL MANAGMENT ---

Mr KHAYRE lacagaha uu darsaday shirkada SOMA OIL waa 2.% oo u dhiganta 2 MALYUUN oo DOLLARKA Mareykanka ah,tabcan waa ganacsade meeshii uu doono ayuu gashan karaa lacagtiisa.

 

2 Saac ka dib markii qoraalkan aan hawada soo gelinay Mr KHAYRE gebi ahaan wuu iska casilay SOMA OIL isagoo SAAMIGII uu ku lahaa ka tanasulay.

Dhowr sano ka hor waxaa si qarsoodi ah lo helay FARIIMO DIPLOMATIC ah oo warbaahinta lagu faafiyay taasoo lagu eeday shirkada SOMA OIL in ay ku dhaqaaqday arimo musuq-maasuq ah,ka dib QARAMADA MIDOOBAY xafiiska u qaabilsan Somalia Eritrea Monitoring Group waxay soo saareen warbixin ay ku eedeen Ra'iisal wasaare KHAYRE oo ay yiraahdeen wuxuu lug ku leeyahay MUSUQ-MAASUQ iyo isagoo xiriir hoose la leh ARGAGIXSO.

Arimaha eedaha musuq-maasuqa waxaa ka hadlay dhamaan warbaahinta aduunka,iyadoo musharaxii hore ee Ra'iisal wasaaraha Britian Mr Michael Howard uu ka mid ah dadka arimaha eeda dusha laga saaray,Mr Howard waa Agaasimaha guud ee SOMA OIL.

 

 Ra'iisal wasaaraha cusub Mr Khayre weli wuxuu DIRECTOR ka yahay dhowr shirkadood oo wadanka dibadiisa ka dhisan,kuwaasoo tabcan xaq uu u lahaa markii uu ahaa ganacsade dalka ama dibada ku nool.

Arimaha baaritaanka SOMA OIL waxaa baaritaan dheer ku sameeyay Serious Fraud Office "SFO" oo ah xafiiska ugu awooda wayn wadanka UK ee baara Musuq-maasuqa ay ku lug leeyihiin dadka haysta dhalashada UK oo Mr Howard uu ka mid yahay,baaritaan dheer ka dib waxay 14tii DECEMBER 2016 go'aan ku gaareen in SOMA OIL aan shaqo ku lahayn wax la is daba mariyay ama musuq-maasuq ah,iyagoo ka dib soo af jaray baaritaankii ay ku hayeen MICHAEL HOWARD iyo HASSAN ALI KHAYRE.

 

 GOOGLE SEARCH hadii aad ku qortid SOMA OIL iyo CORRUPTION waxaa soo baxaya macluumaad aad u farabadan oo warbaahinta aduunka ay waxyaabo kala duwan ay ka qoreen.

Iminka RA'IISAL WASAARE KHAYRE waxaa looga baahan yahay in uu iska casilo xilalka uu ka hayo shirkadaha dalka iyo dibada ka dhisan,in uu iibiyo wixii SHARE ah ee uu ku leeyahay SOMA OIL.in uu qabto shir warbaahinta uu ugu sheegayo in gebi ahaan uu joojiyay ganacsigii u qaaska ahaa ee laga yaabay in uu keeno CONFLICT OF INTEREST,hadii arimahaa uu ku dhaqaaqo waxaa hubaal ah in SOMALI oo dhan ay taageeri doonto.

EEDU micnaheeda ma ahan in aad wax haleysay,laakiin xafiiska ra'iisal wasaaraha waa in lagu arkaa shaqsi NADIIF AH oo Somalida ay ku qanacsan tahay,waxaa hubaal ah in uu ka soo bixi karo mudane KHAYRE.

Ugu dambeyn shabakada SOLAPORTAL.COM waxay marwalba idin soo ban dhigeysaa wixii macluumaad ah ee la xiriira arimaha baaritaanka Musuq-Maasuqa iyo dadka lagu aaminay HANTIDA SOMALIYEED ee dalka iyo dibada.

 

 Qore: ABDINASIR ISMAIL "SOLA"

 

 Investigative journalist

 

 La xiriir: info@solaportal.com

 

QAABKEE LOO XIRAY FACEBUUGII CALI YARE,YAASE KA DAMBEEYAY? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

ALI ABDI WARDHERE "ALI YARE"waa shaqsi si aad ah looga yaqaan siyaasada Somaliya qaas ahaan dowlada cusub ee FARMAAJO,wuxuu waqti badan la soo shaqeeyay dowladihii hore ee wadanka ka dhisnaa isagoo xilal kala duwan soo kala qabtay,ALI YARE waxaa aad loogu xasuustaa waqti Muqdisho lagu xiray isla markaana naftiisa halis ay gashay,maanta waa shaqsiga suura geliyay inta badan guusha iyo isbedelka Somaliya ka dhacay isagoo kaalin libaax ah ka qaatay doorashadii ugu weynayd ee Somaliya soo marta tan iyo xoriyadii 1960kii,ALI YARE oo qurba joog reer SWEDEN ahaan jiray iminka wuxuu si joogta ah ugu noolyahay caasimada Somaliya isagoo gebi ahaan ka soo luga xirtay wadankaa uu ku noolaan jiray,waxaa kale oo aad loogu yaqaanaa in uu yahay shaqsi DEEQSI ah,NAXARIIS BADAN oo SOMALINIMADANA ay aad ugu weyn tahay,asxbaata reer STOCKHOLM waxay ku xaman jireen in tayadiisa ugu wanaagsan ay tahay isagoo wax walba lala qaybsan karo.

ALI YARE dhibkiisa ugu weyn wuxuu ahaa isagoo qof walba aamina isla markaana si wanaag iyo daacad ah wax ula qabta,sidaa awgeed ayaa xiligii FARMAAJO la doortay waxaa soo baxay CADOW farabadan oo isugu jiray SAAXIIB iyo dad aan la aqoon.

Bilowgii bisha ABRIIL 2017 waxaa baraha SOCIAL MEDIYAHA lagu arkay qoraalo lagu yiri ALI YARE waxaa laga xirtay ama laga HACK gareeyay bartiisa FACEBOOK,taasoo dadka intooda badan ay aad ula yaabeen.

Shabakada SOLAPORTAL.COM ayaa baaritaan dheer ku sameysay qaabka ALI YARE looga xiray ama looga jabsaday FACEBUUGIISA,waxaan faraha ku dhignay qoraalo xaqiijinaya,shaqsiyada ka dambeeyay iyo qaabka loo xiray.

Ugu horeyn ALI YARE facebuugiisa lama jabsan ama Hacking laguma sameyn,si aqristayaasha ay u fahmaan farqiga u dhexeeya Facebook la jabsaday iyo mid shirkada Facebook ay xirtay waxaad eegtaan sawiradda hoose:

 

 

FACEBUUGA ALI YARE gebi ahaan INTERNETKA kuma jiro,waayo waxaa XIRAY FACEBOOK sawirka dusha wuxuu xaqiijinayaa marka bogaaga FACEBOOK ay xirto.

ALI YARE hadii Facebook laga jabsan lahaa ama Hack lagu sameyn lahaa,ugu horeyn waxaa laga bedeli lahaa BAASWOORKA,hadii uu is yiraahdo LOGIN ama GAL waxaa soo bixi lahaa PASSWORD ayaa kaa qaldan oo sawirka dusha aan ku aragno,tan waxay inoo xaqiiijisay 100% in qofna aan jabsan,waxaa kale oo FACEBUUGA ALI YARE ku xirnaa KOODKA MOBILKA saa  awgeed MABA DHICI KARTO in laga bedelan karo PASSWORDKIISA.

Su'aasha ugu horeysa ee aqristayaasha SOLAPORTAL.COM ay is weydiinayaan waa MAXAA LOOGA XIRAY?YAA KA XIRAY? tabcan FACEBOOK ayaa si KU MEEL GAAR AH uga xirtay bartiisa,sababta looga xirayna waxaan ku ogaaneynaa inagoo ku laabana bilowga qoraalka oo ahaa ALI YARE dad badan ay asxaab ahaayeen oo uu aaminay ayaa FALKAN ku kacay.

FACEBUUGIISA waxaa laga soo xiray wadanka SWEDEN,shaqsi xiray,waqtiga la xiray,IP ADDRESSKA iyo EMAILKA FACEBOOK lagula xiriiray waxaa gacanta ku haya shabakada SOLAPORTAL.COM oo hadii ALI YARE uu fasaxo si toos ah aqristayaashiisa ugu soo bandhigi doona.

Su'aasha labaad waa SIDEE LOO XIRAY? ALI YARE wuxuu gacan qabtay waqti aan sidaa u sii fogeen isla markaana uu damiintay shaqsi ay aad isugu dhowaayeen oo arimo dhaqaale xumo ay soo food saartay,xiligaa wuxuu u diray oo laga soo codsaday KOOBIGA BAASBOORKIISA.

Saa awgeed shaqsiga loo diray KOOBIGA BAASBOORKA wuxuu si toos ah ula xiriiray FACEBOOK oo dacwad uu ku oogay bartii FACEBOOK ee Ali Yare, isagoo uu leeyahay shaqsiga la yiraahdo ALI YARE ALI waa BEEN ABUUR aniga oo hebel ah ayaa la iga sameystay FACEBOOK aan jirin sidaa awgeed ha la iga XIRO,tabcan FACEBOOK wuxuu ku weydiinayaa maxaa CADEYNAYA in aad tahay MR ALI ABDI WARDHEERE "ALI YARE"?,isla markiiba KOOBIGII BAASBOORKA ALI YARE ayuu u diray 24 saac ka dib FACEBOOK waxay xirtay bartii ALI YARE uu ku lahaa FACEBOOK.

Shaqsigaan oo aad looga yaqaano SWEDEN iyo YURUB isla markaana aan gacanta ku hayno MAGACIISA,CINWAANKIISA,TELEFOONKIISA GACANTA iyo MEESHA UU KA SHAQEEYO ayaa hadii ALI YARE fasax aan ka helno u soo bandhigi doona aqristayaasha SOLAPORTAL.

Wuxuu sameeyay qaladaad aad u farabadan oo iminka dhibaato aad u weyn u keenaysa,ugu horeyn wuxuu jebiyay sharciga adag ee loo yaqaan "Swedish Personal Data Act (1998:204) (PDA) (Personuppgiftslag). This implements Directive 95/46/EC" oo gebi ahaan mamnuucaya gudbinta,faafinta DUKUMENTI noocaa ahaadba iyadoo aan amar laga helin shaqsiga iska leh,eeg sawirka hoose:

Shaqsigii lagu helo jebinta sharciga dusha yaala wuxuu muteystaa XABSI ILAA 5 SANO AH iyo GANAAX oo laga yaabo in hadii aanu haysan dhalasho SWEDISH ah uu halis ugu jiro in lala tiigsado sharciga "God karaktär medborgarskap" oo uu xaqiijiyay GARYAQAANKA Ali Yare ee sawirkiisa hoos yaala ee uu ka qabsaday magaalada GOTHENBURG ee wadanka SWEDEN.

ALI YARE wuxuu shabakada SOLAPORTAL.COM u sheegay in FACEBOOK dacwada BEEN ABUUR ah ee laga sameeyay ay arinta iminka ka weyn tahay,waxaan diyaariyay dacwad weyn anigoo ku lifaaqay waraaqo aan ka helay FACEBOOK iyo kuwa si dadban la iigu soo diray,arintaana waxaan u fasaxayaa SOLAPORTAL.COM in ay soo bandhigto markii ay ka soo dhamaato dhanka LAWYERKA.

FACEBUUG waxay ka codsadeen ALI YARE in uu u diro DUKUMENTIYO kala duwan ilaa iyo 3 ah oo shaqsiga BAASBOORKA Koobigiisa u diray aan heli karin,iyagoo u balan qaaday in waqti aad u dhow ay hawada ku soo celin doonaan isla markaan hadii LAWYER ama BOOLIISKA Sweden ay codsi u soo diraan u gudbin doonaa macluumaadka shaqsiga sida qaladka ah u isticmaalay BAASBOORKA ALI YARE.

Iyadoo arintaa ay jirto ayaa waxaa shaqsi kale uu isku dayay in magaca ALI YARE uu ku furto FACEBOOK BEEN ABUUR ah,kaasoo isku dayey in uu ku darsado dhamaan asxaabta ALI YARE,saa awgeed ALI YARE wuxuu SOLAPORTAL.COM u xaqiijiyay in iminka wax FACEBOOK ah aan u furnayn.

Eeg sawirada hoose:

Iminka hawada ayaa laga saaray FACEBUUGII BEEN ABUURKA ahaa ee laga sameeyay ALI YARE.

 

12 maalmood ka dib SOLAPORTAL.COM waxaa u suura gashay in FACEBUUGII laga xiray ALI ABDI WARDHERE "CALI YARE" in aan hawada ku soo celino,iyadoo aan helnay aqbaartii dadkii ka dambeeyay iyo sababta ku kaliftay oo dusha aan mar hore ku soo qornay,ALI YARE waxaan ka codsaday in aan sawirada iyo magacyada shaqsiyada SWEDEN ku nool ee arimahan foosha xun ka dambeeyay banaanka soo dhigo wuxuu iigu jawaabay "ABDINASIR INTA DHIB LA IGA SHEEGAN LAHAA ANIGA AAN DHIB SHEEGTO"taasoo ku tuseysa caqliga iyo waxgaradka shaqsigan sida foosha xun loola dhaqmay,arintaan waxay tusaale u noqonaysaa in DADKA INTERNETKA KU JIRA AY 1 TUULO WADA DEGAN YIHIIN OO CIDNA AAN CID KALE QALAD KA GELI KARIN.

https://www.facebook.com/caliyare.cali

Ugu dambeyn ALI YARE wuxuu ka furay SWEDEN dacwo labaad oo ka dhan shaqsiyadii ka dambeeyay in arimahan FACEBOOK ay xiraan iyagoo isticmaalaya PASSPORT KOOBI uu hore ugu diray,arinta lagu haysto labada shaqsi waa isticmaalka BAASBOORKA CALI YARE oo si sharci daro ah FACEBOOK loogu diray,arintaa waa 5 sano xarig iyo ganaax,waxaa sii weheliya in hadii shaqsiyada aan sharci SWEDEN oo BAASBOORT aysan ku lahayn arimahooda ku noolaashaha SWEDEN ay qal-qal geli doonto.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

FANAANKA AXMED ZAKI MA ISAGAA SOO QORAY AF-LAGAADADA MISE FACEBOOK AYAA LAGA JABSADAY? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

 

Fanaanka qurba joogta ah ee AXMED ZAKI runtii aqoon uma lahayn ka hor inta aan arkin arimaha la yiri wuxuu ku soo qoray bartiisa FACEBOOK oo isugu jiray CAAY loo geystay Muqdisho iyo kuwa shaqsiyo si aad u fool xun loo af lagaadeeyay.

Shabakada solaportal.com waxay raad raac ku sameysay fanaanka AXMED ZAKI si ay u ogaato qofka uu yahay iyo siday wax uga jiraan arimaha la yiri wuu ku kacay,ugu horeyn waxaan soo ogaanay in uu yahay fanaan dhalinyaradu aad ay ula dhaceen oo cod macaan,waxaan aad ula dhacay heesta NAASKA CAASHAQA oo qaabka loo sameeyay uu ahaa mid ka duwan kuwii hore aan ugu arki jirnay fanaaniinta cusub,waxaana marqaati fur ah daawashada YOUTUBE oo 3 MALYUUN kor u dhaaftay.

Shabakada solaportal.com ayaa waxay waqti dheer gelisay si ay u ogaato siday wax u dhaceen iyo hadii ay jirto sababta ku kaliftay fanaan Axmed Zaki in bartiisa FACEBOOK uu sumcada dhalinyarada Somaliyeed uu ku leeyahay isaga baa'biyo.

Ugu horeyn shabakada baaritaan dheer ka dib waxay soo ogaatay AXMED ZAKI in uu leeyahay laba FACEBOOK,mid waa TAAGEERYAASHIISA "FAN PAGE" kan kalena waa FACEBOOK caadi ah oo isaga shaqsiyan mar walba u isticmaalo.

Ugu horeyn sawrika iyo Linkiga hoose waa FAN PAGE oo ay xubno ka yihiin dhalinyaro aad u farabadan oo ku kala nool dalka iyo dibada.

https://www.facebook.com/Ahmed-zaki-1526051024281592/

 Bogga labaad waa kan qaaska ah ee qof walba uu isticmaalo,FAN PAGE waxaa inta badan uu u furan yahay dadka CAANKA ah sida FANAANIINTA,CAYAARYAHANADA IWM.

https://www.facebook.com/hobolka.ahmedzaki

 Arintan lagu eeday AXMED ZAKI waxay bilaabatay markii qoraal aad u foolxun lagu qoray boggiisa FAN PAGE,taariikhda iyo habka qoraalka waa muhiim si fiican u eeg.

FACEBOOK waxaa lagu dhisay LUUQADA PHP oo DYNAMIC ah saa awgeed YESTERDAY ama SHALAY wuxuu ka wadaa maalin ka hor oo ah xiliga aan qoraalka diyaarinayo 2.6.2017.

Qoraalka la yiri wuxuu soo geliyay FACEBOOK isagoo EGAL INTERNATIONAL AIRPORT ka soo degaya eeg "XAMAR INAAN TAGO XABAD BAAN KAXIGAA WAA HALKII GUMAADKII 91"!

Sheekadan qofkii soo qoray way ka halowday,waayo sida uu rabay waxay ahayd in AXMED ZAKI oo reer SOMALILAND uu leeyahay MUQDISHO ayaa goboladii WAQOOYI laga soo xasuuqay,laakiin 91kii waa taariikh qalad ah iyo qoraalka oo si deg-deg ah loo qoray.

Iminka aan isla eegno qoraalka RASMIGA ah ee AXMED ZAKI uu soo qoray markii uu ka soo degay MADAARKA HARGEYSA,taariikhda waa 23.May.2017.

Waxaa laga yaabaa aqristayaasha solaportal.com in ay is weeydiiyaan siday ku dhacday isla sawirkaa in qoraal XAMAR wax looga sheegayo la soo geliyo barta FAN PAGE ee AXMED ZAKI? EASY,eeg sawirka hoose oo PHOTOSHOP aan ku bedelnay oo wixii aan doono aan ku qori karno.

Barta FACEBOOK ee taageerayaasha AXMED ZAKI waxaa la JABSADAY KHAMIISTII 29.5.2017 xili waaberigii ah,iyadoo si wadajir ah looga soo wada jebiyay labadan IP ADDRESS hoos aad ku aragtaan ee KENYA iyo HOLLAND oo gebi ahaan la wareegay AXMED ZAKI FAN PAGE.

 AXMED ZAKI wax uu soo geliyo bartiisa FAN PAGE waxaa ugu dambeysay laba VIDEO oo uu soo kala geliyay 28.5.2017 23:04 PM, iyo 28.5.2017 04:44 AM oo kala ahaa AFURKII Hargeysa iyo mid HOOYADII uu la joogo.

Qoraalka ku xiga ee lagu arkay AXMED ZAKI FAN PAGE waa kan markii la JABSADAY la soo geliyay,eeg sawirka hoose  28.5.2017 ilaa 1.6.2017wax haba yaraatee la soo geliyay ma jirto.

Waxaa kale oo xusuus mudan mar hadii AXMED ZAKI uu ka soo degay HARGEYSA 23.5.2017isla markaana uu soo geliyay sawir uu leeyahay,FINALLY I AM IN HARGEYSA,maxaa ku qasbay in mar kale isla sawirkii uu soo geliyo isagoo laga dhigay in HATGEYSA uu yimid 1.6.2017!

 

Waxaa ka sii daran in dad qaarkood  RUN ay moodeen in qoraalkan uu yahay mid AXMED ZAKI uu soo geliyay,iyagoo AF-LAGAADO iyo GEF barahooda FACEBOOK soo dhigay,waxaa ka mid ah shaqsi la yiri waa FANAAN oo iminka aan qoraalka  diyaarinyo magaciisa ay iigu horeyso oo qoraalka hoose bartiisa FACEBOOK soo dhigay.

Waxaa ka sii daran in FAN PAGE -ga la jabsaday ee AXMED ZAKI weli dad lagu AF-LAGAADEYNAYO,taasoo 100%Axmed ZAKI aan shaqo ku lahayn.

AXMED ZAKI markii uu ogaaday in FACEBUUGIISA la jabsaday wuxuu soo  duubay VIDEO uu soo geliyay FACEBUUGA u qaaska ah.


FACEBUUGA AXMED ZAKI waxaa jabsaday rag isugu jira FANAANIIN iyo kuwa kale oo sida aan aqbaaro kale ku helay  aan idinla qeybsan karin,kuwaasoo loolan kula jiray isla markaana naceeyb wayn u hayey,tabcan FACEBOOK FAN PAGE waa la jabsan karaa.

Ugu dambeyn shabakada SOLAPORTAL.COM waxay 100% xaqiijineysaa in AXMED ZAKI FACEBOOK FAN PAGE laga jabsaday oo dhamaan wixii qoraal ah ee dad lagu xumeynayo aan isaga mas'uul ka ahayn.

Tabcan DADKA jabsaday waa la yaqaan.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

QAABKEE LOO JABSADAY FACEBUUGII SALMAAN JAMAAL IYO SIDA LOO SOO CELIYAY! SOLA INVESTIGATES

$
0
0

SALMAAN JAMAAL SICIID waa shaqsi dhalinyaro ah oo Somalidu ay ka barteen dhanka warbaahinta iyo arimaha banii'aadinimada ah ee marwalba oo ku hawlanaa,waa shaqsi dad aad u farabadan ay qadariyaan isla markaana magac wanaagsan ku dhex yeeshay dhamaan bulshada Somaliyeed ee ku kala nool dalk iyo dibada,taasoo keentay in uu yeesho cadow isugu jiray dad ka maseeray waxqabadkiisa iyo kuwa naceeb iyo xaasidnimo ay nolol u noqotay,SALMAAN sidaan ognahay waxaa dhaawac weyn uu ka soo gaaray qarax ka dhacay Hoteelka Jazeera ee caasimada Somaliya bishii Luulyo 2015.

Salmaan ayaa noloshiisa halis gashay,ka dib wuxuu safar caafimaad u soo aaday wadanka Turkiga oo ilaa iyo iminka uu ku noolyahay,arimaha warbaahinta ka sokoow Salmaan wuxuu gacan weyn ka geystay arimaha wacyi gelinta dhalinyarada Somaliyeed ee ku jira xabsiyada qurbaha iyo kuwa tahriibta ku mara saxaaraha galbeed iyo badda mideteraaniyanka.

Arimahaa wuxuu ku muteystay sharaf iyo aqoonsiyo aad u weyn,taasoo keentay in dad aan waxna u dhibin ay har iyo habeen weerar is dabajoog ah ay kaga soo qaadeen baraha bulshada sida FACEBOOK.

Salmaan waxaa si been abuur ah magaciisa looga sameystay dhowr account iyadoo la isticmaalay sawiradiisa iyo magaciisa,arimahan waxay keeneen in isagoo magaciisa la isticmaalayo laga hadlo arimo QABIIL iyo kuwa umadda Somaliyeed laysaga horkeenayo,waxaa kale oo dhacday in mararka qaarkood dadka lacag laga dalbado iyadoo SALMAAN layska dhigayo.

Ugu dambeyn waxaa u suura gashay in dacwad BEEN ABUUR ah lagu furo,taasoo la yiri ACCOUNT ka rasmiga ee uu ku lahaa FACEBOOK ma ahan kiisa,sawirka hoose eeg:

Ugu horeyn waxaa muhiim ah in aqristayaasha SOLAPORTAL ay ogaadaan in bartiisa Facebook aan la JABSAN,waayo waxaa SALMAAN ugu xirnaa SECURITY aad u adag oo aan laga dul boodi karin,laakiin waxaa u suura gashay in shaqsi uu dacwad BEEN ABUUR ah ku furo isagoo laga yaabo in gacanta ay u gashay DUKUMENTI uu SALMAAN leeyahay.

Sawirka dusha sida aad ku aragtaan waa DISABLE oo micnaheedu tahay waxaa si KU MEEL GAAR AH looga xiray dhanka FACEBOOK oo hadii uu u diro wixii looga baahnaa si rasmi ah loogu soo celin karo.

Sidaan kor ku soo xusnay waxaa jiray ACOOUNTS kala duwan oo magaciisa iyo sawiradiisa lagu furtay oo goordhow sidi hawada looga saari lahaa shaqadeeda ay socoto,sawirada hoose eeg,waa dhamaan kuwa BEEN ABUURKA ah ee SALMAAN laga sameystay.

INTA ACCOUNT EE HOOS AAD KU ARAGTAAN WAA FAKE LAGA SAMEYSTAY SALMAAN!

LINKIGA WAA KAN:

 

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

LINKIGA WAA KAN:

 LINKIGA WAA KAN:

 

Wariye SALMAAN arimaha qoysaska Somaliyeed ee uu u soo bandhigo dhamaan bulshada ayaa wuxuu ku helay SUMCAD iyo taageerayaal aad u tira badan,daawo qaar ka mid ah warbixino uu ka diyaariyay waqtiyada uu ku dhex jiro arimaha SOMALIDA qurba joogta.

 

Hadii arinta SALMAAN oo kale ay kugu dhacdo sida ugu fudud ee aad u soo ceshan kartid FACEBOOK DISABLE laga dhigay waa RIIX LINKIGA hoose isla markaa eeg sawirka.

 

LINKIGA RIIX

Qaabkee hawada loogu soo celiyay barta FACEBOOK ee SALAMAAN JAMAAL?FACEBOOK lagama jabsan sidaan hore u soo sheegnay,hadii lagu dacweeyo si aad u fudud ayaad u soo ceshan kartaa,ugu horeyn magaca aad ku leedahay FACEBOOK iyo kan dukumentigaga ku qoran waa in ay is lahaadaan,hadii kale FACEBOOK ma xaqiijin karo in aad adiga tahay ama qof kale.

Tan xigta FACEBOOK ma xiro hadii 1000000 qof ay ku dacweeyaan ilamaa aad jebisid sharicga u yaala oo ah in waxyaabo qaarkood oo ay ka mid yihiin VIDEO QAAWAN,CUNSURINO,DAD ISKA DIRKA NOOCA KA BAXSAN FREEDOM OF SPEECH,IN MUQAADARAAD AAD KU XAYEEYSIISID iyo kuwa kale oo dhanka anshaxa ah,ra'yigaaga ha wanaagsanaado ama ha xumaado FACEBOOK lagaaga xiri maayo.

SALMAAN magaciisa uu FACEBOOK ku leeyahay iyo wixii dukumenti uu leeyahay way is leeyihiin saa awgeed SAFKII codsiga ee FACEBOOK ayuu galay kaaso qaata 1 maalin ilaa 30, sidaa ku aragtaan sawirka hoose waxaa laga xiray 8 Agoosto2017,isagoo hawada ku soo laabtay 7 Agoosto 2017.

 

 

30 kii maalmood markii la gaaray bartiisa FACEBOOK hawada ayay ku soo laabatay sida aad ku aragtaan sawirka hoose.LIN

LINKIGA FACEBUUGIISA SAXA AH:

 

Shabakada SOLAPORTAL.COM waxay SALMAAN u gudbisay magaca iyo meesha uu ku suganyahay shaqsiga DACWADA ku furay,waxaa kale oo aan ka codsanay in aan soo bandhigno laakiin SALMAAN waa naga DIIDAY isagoo yiri AARGUDASHO HADII AY WAX TAREYSO WADANKEENA FIIRI.

Ugu dambeyn waxaan leenahay SALMAAN soo laabasho wanaagsan INTA KU JECEL ayaa badan sidaa awgeed inta ku NECEBNA JACEEYL ugu bedel,shaqada aad umadda Somaliyeed u hayso halkaa ka sii wad marwalbana garabkaaga ayaan taaganahay.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

DIGITAL CURRENCY FOR DUMMIES! SOLA EXPLAINS! UPDATED 10.12.2017

$
0
0

Sanadkii 2008 ilaa iyo waqtiga iminka lagu jiro waxaa laga maqlaa warbaahinta aduunka lacagahan cusub ee loo yaqaan DIGITAL MONEY ama CRYPTO CURRECY oo qaabka loo abuuray iyo cida ka dambeysa aan weli la ogayn,waa lacag VIRTUAL ah oo aan la arki karin ,la taaban karin,la urin karin isla markaana ah xisaabaadka loo yaqaan DIGITAL. DIGITAL CURRENCY waxay u kala baxdaa dhow boqol oo kala nooc ah,kan ugu caansan waa BITCOIN oo uu alifay shaqsi la yiraahdo SATOSHI NAKAMOTO oo ilaa iminka aan la aqoon qofka uu yahay iyo meesha uu ku nool yahay.

Lacagaha VIRTUAL CURRENCY mar walba waa VOLATILE oo micnaheedu yahay wax walba ka filo,qaabka BitCoin iminka ay ku sosocto waa XAWAARE aad u dheereeya!, malaga yaabaa in 1 mar dhulka ku soo dhacdo? TABCAN VOLATILE micnaheedu waa taa, lacagta ma marta nooca BANKING SYSTEM, dowlad ma xukunto sidaa awgeed marwalba RISK ama HALIS way jirtaa, cabsida ugu weyn waa in dowlada Mareykanka ay arimaha DIGITAL CURRENCY gacmaha la soo gasho.

Su'aalo aad u farabadan ayaa marwalba la soo weydiiyaa shabakada SolaPortal, si aan uga jawaabno kuwa muhiimka ah, waxan diyaarinay VIDEO aad ku daawan doontaan qaabka ugu fudud ee loo fahmi karo noocyada muhiimka ah ee CRYPTO CURRENCY.

Si aan uga jawaabno su'aalaha kale ee ka iman kara DIGITAL CURRENCY, waxaan hoos ku diyaarinay su'aalo iyo jawaabo is wata.

 Question 1 - Waa maxay qodoshada BitCoin ama BitCoin mining?

Answer 2 - Qodashada magac ahaan waxay ka timid qaabka loo qoto Dahabka iyo dhagaxaanta qaaliga ah,BitCoinka wuxuu kaga duwan yahay waa nooc DIGITAL ah,qaabka loo qoto waa iyadoo laysku xiro computero quwadoodu ay aad u weyn tahay oo 24 saac shaqeeynaya isla markaana isticmaala tamar ama koronto aad u farabadan, waxay isticmaalaan nooc xisaabaadka muhiimka ah ee la yiraahdo ALGORITHMIC iyo nooc kale oo la yiraahdo HASH, beeraha DIGITALKA ah ee laga qodo waxaa tartan xisaabaad ku jira computerada isku xiran ee awooda badan, markii ay u suuroowdo in xisaabaadka adag ay computerada soo saaraan shaqsiga ama shirkada iska leh beertaq DIGITALKA ah waxay gacanta u soo gelaya COINKII ama lacagtii oo ah qaab xisaab DIGITAL ah, qaabka loo xaqiijiyo in nambarada ay yihiin kuwa sax ah waa in la maraa xisaabaadak nooca BLOCKCHAIN oo xaqiijisa isla markaan gelisa NETWORKGA lagu kala iibsado.

Sawirka hoose waa BEER laga qoto BitCoinka dibada iyo gudaha!

Question2- Qaabkee loo iibsan karaa BitCoin?

Answer 2 - BitCoin waxaa laga iibsan karaa meelo kala duwan, marwalba waxay ku xiran tahay sida aad u aamini kartid shaqsiga ama shirkada aad is leedahay waad ka gadan kartaa, ONLINE waa laga iibsan karaa hadii shabakada ay tahay mid la aamini karo, qaabka lacagta aad ugu diri kartid waa in ay ahaataa CREDIT CARD,CASHA ama DEBIT CARD, qaabka loo iibsado iyo in aad iska ilaalisad in lagu dhaco waxay la mid tahay sida ganacsiga Bangiyada oo kale, mar walba isticmaala BROKER ama shaqsi aad taqaanid oo dhexdiina ku jira si lacagtaada aan u lumin.

Question 3 - Waa maxay Double-Spending?

Answer3- Double-Spendig waa nooc laysku dayo oo ah in 1 COIN laba jeer la isticmaalo!, waxaa xusuus mudan in 21 MALYUUN oo BitCoin ah keliya ay jiri doonta, saa awgeed NETWORKGA wuxuu xooga saaraa sidii loo ilaalin lahaa in NAMABARADA BitCoinka si qalad loo isticmaalo, waxay isticmaalaan xaqiijin ah in COIN hal mar la isticmaalin aan markale la isticmaalin karin, BLOCKCHAINKA ayaa waxay xooga saartaa in aanu dhicin arin noocaa ah iyagoo isticmaalaya Tiknooliji aad u adag.

Question 4 -Kuwee ugu muhiimsan Crypto Currency?

Answer 4 - Sidaan ku soo sheegnay bilowga qoraalka, waxaa jira boqolaal DIGITAL CURRENCY ah oo kala duwan, qaarkood qiimo sidaa ah ma leh, kuwa iminka ugu muhiimsan waa: BITCOIN (BTC) - BITCOIN CASH (BCH) - BITCOIN GOLD (BTG) - ETHEREUM (ETH) - LITECOIN(LTC) - ZECASH/MONERO (ZEC/XMR) - IOTA (MIOTA) - RIPPLE (XRP).

Question 5 - Ma la xadi karaa DIGITAL CURRENCY?

Answer 5 - Tabcan 100%, Crypto Currency kama duwana Bangiyada iyo shirkadaha waaweyn ee aduunka oo maalin walba la dhaco iyadoo la isticmaalayo INTERNETKA, mar walba waxaa muhiim ah in aad adkeysid PASSWORDKA aad u isticmaashid iyo meesha aad ku keydisid, hadii PASSWORD fudud aad isticmaashid si fudud ayaa lagaaga jabsan karaa oo wixii lacag ah ee ku jira loola bixi karaa, SOLAPORTAL waxay marwalba ku dhiira gelisaa in aad isticmaashaan ACCOUNT aan INTERNETKA ku xirnayn oo ah USB OFFLINE.

Question 6 - Diintu maxay ka qabtaa CRYPTO CURRENCY, ma XALAAL baa?

Answer: 6 -VIRTUAL CURRENCY weli ma 10 jirsan laakiin qaabka ay aduunka ugu fiday waa mid ka yaabisay dhamaan dowladaha, hay'adaha ganacsiga iyo banuugta, saa awgeed waa in lays weydiiyaa SHAREECADA ISLAAMKA maxay ka qabtaa? qoraalo aad u farabadan ayaa laga diyaariyay oo ay ka mid yihiin kuwa hoose:

 

Question 7 - BitCoin hadii aan aan iibsado qaabkee u gedi karaa?

Answer 7 - Isla qaabkii aad u iibsatay oo ah in BROKER aad ka gadid, tusaale ahaan waa sida MONEY EXCHANGE oo GADA isla markaana iibsada, COINKA ayaad u xawileysaa isla mariiba BAN ACCOUNTIGAAGA ayaa lacagta si toos ah laguugu soo shubayaa, hadii aad doontid lacagta waxaad kala soo bixi kartaa ama aad gelin kartaa ATM/CASH POINT oo ah DERBIGA LACAGAHA!

 Question 8 -BitCoin ma leeyahay KAARKA nooca Bangiyada?

Answer - 8 - HAA!

Waxaa loo isticmaalaa OFFLINE PAYMENTS iyo ATM

USD plastic card

 EUR plastic card

 GBP plastic card

 Waxaad loo isticmaalaa SECURE ONLINE PAYMENTS:

USD virtual card

EUR virtual card

GBP virtual card     

 

Question 9 -Qaabkuu u eg yahay ACCOUNTKA BitCoin?

 

Question 10 -Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaabka loo furto iyo sida uu shaqeeyo BitCoin ma heli karaa?

 

 UPDATED: 10.12.2015

BITCOIN – BITCOIN CASH – BITCOIN GOLD – ETHEREUM Keliya Ayaan la shaqeynaa!

Waxa ugu horeeya oo oo loo baahan yahay waa in la furaa DIGITAL ACCOUNT oo loo yaqaan WALLET, OFFLINE oo USB ah ama ONLINE oo oo DIGITAL ah,waa meesha lacagtaada ay kuugu jiro doonto oo adiga aad maamuli doontid,waa sida BANK ACCOUNT oo kale oo mas'uuliyada adiga keligaa ay ku saaran tahay,waxaad kale oo aad furan kartaa CARD sida kuwa bangiga ah oo cinwaankaaga laguugu soo dirayo,waxay kala yihiin.

Waxaa loo isticmaalaa OFFLINE PAYMENTS iyo ATM

USD plastic card

 EUR plastic card

 GBP plastic card

Waxaad loo isticmaalaa SECURE ONLINE PAYMENTS:

USD virtual card

EUR virtual card

GBP virtual card     

Kaararka dusha qarashkooda waa 30$ oo lagu dalbado iyo 40$ BOOSTADA XAQIIQADA ah laguugu soo diro,adiga ayaa si toos ah uga dhex dalbanaya xiliga laguu furo ACCOUNT.

 

NB: SolaBitCoin SI WAX WALBA AAN SAMEYNO WAXAAN CHARGE GAREYNAA $250 OO AH CONSULTANCY FEE.

Ka dib markii aad diyaar u tahay waxaa lagaa iibinayaa lacagta DIGITAL COINKA, hadii aad doontid waxaad u isticmaali kartaa sida iibisiga tikitka diyaarada,dalxiiska,Hoteelada iwm.

Lacagtu waa VOLATILE oo micnaheeda yahay isbedel marwalba waa dhici kartaa,waxa ugu fiican waa MAAL GELIN ama INVESTIMENT.

Iibso dhowr bilood ka dibna sii iibi markii faa;iido aad ka heshid.

Taariikhda CRYPTOCURRENCY oo bilaabatay 2008, weli lama sheegin qof ku QASAARAY.

SolaBitCoin waxay ka caawisaa macaamiisha sidii ay u fahmi lahaayeen qaabka ay u shaqeyso isla markaa looga faa'iido.

SolaBitCoin iyo Abdinasir Ismail MARNABA MAS'UULIYAD DHANKA FAA'IIDADA IYO QASAARAHA DIGITAL CURRENCY MA QAADAAN.

SolaBitCoin wuxuu kaa caawin doonaa tababar dhanka VIDEO iyo QORAAL ah oo la xiriira CRYPTOCURRENCY

 Xiriirka ugu wanaagsan waa BY EMAIL,waayo cod iyo qoraal mobile way lumi karaan:

VIDEO Ayaan ka diyaarinay oo su’aalo farabadan ka jawaabaya:

https://www.youtube.com/watch?v=N1igi-zA-DI&t=4s

 Qaabka xiriirka waa solabitcoin@gmail.com -   Tel: 07495 328463

 

Abdinasir Ismail

SolaBitCoin

 

 

 

 

 

 


WAA AYO ABUUKAR CAWAALE AMA ABDI OOG YAASIIN? SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Shabakada SolaPortal waxay baaritaan dheer oo ay soo codsadeen qaar ka mid ah aqristayasheeda ay ayaamahan ku waday shaqsi bulshada Somaliyeed ee dalka iyo dibada aad looga yaqaano oo ku soo caan baxay markii uu yiri waxaan ahay shaqsigii ka joojiyay wadanka Boqortooyada UK, cunida iyo ka ganacsiga maan dooriyaha qaadka, taasoo runtii ahayd mid runta ka fog oo dad badan ay aamini kari waayeen, sidaa awgeed shabakada baarista SolaPortal waxay baaritaan dheer ka dib ay idin soo bandhigeysaa taariikhda kooban ee Mr ABUKAR AWALE ama ABDI OOG YAASIIN oo ah magaca uu ku dhashay isla markaana Yurub uu ku soo galay, ka dibna uu bedelay ABUKAR AWALE markii uu u soo haajiray wadanka UK bilowgii 1996 dii.

Ugu horeyn ABUKAR AWALE/ABDI OOG YAASIIN wuxuu qaxooti ahaan u yimid magaalada Tampere oo ku taala Koonfurta Finland oo ay ku noolyihiin Somali aad u farabadan oo 90 meeyadii QAXOOTI ahaan u soo galay wadanka Finland.

ABUKAR magaciisa rasmiga ah waa ABDI OOG YAASIIN, kaasoo ahaa kii uu ku dalbaday qaxootinimada wadanka Finland, waqtigaa 90 meeyadii waxaa Finland ku soo qul-qulayey Somali aad u tira badan oo ka soo yaacday dagaalkii sokeeye ee wadanka ka dilaacay, ABUKAR AWALE/ABDI OOG wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii soo degtay magaalada Tampere, shaqsi aad ay isugu dhoweeyaan isla markaana la degenaa ayaa SolaPortal u sheegay in ABUKAR AWALE/ABDI OOG aan dugisyada luuqada iyo waxbarashada kale gelin oo isku ahaa shaqsi iska dhalinyareeya oo waqtigiisa inta badan ku qaatay baashaalka dhalinyaranimo iyo balwado kala duwan oo xiligaa caadi ka ahaa Finland.

Abukar AWALE/Abdi OOG taariikhdiisa Tempere ma ahan mid uu ka hadlo ama uu doonayo in dadka kale ay ogaadaan, sababtuna waa xili uu aad u dhalinyaraynayey oo arimo aad u adag ay soo food saareen, dhamaadkii 1995 isaga iyo dhalinyaro Somali ah waxaa lagu qabtay iyagoo BOOB ama ROBBERY meel QAMAAR lagu cayaaro oo ku taala qeybta qadiimka ah ee Magaalada Tempere, taasoo keentay in bilowgii 1996 uu ka soo dhuunto isagoo maxkamad sugaya, xiligii uu ku noolaa wadanka Finland waxa u wanaagsan ee uu ka faa'iiday waxay ahayd dhalashada wiilkiisa oo uu ka dhalay gabar CADAAN FINISH ah, wiilkaasoo iminka 23 jir ah, ABUKAR AWALE/ ABDI OOG inta badan kama hadlo taariikhdiisa FINLAND iyo tan WIILKIISA.

Arimo kale oo ku qabsaday ayaa jirta wadanka Finland, laakiin shabakada SolaPortal waxay door biday in aan ka hadlin, waayo waa arin dad kale oo shaqo aan ku lahayn qoraalkan ay saameynayso.

ABUKAR/ABDI OOG wuxuu u soo guuray wadanka UK magaalada London, isagoo ahaa shaqsi MUQAYAL ah oo marar kala duwan jebiyay sharciga wadanka UK, tusaale ahaan dhamaadkii 2014 waxaa lagu qabtay isagoo gaari aan sharci iyo caymis lahayn wata, taasoo sababtay in waqti aad u fog laga mamnuuco wadista gaariga, isla xiligaa waxaa 4 jeer MINDI caloosha ka geliyay nin ay MARFISH ku yaala Galbeedka London ay isku dagaaleen.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu bartiisa FACEBOOK soo geliyay in uu wax ka bartay jaamacada London Metropolitan University ku taala Waqooyiga London, isagoo ku taqsusay Community leadership & Development at London Metropolitan University.

SolaPortal oo tiigsaneysa sharciga XORIYADA MACLUUMAADKA ama FREEDOM OF INFORMATION ACT, waxay Jaamacada si sharciyi ah uga codsatay shaqsi la yiraahdo ABDI OOG YAASIIN ama ABUKAR AWALE macluumaadkiisa, xiliguu wax ka bartay iyo qalin jebintiisii, jawaabtii aan helnay waxay ahayd THERE IS NO RECORD!, shabakada SolaPortal.com oo ilaalineysa sharciga DATA PROTECTION ACT 1998 ee ilaalinta aqbaaraadka qaaska ah ee shaqsiga, waxaan soo bandhigi kari weynay macluumaad aqristayaasha ay la yaabi lahaayeen oo sharciga UK uu noo diiday.

Abdi Oog/Abukar Awale wuxuu sanadkii 2006 bilaabay ol-olaha ka soo horjeedka cunista iyo ka ganacsiga qaadka, wuxuuna ka qeyb galay kulamada jaaliyadaha UK iyo YURUB, xiligaa oo dadka inta badan ay barteen magacan cusub ee ABUKAR AWALE oo lagu magacaabo shaqsi ku nool wadanka USA gobolka OHIO, kaasoo ah magaca uu ku joogo wadanka UK.

Taariikhda la dagaalanka muqaadaraadka QAADKA way ka horeysay ABDI OOG/ABUKAR AWALE, waxaa waday dad Somali ah oo ku nool wadanka UK, aqri qoraalka hoose oo aan dhjowr sano ka hor ka diyaarayay arimahan.

 

 


 

Qoraalka aan ka diyaariyay 2016 wuxuu ku bilowday sidan:

Abukar Awale marar buu iloowaa MUGIIISA iyo magaca uu ku leeyahay bulshada Somaliyeed,taasoo uu kaga duwan yahay dadka caadiga ah ee aan la aqoon,waxaa muhiim ah in uu marwalba xusuusto in hadaladiisa iyo ficilkiisa meel dheer gaaro.

Mr Awale waxaan aqaanaa waqti aad u dheer ma ahan shaqsi xun ama dhib badan,arimaha qaadkana waa mid uu geliyay waqtigiisa iyo maalkiisa,runtiina dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa ku taageersan.

Abukar waxaa lagu tilmaami karaa "Loose Cannon" oo micnaheedu yahay "an unpredictable or uncontrolled person who is liable to cause unintentional damage" qof aan laysku halayn karin,aan is maamuli karin,mar walbana waxyaabaha uu ku dhaqaaqo dhibaata keena isagoon ugu tala gelin"

 

Mr Awale aad baan u taageeraa ilaa iyo hada,waxaa jirta VIDEO aan ka sameeyay waqti hore,anigoo ku amaanay in uu yahay,"HERO OF MANY" ama "GEESI DAD BADAN"hoos ka daawo.

Ugu horeyn Mr Awale QAAD kama joojin wadanka boqortooyada UK!,hadii uu yiraahdo waan ka joojiyay ha soo badhigo qaabka uu u joojiyay,wadanka Ingiriiska muqaadaraadka looma joojiyo qof ayaa mudaaharaad sameeyay ee waa wax waqti dheer la baaro isla markaana la ogaado dhibaatooyinka uu bulshada,ka dib barlamaanka ayaa ka dooda oo sharci ka soo saara.

Arimaha la dagaalanka Qaadka waxay bilowdeen waqti aad u fog,xiligaa Abukar Awale wadanka Ingiriiska kuma noolayn,waxaa arimahaa waqti ku dhow 20 sano daba socday Mr Mohammed Dualeh oo ka bilaabay Somali Youth Association  Butetown, magaalada Cardiff ee wadanka Wales,RIIX HALKAN:

Arimahan waxaa si wadajir ah u bilaabay jaaliyaddaha YEMEN iyo SOMALIDA ku nool CARDIFF,sidaa awgeed hadii Mr Awale uu yiraahdo aniga ayaa bilaabay isla markaana mamnuucay QAADKA,taa runta way ka fogaaneysaa.

Abukar Awale waxaa lagu xiray JABUUTI iyo SOMALILAND,isagoo isla waqtigaa laga joojiyay in uu ka qeyb galo shirarka qaad joojinta,hoos ka dhegeyso isagoo xabsiga ku OOYAYA.

Waxyaabaha kale ee ABUKAR AWALE lagu arkay waa isagoo ADKEYSIGIISU aad u yaryahay oo qofkii ra'yi ka duwan u soo bandhiga uu hore BLOCK FACEBOOK AMA UN-FRIEND KA DHIGA saaro,eeg sawirada hoose:

 

Waqtiyadan dambe Abukar Awale waxaa lagu arkay isagoo ka baxay arimaha ololaha qaad joojinta,taasoo taageerayaashiisa ay u arkeen in uu yahay shaqsi aan xamili karin magaca uu bulshada Somaliyeed ku leeyahay,tusaale ahaan bilowgii sanadkan xili ay socdeen dagaaladii PUNTLAND iyo AL-SHABAAB,qoraalo uu FACEBOOK soo dhigay Mr Awale, runtii dad badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa arimaha uu ku dhaqaaqay u cuntami weyday,eeg sawirad hoose:

Dad badan ayaa ka carooday qaabka uu gabdhaha u wareyso marka uu leeyahay QALANJADA ama QAADKA,waxyaabo waxaa jira aan laga hadlin hadii la eego dhaqanka Somaliya,laakiin hadii aad tiraahdid nimanka JAADKA cuna SARIIRTA kuma wanaagsana ama wax ma taraan,taasi waxay dabooleysaa arimiha ololaha joojinta qaadka,daawo clipka hoose:

Dhanka kale Abukar Awale wuxuu inta badan ka hadlaa in KENYAATI iyo SOMALI ay u hanjabeen oo la yiri waa lagu DILAYAA!,runtii ma jiro qof raba in Abukar uu dilo,waa maxay sababta loo dilayo? Abukar Awale QAAD kama joojin KENYA,ra'yi ahaan waxaa fiicnaan lahayd in uu iska dhaafo hadalada faraha badan ee uu ku leeyahay waa la ii HANJABAY oo in la i dilaa la rabaa, DAAWO

Markii uu ku soo caan baxay warbaahinta waxaa soo kordhay in uu yeesho CADOW aad u farabadan oo ku eeday in uu yahay QABIILISTE, iyadoo laysku dayey in codkiisa la bedelo, shabakada SolaPortal.com way difaacday ABDI OOG/ABUKAR AWALE. dhegeyso CODKA la yiri waa ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

Ka dib waxaa shabakada SOLAPORTAL.COM soo gaaray VIDEO la yiri waxaa laga duubay PALTALK 2001 oo shaqsi la magac baxay WIIL SADEuu af-lagaadeynayo QABAA'ILO aad u farabadan,hoos ka daawo.

 

Waxaa kale oo shabakada SolaPortal soo gaartay aqbaar aan weli xaqiijin oo ku eeday Mr ABDI OOG/ABUKAR AWALE in uu sameeyay lacag ururin farabadan oo ilaa iyo hada aanu xaqiijin sida loo isticmaalay, tan arimaheeda weli la daba socdo waa LACAG URUURINTII GO FUND ME.

 

ABDI OOG/ABUKAR AWALE markii ugu horeysay ee aan arko waxay ahayd xili uu baadi goobayey shaqa barad ama work experience uu u soo daantay UNIVERSAL TV, intaa ka dibna waxaan ku arkaa TVyada Somalida ee ka hawl gala magaalada London, isagoo inta badan ka shaqeysta dhanka XAYEEYSIINTA DUKAAMADA iyo SHAQSIYADAHA leh ganacsiyada kala duwan.

 

Ugu dambeyn waxaan qoraalka ku soo af-jarayaa in shaqsi walba oo magac ku leh bulshada uu leeyahay taariikh aan qarsoomin oo macluumaad walba si fudud loo heli karo hadii wado sharci ah loo maro, waxaan kaloo aqristayaasha SolaPortal ee soo codsaday taariikhda ABDI OOG/ABUKAR AWALE u sheegayaa in macluumaadkiisa intaa ka sii weyn tahay oo aan lagu soo koobi karin hal qoraal oo laga diyaariyo, muhiimad ugu weyn ee qoraalka wuxuu ahaa in marwalba codsiga aqristayaasha faraha badan ee ku xiran shabakada aan tix gelino, iyadoo la tix gelinayo shaqsiga baaritaanka lagu wado.

SolaPortal.com waa shabakada keliya si PROFESSIONAL ah u sameysa baaritaan ay la socdaan xaqiiqada, hadii ay ahaan lahayd sawiro ama VIDEO, mar walbana waxaan fursad siinaa shaqsiga ay quseyso hadii uu doonayo in qoraal jawaab ah shabakada u soo diro si aan u soo gelino wixii qalad ahna aan saxno ama raali gelin ka bixino.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

 

ABDI OOG/ABUKAR AWALE IYO SOLA ISKU DHACOODA HALKUU KA BILOWDAY?

$
0
0

Asxaab badan oo baraha SOCIAL MEDIA ayaa waxay iga codsadeen in aan u soo bandhigo siday wax ku bilowdeen iyo meesha layskala qaaday, runtii dad badan way ku jahawareereen oo waxay isku dayeen in arintaan ay uga hadlaan si daacadnimo ah oo cadaalada waafaqasan, laakiin waxay fahmi waayeen yaa DHAGAX TURRIDA bilaabay iyo qaabkee laysugu jawaabay,nasiib wanaag wixii COMPUTER lagu soo qoro waxay marwalba wataan oo aan laga been sheegi karin SHAABAD iyo meeshii hore loogu soo qoray hadii aan laga saarin, saa awgeed shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa sida ay ku bilowdeen arimahan foosha xun ee ABDI OOG/ABUKAR AWALE uu ku kacay oo wada qabsatay dhamaan baraha bulshada.

Sidaan hore idinku qeexay ABDI OOG wuxuu UNFRIEND Facbeook iga dhigay waqti aad u fog oo aan dhihi karo waxaa laga joogaa dhow sano,waxaa is weydiin leh muxuu UNFRIEND kaaga dhigay? jawaabta waa sawirka hoose oo aan soo geliyay bartayda aan ku leeyahay Facebook.

 

Sidaa awgeed maba isku aragno Facebook,sheekada iminka cirka isku shareertay waxay bilaabatay 2dii Janaayo 2018, xili uu IBRAHIM BAAFO soo qeybiyay ama SHARE gareeyay VIDEO isaga iyo ABDI OOG /ABUKAR AWALE ay isaga duubeen XAMAR iyagoo daba ordaya GAARI QAAD ka buuxo.

 Qoraalkeyga iyo Videowga wuxuu ahaa sida aad dusha ku aragtaan "BAAFO IYO ABUUKAR CAWAALE MAXAA KA QALDAN?" MACBUUDKOOW!, dad aad u farabadan ayaa COMMENTS ka bixiyay oo ay ka mid ahayd FANAANADA AMINA SINDACO oo isla COMMENTIGII ay bixisay uu ugu jawaabay ABDI OOG/ ABUKAR AWALE.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE sidaad sawirka dusha ku aragtaan wuxuu 3 JANAAYO 2018 15:22 SOMALI TIME uu bixiyay COMMENT CUNSURI iyo AF-LAGAADA ah oo uu ku caynayo xaaska ABDINASIR ISMAIL.

Shabakada solaportal.com oo ah mid aan ku qoro INVESTIGATION nooc walba ah waxaan ka qoray faalo aad u dheer oo aan ku baaray taariikhda ABDI OOG! taariikhda iyo waqtiga si fiican u eega.

Baaritaanka aan ku sameeyay ABUKAR iyo QORAALKA AF-LAAGADADA uu soo qoray waxay kala dhaceen:

AF-LAGAADADIISA 3 Janaayo 2018 15:22 Somalia Time,qoraalka SolaPortal 3 Janaayo 2018 20:20 UK Time, xusuuso Somali iyo UK xiligaan waxaa u dhexeeya 3 SAAC.

Qoraalka SolaPortal oo aad ka eegi kartaan HALKAN. waxaad ka dhex eegtaan CAAY ama AF-LAGAADO loo geystay ABDI OOG.

Ka dib waxaa arinta soo dhex galay shaqsi labadeenaba saaxiib nala ah oo rabay in uu xaalka dejiyo, FACEBUUGIISA ayuu sawirka hoose soo dhigay, waad aragtaan jawaabaha uu ka helay ABDI OOG.

Bal qoraalkii SolaPortal ku laabto oo ka soo saara meel ay ku qoran tahay CAAY loo geystay ABDI OOG/ABUKAR AWALE!

Ka dib waxaa ku xigay CODKII aad wada dhegaysateen ee FACEBOOK aan soo dhigay oo sida sawirka hoose aad ku aragtaan uu iigu soo dubbay FACEBOOK MESSENGER KHAMIIS 4.1.2018 : 17:34.

Ka dib VIDEOWGII uu is lahaa ABDINASIR ku biiqso markii aan reer FACEBOOK u soo bandhigay, xaalkii ayaa ku adkaaday oo wuxuu soo qoray GOOGIN iyo GACMAHAAN ka hadlayaa.

ABDI OOG/ABUKAR AWALE wuxuu AF-LAGAADO aad u foolxun kula kacay QOYSKEYGA kaasoo isugu jira CUNSURINIMO iyo isagoo qoyskeyga ku tilmaamay in aan MUSLIM ahayn, waxaan idin xaqiijinayaa kuwa waaweeyn iska daayee, saqiirka 6 da sano jira INTA UU TUKADAY ama MASAAJID uu tagay waxaan filayaa in ABDI OOG aanu tegin.

Su'aasha kale waa MA COD BAAN KA DUUBAY? MAYA, sharciga UK si fiican ban u aqaan, laakiin nasiib wanaag isagaa ii soo duubay, sababta aan usoo dhigey FACBOOKNA waa in umadda ay arkaan shaqsigan dhaqankan SOMALIDA aan lagu aqoon la soo baxay.

Hadalka uu ii soo duubay iyo qoraalkiisa dusha si fiican u eeg, wuxuu isku dayey in dadka uu ka dhaadhiciyo in ABDINASIR uu af-lagaadeeyay XAASKIISA, weligay DUMAR iska daayee RAG xitaa ma af-lagaadeeyn, cidii haysa cadeyn fadlan soo dhiga barteyda FACEBOOK.

Xaalkii marka uu ku xumaaday wuxuu isku dayey in uu SUUQA soo geliyo, ABDINASIR baa dad igu soo diray oo waa la ii GOODIYAY, ma ogeyn in QAAD WALAYAASHA Muqdisho ay ii shaqeeyaan.

Ka dib ABDI OOG/ABUKAR AWALE cadaadis xoog leh ayaa meel walba kala soo dirsay UK ilaa iyo SOMALIYA,iyadoo anigana la iga codsaday in aan arinta dejiyo.

Aniga codsigeyga waxaan iri waxaan GARTA saaartay dhamaan Somali weyn, hadii aan qalad galay waxaan balan qaaday in aan FACEBOOK LIVE ah ku RAALI GELIYO,laakiin markii uu ogaaday in xaalku uu ku xun yahay ayuu wuxuu bartiisa FACEBOOK soo dhigay qoraal uu islahaa waa RAALI GELIN, laakiin ah ah mid QIIQ isku qaris ah.

 

Tan waa dhereg dhacsi, ninka raga ah hadii uu qalad galo waa in uu RAALI GELIN 100% aan geed loogu soo gaban uu bixiyaa, laakiin HEBE WAAN CAFIYEY iyio REER MUDUG baan ahay waa JEES-JEES iyo dhereg dhacsi.

Aniga ABDINASIR ahaan sidaan hore u sheegay hadii la iga gar helo waxaan diyaar u ahay in 100% RAALI GELIN VIDEO ah aan duubo, laakiin CADAADIS weligay kuam shaqeyn mana dheceyso in arinaan ay halkan ku dhamaato.

Ugu dambeyn maxaa ii banaan? wadanka UK oo aan ku wada nool nahay sharci baa lagu kala baxaa, ma jirto GACAN KA HADAL iyo AK47 laysku tuuro, aniga qorshaheyga dhanka sharciga oo hore aan u sheegay waa ii diyaarsan yahay, hadii ay ahaan lahayd JAAMACADIHII lacagta deeynta ahayd laga qaatay oo aan la dhigin, shaqooyinka been abuurka iyo lacagaha dowlada aan loo sheegin, sidaa awgeed RAGU haday is baranayaan.

ABDI OOG qoyskiisa waxba igama galabsan, lagamana yaabo qoys arimahooda in aan galo, laakiin waxaa igu balan ah in mar dambe aanu qof kale qoyskiisa ku af lagaadeeyn SOCIAL MEDIYAHA.

Dhamaan asxaabta aqrisay qoraalkan idinkaa GARSOORKA la idiin dhiibay, aniga weli albaabkeyga waa furan yahay, hadii uu RAALI GELIN 100% bixiyo sheekada halkan ayay ku dhameenysaa, hadii kale xaalku waa BARIGA DHEXE.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

FAKE NEWS IYO WARBAAHINTA SOMALIDA! SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Wasiirkii dowlada NAZI ga Jarmalka u qaabilsanaa arimaha dacaayadaha Joseph Goennels wuxuu yiri "“If you tell a lie big enough and keep repeating it, people will eventually come to believe it" kaasoo hadii la fasiro u dhow " hadii aad sheegto been aad u weyn oo marar badan aad ku cel-celisid, ugu dambeyn dadku way aaminayaan", saa awgeed ayaa sanadadii ugu dambeysay waxaa warbaahinta nooc walba ah ku soo kordhay wararka been abuurka ah ama FAKE NEWS, kuwaasoo loo isticmaalo nooc walba oo warbaahin ah, hadii ay ahaan lahayd TV, JARAA'IDYADA iyo SOCIAL MEDIA. Warbaahinta Somalida ayaa ku biirtay isla markaana maalin walba soo bandhigta waxyaabo si fudud looga dhaadhicyo bulshada ku xiran warbaahinta.

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa FAKE NEWS aad u farabadan iyo sida lagu ogaan karo.

Sababaha ugu badan ee loo abuuro FAKE NEWS waa iyadoo la doonayo in dadka laga dhaadhiciyo wax aan jirin si loo gaaro hami uu shaqsi ama dad jamac ah ay leeyihiin.

Qoraalo kala duwan ayaan ka diyaarinay arimahan FAKAE NEWS oo ay ka mid yihiin kuwan hoose:

RIIX LINKIYADA HOOSE SI AAD U AQRISID QORAALADA:

 

Shabakada SolaPortal waxay hore u soo bandhigtay qoraalka hoose oo BEEN ABUUR ah, kaasoo la yiri waa wada shaqeynta AL-SHABAAB iyo SOMALILAND.

WADA SHAQEYNTA SOMALILAND IYO AL-SHABAAB EE LA YIRI WAXAA SOO QORAY WARIYAAL SWEDISH AH MAXAA KA JIRA?

 

Shabakadan waxay kaloo soo ogaatay waraaqo BEEN ABUUR ah oo la yiri waxaa ku wada hadlay waaxda jinsiyada Somaliya iyo Wasiir Waran-cade

WARAAQDA WARAN-CADE U DIRAY GENERAL GAAFOW EE BAASABOORADA MAXAA KA JIRA?

 

Waxaa kaloo aqristayaasha shabakada ay aad ula dhaceen aqbaartii aan ka diyaarinay doorashada Somaliland iyo FAKE NEWS. 

DOORASHADA SOMALILAND IYO FAKE NEWS !

 

SolaPortal waxay soo bandhigtay BEEN ABUURKA fariimaha Facebook iyo sida loo sameeyo.

MAXAA KU QASBAY ABDULLAHI XIIREY IN UU DURAN FARAH BEEN ABUUR KAGA SAMEEYO FACEBOOK MESSAGE ?

 

Arimaha BEEN ABUURKA oo qaarkood u badan rag iska dhicis ayaa SolaPortal ay waqti dheer gelisay si ay banaanka u soo dhigto, qoraalka hoose waxaan ka diyaarinay arimo ka dhacay wadanka Masar oo la yiri dad Somali ah ayaa KELIYAHA lagala baxaa.

ARINTA DADKA LA YIRI KELIYAHA AYAA LAGALA BAXAY EE MASAR MAXAA KA JIRA?

 

Fake news waxaa inta badan loo isticmaalaa in hay'adaha dowlada iyo ganacsata baad looga qaado, qoraal BEEN ABUUR ah oo laga sameeyay safaarada Somaliya ay ku leedahay wadanka Turkida.

MAXAA KA JIRA WARAAQDA LA YIRI WAXAY KA SOO BAXDAY SAFAARADA SOMALIYA EE ANKARA OO LOO QORAY SHAQSIGII ISKU QARXIYAY DAALLO AIRLINE?

 

SolaPortal waxay ku guuleysatay in ay soo bandhigto shaqsiyo ONLINE dadka ku BIIQSADA isla markaana shaqo ka dhigtay in RAG iyo DUMARBA ay dabin u dhigtaan.

MAXAA KA JIRA AXMED KALAAY OO LA YIRI GABADHIISA AYUU KUFSADAY?

 

SolaPortal waxay aqristayaasheeda u soo bandhigtay waraaq BEEN ABUUR ah oo laga sameeyay Madaxweynaha Puntland Dr Gaas.

WARAAQDA BEEN ABUURKA AH EE MADAXWEYNAHA PUNTLAND LAGA SAMEEYEY IYO DACWADA BADDA SOMALIA IYO KENYA

 

Sababaha ugu badan ee kalifay FAKE NEWS waa iyadoo dadka baahiya ay ka dambeeyaan dad awood siyaasad ama ganacsi leh oo doonaya in dagaal dahsoon ay ku qaadaan dad ay kaga guuleysan waayeen waxa runta ah ee jira.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aan ka bartay CIJ oo ah The Centre For Investigative Journalism, waxaa ka mid ahaa in dadka sameeya FAKE NEWS marwalba ay QALAD galaan ama MISTAKE ay sameeyaan, waxaa laga doonayaa wariyaha in uu BEENTAA qarsoon soo saaro.

Tusaalaha hoose oo ah CLASSIC FAKE NEWS si fiican u eeg, waxaa la faafiyay waraaq BEEN ABUUR ah oo la yiri waxay ka soo baxday xafiiska RA'IISAL WASAARAHA oo lagu dhiibay QALBI DHAGAX, si fiican u eeg seddexda sawir:

Iminka aan isla eegno waraaqda ay PHOTOSHOP ku masaxeen si ay uga been abuurtaan xafiiska RA'IISAL WASAARAHA, iyagoo aqristayaasha ka dhaadhiciyay in ay eegaan saxiixa Mr Kheyre:

Waraaqda dusha waa mid sax oo dhanka dambe ka wadata ASTAANTA QARANKA, PHOTOSHOP si fiican uma aqoon oo way dulsaari kari waayeen.

Warbaahinta ka hawl gasha magaalada Muqdisho waxay soo qoreen iyagoon wax cadeyn ah soo raacin ama oran aqbaar aan ka helnay ILA HOOSE "SOURCE" qoraalada hoose oo mas'uul ka tirsan nabad sugida Somaliya ay ku eedeen in lagu qabtay isla markaana lagu xiray Muqdisho ka dib markii lagu helay BOORSO ay ku jiro 1 MALYUUN DOOLAR oo ula dhoofayey TURKEY ama BAYDHABO!, ugu horeyn aan isla eegno labada qoraal ee BEEN ABUURKA ah.

 

Isla shaqsigii ay BEEN ABUURKA ka sameeyeen ayaa waxaa la arkay isagoo maalin ka dib xilka ku wareejinaya Taliyaha cusub ee NISA, raali gelin kama aysan bixin cid u soo raacdayna ma jirto.

Tii ugu yaabka badneyd ee maalmihii ugu dambeeyay aan ku aragno baraha INTERNETKA waxay ahayd mid runtii lagu tilmaami karo WAALI, wasiirad ka tirsanaan jirtay dowladii hore ee Somaliland oo lagu magacaabo Mrs SAM-SAM CABDI AADAN ayaa warbaahin aad u farabadan ay soo tabiyeen in ay ku sugan tahay caasimada SOMALIYA Muqdisho "shabakada SolaPortal waxba uma aragto in ay tagto Muqdisho" laakiin inagoo baaritaanka sii wadna waxaan aragnay arimahaas in ay ahaayeen kuwa runta ka fog.

 

Markii arimaha BEEN ABUURKA ah ee laga sameeyay Mrs SAM-SAM CABDI AADAN ay cadaatay ayaa isla warbaahintii soo daabacaday waxay isku dayeen in ay la yimaadaan cadeyn ay ku soo bandhigayaan in ay ka dhooftay MUQDISHO iyadoo TRANSIT ku sii ah ISTANBUL ka dibna DUBAI ay u gudubtay, bal aan isla eegno cadeymaha ay soo bandhigeen.

Bal indhaha ku dhufo sida qada madow ay u isticmaaleen, iyagoo isku dayey in magaca gabadha ay raaciyaan, tan kale waxaan mooday in aan ku jirno bishii FEBERAAYO oo maxay u ilooween in ay ka bedelaan 16 agoosto?, waxaa ka sii darn FLIGHT FROM MOGADISHO to DUBAI VIA ISTANBUL ileen TURKISH AIRWAYS si toos ah ugama duusho MOGADISHO iyadoo u socota DUBAI!.

Waxaan ku waanin lahaa dadka PHOTOSHOPKA si fiican u aqoon in ay ku soo biiraan shabakada solagroups.com oo lagu bari doono sameynta TIKITYADA BEEN ABUURKA ah ee RUNTA u dhow.

Shabakada SolaPortal waqti aad u badan ayay gelisay in ay soo bandhigto FAKE NEWS, kuwa ugu xiisaha badan waxaan soo dhigaa BARTEYDA FACEBOOK oo aad ka eegi kartaan LINKIGA HOOSE: 

FAKE NEWS FACEBOOK LINKS

 

Hadii aad ka shakisid SAWIR, VIDEO ama QORAAL aad isleedahay waa FAKE NEWS, fadlan email u soo dir solaportal@gmail.com si aan u sameyno baaritaan.

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

 Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com

 

DP WORLD IYO DEKADAHA GEESKA AFRIKA! SOLA INVESTIGATES

$
0
0

 

Shirkada weyn ee DUBAI PORT WORLD "DP WORLD" oo laga leeyahay Imaaraadka Dubai ayaa ka hawl gasha 77 dekadood iyo 40 wadan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala,shirkadan baaxada weyn leh waxaa la dhisay sanadkii 2005, iyadoo ay ku biireen DPA "Dubai Ports Authority iyo DPI "Dubai Ports International oo dhidibada loo taagay sanadkii 2009. Waxay sanadkii 2006 iibsatay shirkada P&O Group ee wadanka boqortooyada UK. Isla sanadkaa waxay isku dayeen in ay la wareegaan dekadaha ku kala yaala Bariga iyo Galbeedka wadanka Mareykanka iyagoo aan ku guuleysan ka dib markii aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka uu ku gacan sayray.

 

DP WORLD waxay sanadkii 2006 la saxiixatay isla markaana ay furtay 2009 kii dekada DP World’s Doraleh container terminal oo ku taal cirifka koofureed ee bada cas,kaasoo DP WORLD iyo JABUUTI ay ku heshiiyeen in DP WORLD ay maamusho mudo 30 sano ah.

Sanadkii 2012 waxaa soo dhex galay xarguf aad u weyn DP WORLD iyo dowlada Jabuuti, iyagoo ku eeday in Abdirahamn Boreh oo ah ganacsade reer Jabuuti degana magaalada Dubai isla markaana ahaan jiray madaxa Dekadaha iyo goobaha canshuur xorta "Free Zone" ee Jabuuti intii u dhexeysay 2003 ilaa 2008 lagu eeday in uu si sharci dara ah uga faa'iiday qaabkii loo saxiixay heshiiska.

2014 dowlada Jabuuti waxay DP WORLD mar labaad ku dacweysay Maxkamada dhex-dhexaadinta London "London Court of International Arbitration", iyadoo labada jeerba looga guuleystay dowlada Jabuuti.

Sida la ogyahay saamiga dekada BORALEH wuxuu ahaa 67% Jabuuti iyo 33% DP WORLD,iyadoo maareeynta dekada ay gebi ahaan gacanta ugu jirtay DP WORLD.

23.2.2018wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa xaqiijisay in ay si toos ah ula wareegeen maamulkii Dekada Boraleh, taasoo walaac aad u weyn ay ka muujiyeen dowlada Dubai oo ah milkiilaha DP WORLD.

Ma ahan markii ugu horeysay oo DP WORLD ay lumiso dekad ku taala gacanka cadmeed iyo bada cas, sanadkii 2012 waxay joojisay heshiis 30 sano ah oo ay la gashay dowlada Yemen si ay u maamusho dekada CADAN oo uu u saxiixay madaxweynihii hore ee Yemen CALI CABDALLA SAALAX, heshiiskaa wuxuu shaqeeyay oo keliya mudo 4 sano ah.

DP World signed a 30-year concession agreement to manage the Port of Berbera in May 2016. In September 2017, the port recorded a 40 per cent year-on-year increase in container volumes – the highest total volumes in the port’s history.

DP WORLD waxay heshiis 30 sano ah la saxiixday SOMALILAND bishii Maajo 2016, bishii September 2017, dekada Berbera ganacsigeeda waxaa ku kordhay boqolkiiba afartan, kaasoo ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dekada.

Heshiiska DP WORLD iyo SOMALILAND wuxuu ahaa mid waqti hore bilowday, 2017 dii  jaraa'idka ganacsiga ee BLOOMBERG ayaa JUUNYO 2017 qoraal aad u dheer ka qoray isla markaan soo hadal qaaday in ITOOBIYA ay doonayso saami ay ku yeelato dekada BERBERA.

Muranka ugu weyn ee arimaha dekada BERBERA waxay bilowdeen markii la saxiixay heshiiska seddex geesoodka ah ee SOMALILAND - ITOOBIYA iyo DP WORLD kaasoo ka dhacay magaalada DUBAI oo ah xarunta DP WORLD, qaabka heshiiska oo ahaa in SAAMIGA ugu badan ay yeelato DP WORLD kaasoo ah 51%, Itoobiya 19% iyo SOMALILAND oo ay u soo hartay 30%

Xiliga saxiixa uu dhacay waxaa ku sugnaa caasimada UAE magaalada ABU DHABI, ra'iisal wasaaraha Somalia Mr HASSAN ALI KHEYRE oo gebi ahaan sida la soo wariyay aan ka warqabin siday wax u dhaceen.

Dowlada Somaliya ayaa go'aan aad u adag ka soo saartay heshiiska seddex geeska ah, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay mid sharci daro ah oo wax u dhimaya heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa nabada wadamada deriska ah.

 

Hadalka ka soo yeeray dowlada Somaliya waxaa si kulul uga jawaabay Madaxa guud ee DP WORLD Sultan Ahmed Bin Sulayman oo ku tilmaamay in Somaliland ay tahay wadan madax banaan oo baarlamaankooda ay go'aankan si wadajir ah u gaareen, waxba nagama gelin hadaladan ka soo yeeray SOMALIYA, wax ay ka qaban karaan haba yaraatee ma jirto ayuu yiri.

Dowlada Somaliya ayaa dacwad u gudbisay jaamacada Carabta oo shir uga socday xaruntooda magaalada QAAHIRA, iyagoo ku tilmaamay arintan ay Dowlada DUBAI ay ku dhaqaaday in ay tahay mid carqalad ku ah jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaliyeed.

Madaxweynaha Somaliland Mr Muse Bihi ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Mr Khaire in uu yahay "declaration of war" ama mid dagaal raadis ah, madaxweyne Bihi oo ka hadlay xaflada maalinta haweenka aduunka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa yiri, xoriyadeena waxaan ku helnay dhiiga kumaan kun caruur Somaliland ah, iyadoo hadalka ka soo yeeray Kheyre uu yahay mid lagu wiiqayo xoriyada Somaliland.

Jaraa'idyada aduunka ayaa si aad ah u hadal haya arimaha ganacsiga iyo siyaasada oo ay ku loolamayaan TURKIDA iyo IMAARAADKA CARABTA oo laga yaabo in dagaalo si lama filaan ay uga dhex qarxaan xulafada Qaliijka iyo kuwa ka soo horjeeda, taasoo dhibaato aad u weyn u keeni doonta dadka ku nool mandaqada geeska Afrika.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

 La xiriir: solaportal@gmail.com

 

WARAAQDA BEEN ABUURKA AH EE MADAXWEYNAHA PUNTLAND LAGA SAMEEYEY IYO DACWADA BADDA SOMALIA IYO KENYA "SOLA INVESTIGATES"

$
0
0


    gasSida aan la wada socono maalintii ISNIINTA 13.7.2015 Somaliya waxay maxkamada caalamiga ah ee garsoorka u gudbisay dacwadd ka dhan ah wadanka Kenya,taasoo ay isku mari waayeen  xuduudd badeedaka ay wadaagaan labadan dal ee Somalia iyo Kenya,arimahan oo socday  waqti aad u dheer ayaa lagu wadaa in go,aanka uu soo bixi doono markii labada dhinac ee is haysta arimahooda la wada maqlo.


   


    Hadaba iyadoo arimahan aan kor ku soo xusnay ay jiraan ayaa waxaa lagu arkay baraha SOCIAL MEDIA iyo shabakadaha Somalida ay leeyihiin waraaq BEEN abuur ah oo laga sameeyay Madaxweynaha PUNTLAND STATE OF SOMALIADr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,iyadoo la yiri wuxuu waraaq  taageero ah u diray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta,isagoo ku taageeraya dacwadan ay Somalia u gudbisay maxkamada ku taala magaalada HAGUE wadanka HOLLAND.


Hadii aad eegtaan sawirka hoose waxaan ku aragnaa waraaqda BEEN ABUURKA ah ee laga sameeyay Madaxweynaha PUNTLAND:


Sidaan ku aragno waxaa lagu soo qoray INGIRIIS NAXWIHIISA uu aad u liito,iyadoo la isticmaalay waraaq JAALE/YELLOW ah.


 Iminka aan isla eegno inta qalad ee aan ku aragnay waraaqdan BUGTA ah, tan iyo intii aan baarista ku wadnay.
   


  1- Taariikhda waraaqda la qoray eeg: 18 AGOOSTO 2014,dacwada waxaa la furay ISNIIN 13.2015, tabcan arimahan waqti hore ayey bilowdeen,maxaa keenay in iminka la soo geliyo barta FACEBOOK iyo SHABAKADAHA?


  2- BOROTOCOLKA ma dhigayo in REFRENCE xafiis Madaxweyne laga soo isticmaalo,eeg sawirka hoose sida xafiisyada dowlada ay waraaqaha u qoraan:

   

 

  3- SUBJECT: waxaa ku qoran IN SUPPORT - taasoo aan ahayn mid FORMAL ah oo loo diri karo HEAD OF STATE ama Madaxweyne wadan,Subject waxaa loo isticmaala waxyaabaha ganacsiga iwm.


4-5 Saxiixa madaxweynaha iyo magaciisa si fiican u eeg! waxa hoos yaala LABA SAWIR - SAXIIX sax ah iyo mid been abuur ah:

 


  Iminka aan isla eegno shaqsiga waraaqda BEENTA ah soo qoray,isagoo isku dayey in uu isticmaalo PHOTOSHOP,laakiin aqoontiisa ay aad u yar tahay:

WARAAQ -1

   

WARAAQ -2  Xiliga lagu sameeyay PHOTOSHOP oo aan qoraalka Ingiriiska ee NAXWIHIISA qalafsan aan la gelin!
   


  Iminka wixii aan doono ayaan ku qori karaa,bal eega sawirka hoose!
   


Waraaqaha SAXA ah ee ka soo baxa xafiiska Madaxweynaha, waxay u qoran yihiin qaab ka duwan kuwa been abuurka ah,iyadoo shaqsiga soo qora aan baaritaan dheer sameyn,ujeedadiisa waa BEEN ABUUR iyo NACAYB,taasoo aanu gelin waqti aad u dheer, waxaana hore loo yiri BEEN BADAN SHEEG,RUN AYAY ISU BEDELI,waxyaabaha iigu yaabka badnaa xiligii aan baarista waday waa BARTA FACEBOOKoo dad qaarkood ay aamineen waraaq YELLOW OFFICIAL AH.

Sawirka hoose waa mid ka mid ah waraaqaha rasmiga ah ee ka soo baxa MADAXTOOYADA SOMALI STATE OF PUNTLAND.

 Ugu dambeyn si aan u fahamno nuxurka qoraalka, eega sawirka hoose ee BADDA ay SOMALIYA iyo KENYA ay isku haystaan.
   

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Wixii macluumaad ah fadlan la xiriir EMAILKA HOOSE:

solaportal@gmail.com

 


    

DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY? SOLA INVESTIGATES

$
0
0

Sida aad ku aragteen baraha SOCIAL MEDIA qaas ahaan FACEBOOK iyo YOUTUBE waxaa bisha barakeysan ee Ramadaanka afka furtay DAAHIR CALLASOW oo dadka inta badan ay u yaqaanaan Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO, kaasoo ABDINASIR ISMAIL "SOLA" maalin walba oo bisha barakeysan lagu jiro isaga iyo kuwa Magafe ka soo fakaday ay isku dayeen in sidii dadkii hore  ugu BIIQSAN jireen ONLINE ay isku dayaan, laaakiin waxaa ka raacday fashil aad u weyn iyo iyagoo inta ay daaleen iska aamusay, laakiin su'aalaha ugu badan ee lays weeydiinayey waxay ahayd DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY oo waqtigiisa uu u geliyay shaqsi aan hal eray ku soo qorin SOCIAL MEDIA?

Jawaabaha oo buuxa waxaad ka aqrin doontaan shabakada solaportal.com oo aad uga barateen xaqiiqda baarista.

Aniga shaqsiyan Dahir Callasow waxaan is baranay waqti iminka laga joogo 6 sano xiligaa oo uu ku soo biiray shabakada solagroups.com ee laga barto cilmiga ICT iyo ENGLISH, wuxuu aad u xiisaynayey barashada daraasaadka Computerada oo dhowr sano aan ku baray kuwooda fudud ama basic IT skills.

Markii ugu horeysay ee aan is aragno waxay ahayd bishii November 2015 aniga iyo asxaab kale oo ku sii socona magaalada Rotterdam oo ay ka jireen cayaaraha kubadda cagta, runtii si wanaagsan ayuu gurigiisa noogu soo dhoweeyay, qaas ahaan xaaskiisa oo ahayd qof runtii aad gurigeeda inoogu soortay sidii lagu yaqaanay gabdhaha Somaliyeed ee loo martiyo.

Hadii aan iraahdo waxaan qoraal ka sameynayaa taariikhda DAHIR CALLASOW iyo shaqsiyadiisa waxaa filayaa in aan u baahanahay 100 qoraal oo noocan ah, laakiin muhiimada qalinkan waa "DAHIR CALLASOW MAXAA KA XANAAJIYAY"?

Arimaha af-lagaadada WAALIDKEYGA,WALAALAHEYGA,XAASKEYGA IYO CARUURTEYDA wuxuu bilaabay wixii ka dambeeyay OKTOOBAR 2017 oo ahayd waqtigii aan ka qaaday wareysigii LIVE ka ahaa ee dhaawaca weyn u geeystay, taasoo si lama filaan ah aan u weeydiiyay su'aalo aan hore loo warsan oo uu ka xanaaqay.

 

Intaa ka dib DAHIR CALLASOW wuxuu waday dagaal qabow, caay iyo isagoo aad uga xumaa taageerida Dowlada Somaliya , safaradii aan ku tagay Muqdisho kulamadii aan la qaatay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale ee qaranka, anigu ma ihi dadka diirka dhugul ee SOCIAL MEDIA lagu biiqsado, sidaa awgeed dheg jalaq uma siin.

 

Arimo kale oo dhanka YOUTUBE COPYRIGHT aan ka xiray oo markii dambena uu raali gelin ka bixiyay oo aan ka qaaday way jirtaa, laakiin waxay ahayd arimo iska basiid ah oo laysku dayey TIJAABO BIIQSI, laakiin way shaqeyn weyday.

BISHA RAMADAANKA 2018 IYO BIIQSIGA FASHILMAY!

Aniga Facebook saaxiib kuma nihin, sidaa awgeed waxaan maqlaa iyadoo la leeyahay DAHIR CALLASOW baa ku soo caayey saaka, duhurkii, afurkii iyo taraawiixdii, hadii qof kale ahaan lahaa qiimaan siin lahaa, laakiin CALLASOW oo isoo caayey anigu ma biilkii reerkuu iga goyn karaa?

Dad badan ayaa marka uu soo caayo u jawaaba, taasi waa inta keliya uu doonayo, waxaan ku ogaaday mar ay fooda is dareen isaga iyo Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO North America oo la yiraahdo ABDIHAKIM OSMAN NUR , isagoo ka dib uruuriyay lacag 10,000 USD ah oo qaraabo lagu baadi goobayey.


Hadii aan ku soo laabto arimaha dhacay RAMADAANKA 2018 ee Dahir Callasow hurda la'aanta ku riday waa arin markii hore runtii aan ka warqabin, laakiin aan gadaal ka ogaaday!

Shabakada solaportal.com/Facebookwaxay 7 Feberaayo 2018 soo bandhigtay baaritaan dheer oo ay ku sameysay FACEBOOK been abuur ah oo laga sameystay XILDHIBAAN MUSTAFE DHUXULOOW oo dad iyo qabaa'ilo aad u farabadan lagu xumeeyay, baaritaankaa oo100%  xaqiijiyay in Mr CALLASOW uu ka dambeeyay.

Solaportal waxa u fududeeyay in ay soo ogaato FACEBOOGA been abuurka ah ee laga sameystay Mustafa Dhuxulow shabakada barbaariye.com,waagacusub.com and barbaariye.com waxay isla isticmaalaan 1 SERVER.

 

 

Wixii macluumaad ah ee ONLINE la soo geliyo way adagtahay sida loo qariyo, saa awgeed shabakadaha iyo Facebuugyada  DAHIR CALLASOW mas'uulka yahay hoos ka aqriya.

Waxaa ka sii daran markii aan soo bandhigay shabakadahiisa iyo macluumaadkooda, isla markiiba wuxuu ka codsaday shirkada HOSTINKA in PRIVATE looga dhigo si macluumaadka iyo cinwaankiisa BREDA aan looga arkin ONLINE.


Isla markii aan soo bandhignay milkiilaha BARBAARIYE.COM in uu yahay DAHIR CALLASOW wuxuu bedelay PICTURE PROFILE iyo LINKIGII shabakada oo uu ka dhigay DAYNIILE.COM oo aan ognahay shaqsiga iska leh.

Gudoomiyaha ELECTRONIC ISBAARO wuxuu ilooway in INTERNETKA uu yahay meel aan laysku BIIQSAN karin isla markaana lagu gaban karin.

Baaritaankaa markii aan sameeyay dhowr jeer ayuu isku dayey isla markaa soo codsaday in barta solaportal ee Facebook laga saaro, laakiin sidaad ka warqabtaan weligay wax aan Facebook soo geliyay kama saarin ilamaa ay qalad yihiin oo la xaqiijiyo.

Isla xiligaa Feberaayo 2018 aan baaritaankaa hawada soo geliyay, waxaa helay qoraalada baaritaanka QAREENKA ama LAWYERKA Eng YARIISOOW oo dacwad dheer ay dhex taalay CALLASOW, ugu horeyn arintaa ayaa DAHIR CALLASOW si xun uga xanaajisay, isagoo mooday in aan shaqo ku leeyahay dacwada isaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waraaqdii QAREENKIISA Bird & Bird u soo dirtay ee arimaha Eng Yariisoow markii uu arkay wuu QARXAY!.

 

Ka dib wuxuu ii soo diray fariin aan aad ula yaabay oo uu leeyahay TAAKADA ayaa kaa qaadayaa,CAAYDA ayaan kaa joojinayaa, MOORYAANTA MAGAFENA waa kaa qaleynayaan hadii aad soo saxiixdid waraaqdahoose!, OH WELL jawaabta fariinta aan u diray waxay ahayd ABDINASIR ISMAIL qofkii BIIQSAN lahaa weli ma dhalan, ee CAAY iska daayee CIRKA soo dumi.

Waxaa ka sii darnaa QAREENKIISA ama LAWYERKIISA oo la yiraahdo PETER Schouten ayaa EMAIL ii soo diray isagoo leh, fadlan soo saxiix qoraalka Facebuugaada Solaportal aad soo gelisay ee sida qaladka ah u dhacay! jawaabta aan siiyay waxay ku koobnayd laba xaraf  Ingriis ah F Y.

Arimuhu sidaa bay u dhaceen, ka dib wuxuu isku dayey BIIQSIGII dadka uu ku sameyn jiray oo ahaa in isaga iyo kuwa MAGAFE ka soo fakaday ee tahriibka Yurub ku yimid in ay CAAY iyo AF LAGAADO qoyskayga ku sameeyaan, laakiin waxay ilooween qofka ay is yiraahdeen BIIQSADA.

ABDINASIR ISMAIL "SOLA" siduu hore u sheegay weli ma dhalan kii BIIQSAN lahaa, runtii aniga ma daawan VIDEO isaga iyo MOORYAANTA kale ay duubaan, laakiin waxaa la ii soo diray dhowr boqol oo COMMENTS dadka ay ka bixiyeen, taasoo jawaab fiican u ahayd.

Dad badan oo asxaab nahay baa igu yiri ABDINASIR maad u jawaabtid!

NEVER, waa inta uu rabo, qaabka loo bahdilo waa iyadoo marnaba loo jawaabin.

Jawaabtiisa muhiimka ah waa dhanka sharciga, DAHIR CALLASOW hadii uu ku soo caayo weligaa ha u jawaabin, SAWIR SHAASHAD ama SCREEN SHOT ayaa laga qaataa lama caayo, ka dib QAREEN wadanka HOLLAND ayaa la qabsadaa, dad badan oo arimahaa sameeyay ayaa ila soo xiriiray, iyadoo maxkamado kala duwan ay kaga furan yihiin, YURUB, NORTH AMERICA iyo SOMALIYA.

DAHIR CALLASOW in si sharci ah looga badiyo aad buu u necebyahay,2015 markii DAHABSHIIL ay ka guuleystay oo la yiri ka saar dhamaan qoraalada been bauurka ah ee shabakadihiisa uu soo geliyay, wuxuu suuqa soo geliyay in uu ka badiyay DAHABSHIIL oo lacag magdhow ah maxkamadu ay siisay.

MUHIIM:

Waa maxay farqiga u dhexeeya aniga iyo DAAHIR CALLASOW? waxaan shaqsiyan xaqiijin karaa in aan ahayn wax isku dhow, anigu ma dhibsaday caayda waalidkeyga iyo qoyskayga ee CALLASOW iyo MOORYAANTA kale? MAYA!.

Hadii aan dhibsan lahaa JAWAAB xanuun badan oo VIDEO la socdo ayaan hawada soo gelin lahaa oo gacanteyda ku jira,

laakiin I AM BETTER THAN THAT!

Laakiin COMMENTSKA faraha badan ee la ii soo diro waan ku raaxeystaa hadii aan daacad u hadlo!

 

Ugu dambeyn waxaan qoraalkayga ku soo af jarayaa sawiradii iyo qoraaladii ugu qosolka badnaa ee XANAAQA DAAHIR CALLASOW iyo markii uu isku dayey in ABDINASIR SOLA SAWIRO iyo VIDEO uu ku waabsado!.

Wuxuu rabay in dadka uu ka iibiyo BEEN ABUUR ah ABDINASIR baa QAMRA caba, ugu horeyn ISIR uma lihin, laakiin way hoos baxday, hadii uu eegi lahaa sawirada OKTOOBAR 2011 ee xaflada cayaaraha LEICESTER waxaan filayaa in aanu is ceebayn lahayn, LINKIGAN RIIXA reer FACEBOOK ishaa macalin ahee.

 

 

Tan ka sii daran waxay ahayd sawirka hoose oo la yiri SOLA xaaskiisa sawirkeeda ayaa la helay aan caayno, ugu horeyn CAAY aniga la iguma biiqsado, tan xigta FACEBOOGEYGA waa furan yahay ee RESEARCH samee si aad u heshid sawiro farabadan.

Gabadha ila sawiran waxaan u shaqeeyay 9 sano, PHD holder oo kabaheeda MOORYAANTA aan boolishi karin!

Waxaan oo ISBAARO inta lagu qabtay XABSI waqti dheer ku jiray 2015 kii ayaa inta ay MAGAFE iyo TAHRIIB ka soo badbaadeen raba in ONLINE ay kugu biiqsadaan, ADUUNYOOY XAALKAA BA'A.

 

 

 

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

CALI YARE CALI IYO FARIIMAHA WHATSAPPKA EE BAASBOORADA FAHAD YAASIIN MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

Maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu arkay baraha bulshada fariimo ay la socdaan sawirro dukumentiyo kala duwan oo uu leeyahay Agaasimhii hore ee madaxtooyada Mr Fahad Yasin, waxay isugu jireen Baasboor Somali, Kenyati iyo macluumaado kale oo u qaas ah taliye ku xigeenka nabad sugida Somaliya, arimahaan waxaa ka hadlay warbaahinta Somaliya iyo kuwa Kenya, iyadoo la sheegay in baaritaano kala duwan ay socdaan si loo ogaado yaa ka dambeeyay in dukumentiyadan qaaska ah la faafiyo isla markaana la ogaado sababta uu Mr Fahad Yasin ku qaatay Baasboor Kenyati ah isagoo xilal muhiim ah ka haya Somaliya.

Iyadoo baaritaanka uu socdo waxaa WHATSAPP GROUPS lagu faafiyay qoraalo ay weheliyaan sawirro dukumenti ah oo la yiri waxaa faafiyay ALI ABDI WARDHERE "CALI YARE", runtii dadka aan aqoon qaabka ay tiknoolijiyada u shaqeysa isla markiiba waxay is oranayaan arinta lagu eeday CALI YARE waa sax 100%

Qoraalada WHATSPP GROUP ee been abuurka ah waxay ku bilowdeen sidan:


SolaPortal siday ku ogaatay in sawirada dusha ay 100% BEEN ABUUR yihiin?

 

PROFILE PICTURE-KA hoos aad ku aragtaan waxaa laga soo xaday CALI YARE FACEBOOK PROFILE.

 

CALI YARE WHATSAPP PROFILE PICTURE kiisa waa kan hoose.

Sidaa awgeed shaqsiga isku dayay in uu sameeyo FAKE WHATSAPP MESSAGE ma sameyn baaritaan ama RESEARCH fiican oo BEEN RUN ka dhigi lahaa!.

Shaqsigaan wuxuu rabay oo keliya in BEENTIISA la rumeysto isla markaana uu ku dhibaateeyo CALI YARE CALI.

Su'aasha meesha taala waa qaabkee loo sameeyay BEEN ABUURKAN?

Waxaa laga dhex sameeyay APPKA la yiraahdo WhatsFake Pro Create Fake Chat - iyo shabakada caanka ah ee WHATSAPP FAKE CHAT

Qaabka loo sameeyo aad ayay u fududahay oo wax SKILLS ama GARASHO ah uma baahna, waa FORM la buuxiyo oo sawir iyo qoraal wixii la doono la gelin karo.

Iminka waxaan diyaarinaynaa FORM WHATSAPP FAKE ama BEEN ABUUR ah.

Afarta sawir ee hoose isu fiiri waxaan ka helnay qaladaad aad u farabadan oo hadii aad isu eegtaan si fudud aad ku fahmi kartaan.


Ugu dambeyn shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigi doontaa inshallah shaqsiga ka dambeeya BEEN ABUURKAN Amateurka ah oo aan aqoon qaabka loo sameeyo PROFESSIONAL WHATSAPP CHAT, ma ahan markii ugu horeysay oo aan soo bandhigno arimo noocaan oo kale ah, dhowr sano ka hor FACEBOOK CHAT FAKE ah ayaa baaritaan dheer ku sameynay.

FAKE FACEBOOK CHAT LAGA SAMEEYAY MR DURAN FARAH - RIIX LINKIGAN

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 


CABAAS JAAKEYE MAXAA KU KALIFAY IN UU ISBAARO ONLINE AH U DHIGTO GABDHAHA SOMALIYEED? SOLA INVESTIGATES.

$
0
0

Waxaa laga yaabaa in aad is tiraahdaan waa ayo CABAAS JAAKEYE? runtii SolaPortal aqoon uma lahayn ka hor inta aanu arkin sawirada foosha xun ee PHOTOSHOPKA uu Facebuugiisa ka soo geliyay gabar Somaliyeed oo sharaf badan isla markaana ah wariye caan ah oo la yaqaano, waxaa cajiib ah in shaqsigan uu Yurub soo galay 2015 isla markaana uu qaxooti sharci la'aan ah uu ku yahay magaalada ESSEN oo ku taala Galbeedka Jarmalka, isagoo har iyo habeen shaqo ka dhigtay in gabar Somaliyeed oo aan waxba ka galabsan ka daba qaato, sidaa awgeed SolaPortal waxay aqristayaasha us oo bandhigeysaa sababta keentay in wiilkan yar uu fadeexeeyo qof aan wax dhibato ah u geysan.

Gabadha wariyaha ah ee CABAAS JAAKEYE uu ka daba qaatay waa DEEQO SHIRE WARSAME "SONNA", dagaalka ONLINE ka ah ee uu ku soo qaaday wuxuu ka bilowday markii ay si wanaagsan ay uga cadsatay in uu joojiyo VIDEOS waqti dheer ay gelisay in uu YOUTUBE kiisa soo geliyo, qaabka ay isula xiriireen oo buuxa hoos ka aqriya.

 

 


Ka dib COPYRIGHT ayaa lagu qabtay, taasoo sababtay in laga saaro qaar ka mid ah VIDEOW yadii DEEQA SONNA, marar kale ayuu isku dayey CABAAS JAAKEYE in uu VIDEOS kale soo geliyo taasoo FACEBOOK gebi ahaanba ay ka xiraan dhowr ACCOUNT, ka dib ayuu BOGGAG kale furay si uu u soo dhigo SAWIRRO PHOTOSHOP ah oo wejiga uu ku bedelay DEEQA SONNA.

CABAAS JAAKEYE wuxuu isku dayey in gabar Somaliueed aan wax ka galabsan uu BLACKMAIL ku sameeyo isagoo codad farabadan iyo BIIQSI sawiro kale ah u soo diray.

Shabakada SolaPortal waxay isku dayday inta aan qoraalkan soo daabicin in ay CABAAS toos ula xiriirto, sidaad ku aragtaan jawaabtiisa waxay ahayd mid runtii ay ka muuqato KIBIR iyo ISLA WEYNI.


WAA AYO CABAAS XASSAN MAXAMUUD, CABAAS JAAKEEYE?

CABAAS JAAKEYE wuxuu ku noolyahay magaalada ESSEN oo ku taala Galbeedka JARMALKA oo uu QAXOOTINIMO isaga dhiibay sanadkii 2015 ilaa iyo hadan uu yahay sharci suge.

CABAAS JAAKEYE wuxuu aad u isticmaalaa baraha SOCIAL MEDIA, isagoo dhowr YOUTUBE ka furtay si lacag uu uga sameeyo ADSENSE.


Shabakada SolaPortal xilligii ay baarista ku waday CABAAS JAAKEYE waxyaabaha ugu yaabka badnaa ee aan isqaban karin oo indhaheena ku dhacay waxay ahaayeen FACEBOOK kale oo uu sameystay kaasoo la yiraahdo SHEEKO QOSOL BADAN sawirka hoose iyo qoraalka midigta ee la socda bal isu eega.

 

Isla Facebuugan dusha wuxuu ku xadaa PASSWORADA isticmaalayaasha isagoo ka dhiga in uu yahay mid RUN ah, eeg FALAARAHA CAS.

 


CABAAS JAAKEYE wuxuu inta badan isku dayaa in aqristayaasha SOCIAL MEDIYAHA uu marin habaabiyo isla markaana uu bedelo sawirrada iyo boggaga FACEBOOK,laakiin wuxuu ilooway wixii ONLINE la soo dhigay marwalba in ay keydsamaan.


Sawirrada foosha xun ee uu is yiri gabadha Somaliyeed ku fadeexee waa kuwa GOOGLE inta uu ka soo saaray si UNPROFESSIONAL ah PHOTOSHOP qof uu uga codsaday in uu u sameeyo.


Ugu dambeyn CABAAS JAAKEYE fursad qaali ah ayaa la siiyay in gabadhan Somaliyeed ee sharafta leh faraha ka qaado, wuu diiday oo waxaad ku aragteen qoraalkii dusha,wuxuu si xoriyad ah ugu noolyahay JARMALKA isagoo irsaaq ku raadinaya in gabar Muslimad ah oo aan waxba ka galabsan uu ku biiqsado ONLINE, 2018 sheekooyinkaa waa laga gudbay, xusuuso dagaal iyo qaxar ayaad ka soo baxsatay 2015 ayaad YURUB qaxootinimo u soo gashay, hadii noloshaada aad dooneysid in aad halkan ka bilowdid GOOD LUCK! weli fursad ayaad haysataa DEEQA SONNA amaan hakaa hesho adigana SOLAPORTAL amaan ayay ku siin. WABILAAHI TOWFIIQ.

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

 

QAABKEE LOO ADKEEYAA FACEBOOK SI AAN LOO JABSAN?

$
0
0

Shabakada SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa qaabka ugu fudud ee looga hortago jabsiga Facebook, waxaa baraha bulshada ku soo batay jebinta Social media oo Facebook ugu horeeyo, tusaale ahaan maalintii waxaa laga yaabaa in dhowr jeer aad ka soo kala geshid Computerkaga guriga yaala, laptopka, telefoonka gacanta ama Computerka shaqada oo laga yaabo mararka qaarkood in aad ilowdid oo aadan oran LOGOUT,qaabka iyo sawirada la socda qoraalka hadii aad raacdid waxaa hubaal ah in aad ka hortegi kartid jabsiga ama la wareegida FACEBOOK.

 

1- PASSWORD ADAG KU XIR

 

 

2- XAQIIJINTA TELEFOONKA GACANTA "MOBILE NUMBER"

Adkeynta ugu muhiimsan ee Facebook waa adigoo ku xira Telefoonka gacanta ama Mobile Phone, telefoonka gacanta oo lagu xiro waxay kaa caawineysaa hadii aad ilowdid PASSWORDKA. FACEBOOK wuxuu si fariin ama message ah kuugu soo dirayaa PASSWORD cusub ama fariin.

Si aad u isticmaashid raac sawirka hoose:

 

 

 

Iminka telefoonkaaga gacanta wuu ku diiwaan gashan yahay FACEBOOK,hadii aad ilowdid PASSWORDKA ama lagaa JABSADO si fudud ayaad ku soo celin kartaa.

3-TWO FACTOR AUTHENTICATION ENABLE "adkeynta ugu muhiimsan"

 

4- MEEL AAN LA OGAYN HADII LAGA SOO GALO "Get alerts about unrecognized logins"

Sida keliya ee lagu ogaan karo in FACEBUUGAAGA la doonayo in la jebiyo waa FARIIN DEG-DEG ah ama ALERT kuu soo dhacda hadii laysku dayo in laga soo galo meel ama Computer/Mobile aan la aqoon.

 

5- HADII AAD KA SHAKISID IN FACEBOOK LAGULA ISTICMAALAYO.

6- HADII FACEBOOK PASSWORD AAD ILOWDID AMA LAGAA JABSADO,WAXAA SI FUDUD KUUGU SOO CELIN KARA ASXAABTAADA.

 

7- QAABKEE SI KUMEEL GAAR AH LOO XIRAA FACEBOOK?

 

 

 

 8- MACLUUMAADKAAGA FACEBOOK OO BUUXA SIDEE LOO HELAA?

 

9- HADII FACEBOOK LAGAA XIRO AMA LAGU DACWEEYO, QAABKEE LOO SOO CELIN KARAA?

 

RIIX LINKIGA HOOSE:

https://www.facebook.com/help/contact/260749603972907

Foomka hoose qaabkan u buuxi, ka dib raaci laba aqoonsi "ID"kala duwan, Facebook waxay eegayaan macluumaadka dhowr maalmood ka dibna way kuu soo furayaan.

 10- ISKA ILAALI LINK LAGUU SOO DIRAY IN AAD FURTID!

Marwalba indhaha ku hay LINKIYADA uu aadayo FACEBUUGA BEEN ABUURKA ah, waayo DESIGNKA wuxuu u egyahay FACEBOOK SAX AH, laakiin sida aad ku aragtaan LINKIGA dusha iyo kan hoose meel kale ayuu ku xirmayaa, waa sida inta badan laysaga JABSADO FACEBOOK.

Hadii adigoo FACEBOOK ku jira LINK aad RIIXDID oo uu ku yiraahdo geli USERNAME iyo PASSWORDwaa HACKING ee ha sameyn.

 

SOLAPORTAL YOUTUBE RIIXHALKAN

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

GABADHA TIRI NINKEYGA IYO SAAXIIBKII OO IS KHANIISAYA AYAAN GURIGEYGA UGU IMID MAXAA KA JIRA? SOLA INVESTIGATES!

$
0
0

Maalin walba baraha bulshada waxaan ku aragnaa waxyaabo dadka isticmaalayaasha ka yaabiya,FACEBOOK LIVE ayaa noqotay meel qof walba inta uu soo galo wuxuu doono si TOOS ah bulshada ugu soo gudbiyo, arintii ugu yaabka badnayd ee SOMALIDA FACEBOOK ay daawadaan dhamaadkii AGOOSTO 2018 waxay ahayd Gabar Somaliyeed oo VIDEO LIVE ah ku sheegtay arimo dad aad u farabadan oo SolaPortal ay ka mid tahay ka argagaxay, arintan ay ka hadashay hore looma daawan loomana maqlin,sidaa awgeed baaritaan dheer oo shabakada ay sameysay ayaanu la qeybsan doonaa aqristayaasha.

Ugu horeyn bal aan isla daawano FACEBOOK LIVE oo ay soo gudbisay gabadhan Somaliyeed ee ku nool TAMA, IOWA USA. 31.8.2018.

 

Iminka aan isla aqrino hadalkeeda oo buuxa, waxaa xusuus mudan in FACEBOOK LIVE-ka la sameeyay 31.8.2018.


Asalaamu calaeykum,asalaamu caleykum Soomaaliyeey waxaan maanta LIVE weligay ma gelin laakiin LIVE-ka waxaa igu kaliftay in aan maxaa la yiraahdaayay arin ka hadlo, arintaasoo ahayd aniga horta Hooyo Afar caruur leh ah ayaan ahay, afar caruur ayaa ii joogta NINA WAA I QABAY!, NINKII I QABAY wuxuu sameeyay wiil ay saaxiibo yihiin baa nala degnaa, ana habeen baan shaqeynayay iyaguna maalin bay shaqeeynayeen, ninkeyga oo la dhaho MAXAMED MAXAMUUD AADAN “MAXAMED XULE” naaneystiisu tahay, ninka kalena la yiraahdo MOWLIID CALI,dadka anaga na yaqaanaa IOWA ayaan deganahay, waxaa dhacday in habeen habeenada ka mid ah in aan shaqada ka soo baxay xilligii aan ka soo bixi jirayna ka soo hormaray oo aan ugu imaaday NINKEYGII oo dabada laga QANIISAYO! Sariirteydii,furshadeydii dhamayd, gurigeygii dhamaa oo inbadan ay arintaa uga socotay, kolay mid xalay iyo habeen hore bilaabatay ilama aha hase ahaatee way dhacday, horay ayaa waxaa loo dhihi jiray ayaan waxaan u maqli jiray KHANIISIIN way jiraan laakiin isma dhahayn gurigaaga ayay ka dhici doontaa hase ahaatee way ka dhacday.

Hase ahaatee way ka dhacday caruurteyda bay ka dhex dahcday,een MAAMA MALYUUNA aad baan u taageeraa xaqay ka hadashaa waxayse Somali rabin in laga hadlo ayay ka hadashaa, qaris baad barateen qaris waa dhamaaday wixii la qarin jiray waa isku dhamaadeen,wax damboo la qarinayo haba yaraatee ma lahan, wixii xunba Xaawaa leh, intaa Naag baa la caynayay intaa naag baa la leeyahay iyadaa xumeysay,intaa naag baa la leeyahay een maxaa la yiraahdaayay gurigga iyaduu ka dhismi waayey,Somalida waxay tiraahdaa NAAG AAN BARKINTEEDA ILIN QOYIN ILMA MA KORSATO, waa been waa korsaneynaa ilmaha waana korsan doonaa nina uma baahnin laakiin way dhacdaa.

Aad baan idin salaamayaa Asalaamu caleykum waraxmauttullah wabarakaatu.


Tabcan hadalkeeda ma ahan mid NATURAL ah oo si XADAARAD ama EMOTION ah u soo baxay, qaabka ay u xaqiijineyso labada magac waa astaamaha lagu garto dadka loo yaqaan "pathological liar.oo hadal been ah marwalba alifa,FACEBOOK LIVE ka waa aargudsi,maseeyr,jaceeyl iyo dadkale oo ka dhex shaqeeyay,waxaad ku arki doontaan qoraalada hoose.


Iminka SolaPortal waxay idin soo bandhigeysaa siday wax u dhaceen iyo xiriirka u dhexeeyay qoyskan Somaliyeed ee masiibadan ay la soo deristay.

MAXAMED MAXAMUUD AADAN “MAXAMED XULE iyo NAJMA MOHAMED FARAH Facebook ku soo gasha "AYAAN RORAL FARAH" waxay is guursadeen 6.6.2014 iyagoo ilaahay kala siiyay AFAR CAUUR ah, runtii wax ay kaga duwan yihiin ma leh qoysaska Somaliyeed qurba joogta ah ee dhibaatooyinka soo kala dhex gala.

Arimo hore way jireen iyaga u qaas ah, sida caruur dowlada ay ka kaxeysato iyo dhaawacyo soo gaaray MAXAMED XULE waqti xaaskiiskii hore NAJMA ay ku weerartay aqalkooda.

3 Sano ka dib Maxamed wuxuu NAJMA ku furay LABA DALAAQ 2.5.2017 ka dib markii dagaal joogta ah ay maalin walba la hor taagneeyd, MAXAMED caruurtiisa marwalba waa uu ka warqabay,marar badan ayay isku dayday in ay isku soo laabtaan iyadoo u sheegtay gebi ahaan isbedel in ay ku sameyn doonto nolosheeda.

Waxay isku soo laabteen 5.10.2017, iyadoo xaalku ahaa sida qoysaska kale ilaa iyo SUMMER 2018 xilligaa oo ay bilowday HANJABAAD isugu jirta in iyada iyo caruurta ay TRAINKA ISU DHIGAAN iyo muujinta Jaceeylka ay Seygeeda u qabto.

Dagaaladii is daba jooga ahaa markii ay joogsan waayeen MAXAMED wuxuu go’aan ku gaaray in DALAAQADII u harsanayd uu siiyo isla markaana ka guuro aqalakii ay ku wada noolaayeen ee TAMA, IOWA16.8.2018

Hadii si fiican aad u daawataan FACEBOOK LIVE ka 31.8.2018 NAJMA soo gelisay waxay marar badan ku soo cel-celisay in uu ODAYGEEDA ahaa oo SARIIRTEEDA ay ku qabatay isagoo nin kale ay is dulsaaran yihiin, laba asbuuc ayay kala maqnaayeen waqtiga FACEBOOK LIVE ay soo duubtay.

Iminka aan eegno meelaha ay kala degan yihiin MAXAMED iyo NAJMA si qofwalba uu u fahmo in arinta gabadha ay ka dhawaajisay in ay wax ka jiraan.

Markii ay kala tageen 16.8.2018 MAXAMED wuxuu 17.8.2018 u guuray SIOUX CITY, NEBRASKA oo 230 miles ama 370 KM u jirta magaalada NAJMA ay ku nooshahay ee TAMA, IOWA.

 

 

 


 Eeg FARIIMIHII ugu dambeeyay ee ay MAXAMED u soo dirtay dhamaadkii LUULYO  2018


 

 

2 maalmood ka dib markii uu u jawaabi waaayey bay FACEBOOK LIVE soo gashay 31.8.2018

 


 

Iminka si aan u xaqiijino QORAALKA FARIINTA dusha oo uu la socdo SAWIR COD ah,ila dhegeysta COD ay u soo duubtay 29.7.2018NINKEEDA oo iminka ay ku eedaysay in uu yahay KHANIIS.

Tabcan si cadaalad loo helo marwalba SolaPortal waxay isku daydaa dhegeysiga labada shaqsi ee arimaha dhexyaala, saa awgeed waxaan la xiriirnay isla markaana waqti siinay NAJMA si ay u soo sheegto HER SIDE OF THE STORY, laakiin wax jawaab ah kama helin, waxaa laga yaabaa in aysan arkin waayo FACEBOOK FRIEND kuma nihin oo hoos ayuu ka galay.


Ugu dambeyn arintan ay NAJMA ku soo bandhigtay FACEBOOK LIVE waxba kama jiraan oo waa 100% FALSE,waxaa keenay MASEEYR,JACEEYL iyo DAD KALE oo MAXAMED cadow ku ah oo ku dhiira geliyay in arintan foosha xun ee qoyskeeda dhibaatada u keeni kara mustaqbalkooda ay ku dhaqaaqdo,

Dad kale waxaa ka wadaa, bal ila eega sawirka hoose iyo shaqsigii ISBAARADA NORTH AMERICA LINKIGA MAGACIISA RIIX SI AAD U ARAGTAAN TAARIIKHDA FOOSHA XUN EE SHAQSIGAN: ABDIHAKIM OSMAN NUR "xerta Shekha" iyo isagoo dhexda kaga jira arimaha qoyska iyo caayda MAXAMED XULE hooyadii.

SOLAPORTAL YOUTUBE RIIXHALKAN

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: solaportal@gmail.com

DOWLADDA UK OO KU DHAWAAQEYSA SHARCIYO CUSUB OO LA XIRIIRA BREXIT UPDATED 15.10.2016!

$
0
0

 

Dhamaadka sanadkan 2016 dowladda UK waxay ku dhawaaqeysaa sharciyo la xiriira AJAANIIBTA u dhalatay wadamada EU ee doonaya in ay ku noolaadan,ka shaqeeyaan ama wax ka bartaan,waxaa lagu wadaa in dadka ka yimaada wadamada xubinta buuxda ka ah YURUB loo kala saari doono seddex qeyb.

ARDEYDA,DALXIISAYAASHA SI XOR AH AYAY U IMAAN KARAAN WADANKA UK,hadii aad XIRFAD ama SKILLS leedahay waxaad dalbaneysaa VISA iyo WARAAQ SHAQO "WORK PERMIT" oo si fudud aad ku heli kartid,hadii aadan lahayn XIRFAD "UNSKILLED",laguu ogolaan maayo in aad UK ku noolaatid ama aad timaadid.

 

Dowlada UK ayaa si rasmi ah ugu dhawqqaday in ARTICLE 50 ee heshiiska LISBON si rasmi ah u hawl geli doono dhamaadka bisha Maarso 2017,iyadoo isla xiligaa ay ku dhawaaqi doonaan isbedelka sharciyada YURUB ee la xiriira GANACSIGA,AJAANIIBTA,DEGAANKA,VISAHA iyo sharciyo kale oo dhowr boqol ah ee u kala dhexeeyay UK iyo YURUB,isbedelka dhacaya hadii dowlada UK ay si rasmi ah u hirgeliso waa iyadoo dhamaan sharciyadii YURUB ay ku heshiiyeen 1972 aanu saameyn ku yeelan doonin wadanka UK,ARTICLE 50 markii lagu dhawaaqo oo la saxiixo wuxuu soo af-jarmayaa dhamaadka 2019,taasoo gebi ahaan xiriirka UK iyo YURUB isbedel aad u weyn uu ku dhacayo.

 Sida aan la socono waxaa AFTI laga qaaday dadka ku nool wadanka Ingiriiska 23.6.2016,kaasoo la yiri kala doorta in UK  xubin ka sii ahaato EU iyo inkale,boqolkiiba 52 waxay codka ugu shubeen in ay doonayaan ka bixida ama BREXIT ee wadanka Britian,arintaa ayaa si aad ah u saameysay suuqa lacagaha ee aduunka,iyadoo waxyaabo badan ay isbedeli doonaan labada sano ee soo socota.

Ugu horeyn Ra'iisal wasaaraha Britian Mr David Cameron ayaa wuxuu iska casilay shaqadii,iyadoo ay uga dhiman tahay dhowr sano,wuxuu go,aansaday xiliga laga soo laabto fasaxa kuleelaha in uu shaqada si rasmi ah u wareejin doono.

Ugu horeyn DAAWO VIDEO aan ka diyaarinay waxyaabaha isbedeli doona xiliga KALA GUURKA ee UK iyo EU.

 

Su'aasha ugu horeysa waa maxaa keenay in UK ay noqoto wadankii ugu horeeyay ee ka baxa barwaaqo sooranka Yurub tan iyo intii la aas'asay oo ah  mudo aad u fog?arimahan waxay bilowdeen sanadkii 2004 markii wadamo aad u farabadan oo sabool ah ay kaga soo biireen Yurub dhanka bariga,isla xiligaas waxaa ku soo qulqulayay muhaajiriin u kala dhashay POLAND,SLOVAKIA,LITHUNIA,LATVIA,ESTONIA,HUNGRY,SLOVENIA,CZECH REPUBLIC,CYPRUS iyo MALTA.

Wadanka POLAND keliya waxaa ka soo haajiray dad kudhow 1 milyan oo gebi ahaan bedelay noloshii iyo qaab dhaqameedkii magaalooyinka wadanka UK.

ROMANIA iyo BULGARIA markii loo ogolaaday in ay ka mid noqdaan EU,waxaa wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee adanka Ingiriiska lagu arkay dad la yiri waa YURUB,hadana TUUGSANAYA,GAWAARIDA DHAQAYA ama WAX XADAYA,waxaa  kale oo siyaasiyinta garabka midig ay ka dhaadhiciyeen dadka aan wax baran ee loo yaqaan WORKING CLASS in sanadada soo socda  TURKIDA ay soo geli doonaa EU oo la arki doono 80 malyuun TURKI MUSLIM ah oo UK u soo guura.

Waxyaabaha kale ee dadka Ingiriiska ay ka caroodeen waxaa ka mid ah in dugsiyadii,dhaqaatiirtii iyo shaqooyinkii ay aaad u yaraadeen,iyadoo wadankii ay ku soo uruureen dad lacag yar ku shaqeeya oo dhalinyaradii wadanka u dhalatay u horseeday shaqo la'aan.arimahaa iyo kuwa kale ayaa saameyn ku yeeshay in ay ka baxaan QARAMADA YURUB

Hadaba waa maxay saameynta ay ku yeelan doonto SOMALIDA ku dhaqan UK ee ka soo haajirtay wadamada YURUB ee weli aan bedelin dhalashadooda ama BAASBOORKOODA?

Tan iyo xiligii UK ay ku dhawaaqday AFTIDA YURUB ee xubinta ay ka yihiin,waxaa aad u batay dad badan oo wata BAASBOORADA YURUB in ay dalbadaan UK CITIZEN,eeg sawirka hoose:

Waxaa xusuus mudan in UK aan xubin ka ahayn wadamada SCHENGEN ee VISA la,aanta lagu galo,iyadoo xuduudka UK ee YURUB uu ku yaalo magalada CALAIS oo 33 KM oo bad ah dhanka galbeed ka xigta dekada DOVER ee wadanka Ingiriiska.

Qaxootiga xeryaha ka sameystay magaalada CALAIS ee JUNGLE ayaa dadka codka dhiibtay ee BREXIT ay ahayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa oo ay u doorbideen in ay YURUB ka goa,aan.

Sharciga ka bixida UK ee YURUB wuxuu dhaqan geleyaa 2 sano oo laga bilaabo 24.6.2016, hadii dowlada Britian ay saxiixdo ARTICLE 50oo ka mid ahaa heshiiskii LISBON TREATY ee 13 DECEMBER 2017,qoraalkan ARTICLE 50 wuxuu u ogolaanayaa in wadankii saxiixa uu si fudud uga bixi karo barwaaqo sooranka YURUB.

Hadii dowlada UK ay qalinka ku dhufato ARTICLE 50 LISBON TREATY,waxaa isla markiiba hawada ka baxaya dhamaan sharciyadii iyo heshiisyadii YURUB iyo UK,kuwaa oo ay ka mid yihiin,IMMIGRATION,FISHING,CRIME,FREE MOVEMENT iwm.

Isbedelka saameynta ku yeelan doona Somalida ku nool UK ee haysata dhalashada YURUB waxay la mid tahay qof walba oo BAASBOOR YURUB haysta,AFTIDAN ay UK kaga baxday YURUB ka hor sharciga wuxuu ahaa sida aad ku aragtaan sawirka hoose.

Somalida ku nool UK ee wadata BAASBOORADA YURUB ma ahan in ay ka welwelaan QAFAAL ama in wadankan Ingiriiska VISA ay ku soo geli doonaan,laakiin waqti aan sidaa u fogeyn waxaa imanaya in la is weydiin doono WARAAQAHA SHAQADA iyo DEGENAANSHO,taasoo dhib weyn u keeni karta qof walba oo aan isu diyaarin arimaha BREXIT.

Isbedelada laga filayo in dowlada UK ay ku dhawaaqdo waxaa ka mid ah in dadka wata BAASBOORADA YURUB looga baahan yahay DEGNAANSHO 2 sano ah oo ay ku xiran tahay shaqo iyo guri,waxaa kale oo la hadal hayaa qaabka AUSTRALIA oo ah POINT SYSTEM sida waxbrashada,dhaqaalaha IWM.

Waxay kaloo ku tala jiraa in gebi ahaan ay joojiyaan GUNOOYINKII "CAYRTA" oo sida fudud ku qadaan jireen dadka YURUB ka soo haajira ee dhowr bilood ka dib dalbada GURYAHA iyo CAYRTA CARUURTA"CHILD BENEFIT"

Qorshaha kale ee la soo wado waxaa ka mid ah in ay sameyn doonaan 2 TIER SYSTEM oo ah in dadka wata BAASBOORADA YURUB ee sida JARMALKA,SWEDEN,DENMARK,AUSTRIA iyo FINLAND oo ah wadamada qaniga ah ee YURUB isla markaana wata waxbrasho heer jaamacdeed ah lagu soo dhoweyn doono UK,halka dadka ka yimaada wadamada saboolka ah ee YURUB sida ROMAINA,BULGARIA,GREECE,MALTA iyo POLAND aad loogu adkeyn doono in ay si rasmi ah u degaan wadanka UK.

Arinta ugu weyn ee saameyn doonta Somalida waa sharcigii XORIYADA SAFARADA "FREEDOM OF MOVEMENT" oo gebi ahaan UK ay daaqa ka tuuri doonta,taasoo keeni doonta in ay u ogolaadaan cida ay doonaan,waayo ma jiri doono sharci YURUB ah oo qaban doona.

Waxaa kale oo xusuus mudan in 1.2 malyuun BRITISH ah ay ku noolyihiin wadamada YURUB,saa awgeed waa adagtahay in la yiraahdo dhamaan dadka wata jinsiyada YURUB haka baxaan UK,ma jirto iminka QAFAAL ama wadanka ka bax,laakiin hadii dhanka dhaqaalaha,waxbarashada iyo caafimaadka laguugu adkeeyo waxaa qasab kugu noqoneysa in aad wadanka si dhaqsi ah aad uga dhooftid.

Somalida ku nool UK ee wadata jinsiyadaha YURUB waa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isu diiwaan geliyaan oo isla markaa ay qataan waraaqada DEGENAANSHAHA UK,qaabka ugu fudud ee loo dalban karo RIIX HALKAN  - qaabka ugu fudud ee loo dalban karo dhalashada UK RIIX HALKAN

Ugu dabeyn hadii aa tahay shaqsi aqrin kara luqada Ingiriiska,waxaa soo baxay maanta 24.6.2016,qoraal kaa caawin doona arimaha DEGENAANSHAHA UK iyo dadka AJINEBIGA ah ee ku nool,eeg sawirada hoose:

 

Qeybta ugu dambeysa ee qoraalka waxaan ku soo afjari doonaa SU'AALO iyo JAWAAB dadka haysta dhalashada UK ay soo weydiiyeen.

 

Su'aal:Baasboor cusub ma u baahanahay?

Jawaab:Ilaa heshiiska Yurub iyo UK uu dhamaado baasboorkaaga waxba iska bedeli maayo,waad ku safri kartaa,heshiiska markii uu dhamaado waxaa soo baxaya Baasboor cusub oo aan ku qornayn magaca EUROPEAN UNION.

Su'aal:Waraaqda EUROPEAN HEALTH INSURANCE CARD "EHIC" ma shaqeyn doonaa?

Jawaab:Waraaqdan caymiska ah ee la siiyo dadka haysta dhalashooyinka EU,waxau kaa caawineysaa hadii arimo deg-deg ah oo dhanka caafimaadka ah ay kugu dhacaan hadii aad ku sugan tahay wadamada 28da ee Yurub, Switzerland iyo wadamada loo yaqaan EUROPEAN ECONOMIC AREA (EEA) waa Norway,Liechtenstein iyo Iceland,si caadi ah ayuu u shaqeynayaa ilaa la saxiixo ARTICLE 50 oo kor aan ku soo xusnay.

Xiligaa ka dub waxaa laga yaabaa in wadanka UK uu saxiixo sida kuwa wadamada EEA,waxaa kale oo dhici karta in wadanka Britian uu heshiis nooca loo yaqaan reciprocal deals with a number of countries, uu si fudud u sameyn karo,kuwaa oo ay xubin ka yihiin wadamo aad u farabadan oo AUSTRALIA iyo NEW ZEALAND ay ka mid yihiin

 

Su'aal: VISA ma u baahanahay hadiiaan u safro wadamada EU?

Jawaab: ARTICLE 50 hadii aan la saxiixin wax isbedel ah dhici maayo,saa awgeed jawaabtu waa MAYA,hadii ARTICLE 50 la saxiixo waxaa laga yaabaa in EU iyo UK ay ku heshiiyaan in dadka u kala dhashay wadamadooda aan 90 maalmood VISO looga baahnayan sida wadamo qaarkood iminka ay sameeyaan,waxaa kale oo jira dhanka DALXIISKA oo ah mid wadamada EU ay ganacsi wayn ka sameeyaan,saa awgeed aad ayay u adag tahay in dadka u dhashay UK lagu xujeyn karo DAL KU GAL ama VISA.

 

Su'aal:Ruqsada gaariga lagu wado maxaa iska bedelaya?

Jawaab: Sida aan ku aragno sawirka dusha DRIVING LICENCE UK waxaa dusha bidix kaga yaala calanka YURUB,macluumaadka ku jira wuxuu ka dhexeeyaa dhamaan wadamada xubnaha ka ah EU,sidii Baasboorka oo kale wax isbedel ah lagama yaabo in ay dhacaan ilaa ARTICLE 50 laga saxiixo,hadii heshiiska la galo waxaa hubaal ah in la bedeli doono qaabka iyo sida YURUB looga isticmaali doono.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.

 

ANN COULTER ARIMAHA AY KA QORTAY SOMALIDA MINNESOTA MAXAA KA JIRA?

$
0
0

ANN COUKTER waa 54 jir Mareykan ah oo inta badan lagu eedo in ay tahay CUNSURIYAD ka soo horjeeda Muslimka,ajaaniibta ku nool Mareykanka iyo qof walba oo aan ahayn CADAAN iyo MASIIXI,waxaa inta badan lagu arkaa telefishinada garabka midig ee wadanka USA,waa qoraa daabacday buugaag aad u tira badan oo inta badan lagu eedo in ay yihiin kuwa jinsi naceeyb xambaarsan,waxaa lagu arkaa TVga FOX NEWS oo ah kan ugu codka iyo daawashada badan ee Ameerika,buugii ugu dambeeyay ee ay qortay waxay aad uga hadashay Somalida ku nool USA qaas ahaan gobolka ay aadka u degan yihiin ee MINNESOTA,ma aha markii ugu horeysay ee Somalida lagu war hayo arimaha gobolkaas,DONALD TRUMP oo ah musharaxa madaxweynaha Mareykana ayaa dhowr bil ka hor wuxuu yiri SOMALIDA ku nool MINNESOTA waxay gacan siiyaan ISIS,buuga ay ANN COULTER qortay waxaa la yiraahdaa ADIOS AMERICA ama NABADEEY AMERIKA,runtii wuxuu taabanayaa qowmiyadaha kala duwan ee ku nool USA,laakiin arinta Somaliya ayay aad ugu dheeraatay,iyadoo qaar ka mid qoraaladeeda ku tilmaamtay Somalidu in ay yiihiin dad PRIMITIVE ah ama HEER HOOSE!,shabakada SOLAPORTAL.COM waxay soo xushay qaar ka mid qoraalada buuga ANN COULTER.

 

WE NEED SOME PIZZAZZ—HOW ABOUT 100,000 SOMALIS?

The reason Scandinavian Minnesota ended up with more than one hundred thousand Somalis is that liberals thought the state was too white-bread and not at all diverse. In the 1990s, the head of the Minneapolis Foundation, Emmett Carson, complained that California and New York were much more “multicultural” than Minnesota. Wouldn’t Minnesota be a much cooler state with a hundred thousand Somalis? The foundation ran a public information campaign, showing a photo of three smiling Somali women in their native garb over the caption: “Maybe you’re just not sure what to make of all these new Minnesotans bringing in all these strange new cultures and customs. But hey, have you ever really thought about lutefisk?” Pleased by the success of his campaign, Carson exulted: “Minnesota is changing.” Yes, Minnesota used to be very boring. Now it’s exciting!

 

Indictment: Somali Gangs Trafficked Girls for Sex

MINNEAPOLIS (AP) Twenty-nine people have been indicted in a sex trafficking  ring in which Somali gangs in Minneapolis and St. Paul allegedly forced girls under age 14 into prostitution in Minnesota, Tennessee and Ohio, according to an indictment unsealed Monday.

The 24-count indictment, unsealed in U.S. District Court in the Middle District  of  Tennessee, said one of  the gangs’ goals was recruiting  females under age 18, including some under age 14, and forcing them into prostitution so the defendants could get money, marijuana or liquor.

The indictment details several instances in which young Somali or African American girls were taken from place to place and forced to engage in sex acts with multiple people. One girl was under 13 when she was first prostituted.

In just a few decades, Minnesota has gone from being approximately 99 percent German, Dutch, Finnish, Danish, and Polish to 20 percent African immigrant,7 including at least one hundred thousand Somalis.8 And that’s  not counting the Somalis who have recently left the country to fight with al Qaeda and ISIS. One hundred thousand is just an estimate. We don’t  know precisely how many Somalis the federal government has brought in as “refugees” because the government won’t tell us. The public can’t be trusted with the truth.

Since becoming more multicultural, Minnesota has turned into a hotbed of credit card  skimming, human trafficking,  and  smash-and-grab robberies.9 Mosques have popped up all over the state—as have child prostitutes and machete attacks.

Welfare consumption in Minnesota has more than doubled on account of the newcomers—only half of whom have jobs. Those Somalis who do have jobs earn an average  of  $21,000  a  year,  compared  with  $46,000  for  the  average  Minnesotan. (Consider yourself lucky, Minnesota: In Sweden, only 20 percent of Somalis have jobs.) Eighty percent of Somalis in Minnesota live at or below the poverty line. Nearly 70 percent have not graduated from high school, compared with only 8.4 percent of non- Somali Minnesotans.

 

 

But no Democrat will cross them, and no Republican will mention them: Somalis

have leapfrogged past native blacks to become a major political force in Minnesota. For every  white  Minnesotan  who  becomes  a  Republican  each  year,  two  Somalis  turn eighteen and start bloc-voting for the Democrats.

Everyone  seems  to  agree  that  it  is  Minnesotans’  responsibility  to  assimilate  to Somali culture, not the other way around.11 The Catholic University of St. Thomas has installed Islamic prayer rooms and footbaths in order to demonstrate, according to Dean of  Students  Karen  Lange,  that  the  school is “diverse.” Minneapolis’s mayor,  Betsy Hodges, has shown up wearing a full hijab to meetings with Somalis. (In fairness, it was “Forbid Your Daughter to Work Outside the Home” Day.) A suburban Minnesota high school has “Welcome” signs written in Somali, a Somali student group, and articles in the school newspaper about how unhappy the Somalis are.

Kate Towle, the parent leader of a high school group called “Students Together as Allies for Racial Trust” explained that diversity skills “have to be developed like math, history.”12 Maybe it would be better for students to be learning math and history, rather than the important skill of: Getting Along with Somalis. It doesn’t seem to be working, anyway: There are still violent ethnic brawls that send students to the hospital.

What  did we do to Somalis? What  did we do to Cameroonians  or Senegalese? Absolutely  nothing.  But  now  these  immigrants,  who  arrived  yesterday,  will  get affirmative  action  over  white  Americans.  Do  the  media  really  not  know  how  the Ghanaian immigrant got accepted to ALL EIGHT Ivy League schools? According to New York magazine, it’s because he’s “better than you.”

 

“THANK YOU” WOULD BE NICE

 We can’t assimilate immigrants to Western ideas about pedophilia, human trafficking, and credit card fraud, but they take like fish to water to America’s victim culture. People adapt amazingly quickly to a sense of entitlement. In about ten seconds, impoverished immigrants go from Wait—I can have this? to Where’s  my money? As a white female Sears employee told the New York Times, Somalis “think this is a great opportunity for them, this prejudice thing. If you look at them the wrong way or they don’t have enough money, they say it’s prejudice.”14 Newcomers hear American paeans to tolerance,  respect,  and inclusion and think:  Great!  That  means tolerance of ME, respect for ME, and inclusion for ME.

In 2002,  Minneapolis police  shot a Somali man,  Abu  Kassim Jeilani,  who was walking down  the  middle  of  a  busy street  waving a  machete.  While  this  may  be common behavior in Mogadishu, it’s generally frowned upon in Minneapolis. Even after being tasered a half dozen times, Jeilani continued to menace cops with his machete, charging the officers and smashing it on their squad cars. Eventually, Jeilani rushed an officer and ended up dead.15 Luckily, every Somali in Minnesota who has a job works for an ethnic grievance outfit—for  example, the Somali Justice Advocacy Center, the Somali Resources Aid Associates, the African Development Center, and the Confederation of Somali Community in Minnesota. (And those are just some of the jobs being created by immigrants!)

This allowed the Somali community to erupt in rage, claiming Jeilani’s “civil rights” had been violated. Omar Jamal, of the Somali Justice Advocacy Center, denounced the shooting, claiming, unironically: “We are taxpayers. We pay these people to serve and protect  us. We pay taxes and they pay taxes.”16 With half of Somalis in Minnesota unemployed and 80 percent  living at or below the poverty level, one thing they are definitely not doing is “paying taxes.” I think the phrase he’s looking for is “accepting welfare.” The Somalis’ civil rights lawsuit on behalf of a man who ran at cops with a machete was unsuccessful. It was very successful, however, in wasting the resources of U.S. federal courts for five years.

About a decade ago, thousands of Somalis moved to the small working-class town of Lewiston, Maine. Within the first year of their arrival, the town’s welfare caseload doubled. Before the town was bankrupted, Mayor Laurier T. Raymond Jr. wrote a letter to Somali elders asking them to discourage their fellow countrymen from continuing to move to Lewiston. He respectfully explained: “We have been overwhelmed and have responded valiantly. Now we need breathing room. Our city is maxed-out financially, physically and emotionally.”

In response, the Somali elders accused him of racism. Calling the mayor an “ill-informed leader who is bent towards bigotry,” they said he was trying to incite “violence against our people physically, verbally and emotionally.” The governor and attorney general were forced to defend the mayor from charges of racism. But the Somalis pushed on, demanding that everyone acknowledge how peachy they are. “We hope that others appreciate,” they said, “the potential richness and opportunity newcomers bring to the city.”

At least Lewiston has shed its boring whiteness! Today, Somali boys roam the streets physically assaulting the locals. Within a few days in the summer of 2009, three separate residents were mugged, including one woman in her sixties and one man who had to be hospitalized. Another time, a gang of Somali boys attacked a woman walking her dog, beating the dog with a stick. Muggings by Somalis are so common that some Lewiston residents have been victimized more than once.

Even Somalia doesn’t want Somalis. Convicted rapist Mohammed Mukhtar avoided probation by agreeing to be deported after completing his sentence in Somalia, however, is unlikely to take Mukhtar back. We want him to go, he claims he wants to go, but Somalia can say, We’re leaving the rapist with you. Our immigration laws are working fantastically well for every country in the world except our own.

 

Qore: Abdinasir Ismail "SOLA"

Investigative Journalist

La xiriir: info@solaportal.

 

 

Viewing all 99 articles
Browse latest View live